Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

XAALADDA MACALIMIINTA GOBOLKA GEDO

admin by admin
November 21, 2014
in Caafimaadka
0
XAALADDA MACALIMIINTA GOBOLKA GEDO
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Macalimiinta gobolka Gedo ayaa ku shaqeeya duruufo adag, amaan daradda, dhaqaalo xumida iyo la’aanta kaabayaasha xirfadeed ayaana ah caqabado ay sheegeen.

Cali Maxamed Ciise oo madaxa waxbarashada degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo oo la hadlayey Warbaahinta Ergo ayaa sheegay in tayada macalimiinta gobolku ay liitaan, kuwii horay ay u tababartay dawladii horena noqdeen kuwo gaboobay, aysanna jirin hadda hab ay u helaan macalimiintu xirfaddaha muhiimka u ah wax barista carruurta.

Faarax Sheekh Cadow oo ka mid ah guddiga waxbarashada gobolka gedo ahna maamulaha Dugsiga Hoose/Dhexe ee Degmada Luuq ayaa sheegay in colaaduhu yihiin kuwa ugu daran ee dhabarka ka jebiyey macalinka, sidoo kale xirnaanshaha wadooyinku ay macalimiinta ku ku hayaan caqab ah inaysan dhaqaaqi karin, , wuxuuna sheegay siday tirakoob ku hayaan 2 sano ee ugu dambay say 15 macalin ay tageen shaqooyinkoodii dugsiyada gobolka, kuwaasoo kala aaday xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Magaladda Muqdisho, iyadoo iskuulkii hoose Dhexe ee Ceel cade uu u xirnaa muddo sided bilood ah ahayd intii u dhaxaysay November 2013 ilaa June 2014 macalin la’aan.

Guddiga waxbarashada ayaa sidoo kale sheegay in 4 macalin ay uga tagtay degmada Ceelwaaq markii ay heleen fariimo hanjabaad ah in la dili doono, tanoo ah xad gudub iyo dhibaato loo geysanayo macalinka oo ah barbaariyaha da’yarta, kuna shaqaynaya wakhtigaan mushahar la’aan.

Macalimiinta gobolka ayaa ku shaqeeyo lacago bulshada qurba joogta ahi soo gaarsiiso goobaha waxbarashada, sidoo kale ururo iyana guddaha ka hawl galla ayaa gaarsiiya waxoogaa kaalmo ah, waxaa kaloo jira lacago aan badnayn oo laga qaado ardayda ay qoysaskooda awoodaan inay wax ka bixiyaan oo dhan $5 bishiiba, agabka wax lagu baro carruurta ayaa waxaa bixisa UNESCO oo u soo marsiisa hay’adda UNICEF.

Ibraahim Faarax oo ah kuddiga kormeerka waxbarashada gobolka, hay’adda UNICEFna kala shaqeeya wacyi gelinta waxbarashada gobolka ayaa weriyaha Ergo u sheegay in guud ahaan gobolka ay ka furan yihiin 78 dugsi oo hoose, dhexe iyo sareba ah, waxaana ka hawl gala 300 oo macalin, macalimiintaan ayaa isugu jira kuwo raashin yar ku bedesha shaqaday qabtaan kuwo kalena waxay qaataan inta u dhaxaysa 50 ilaa 100 dollar.

Guddiga waxbarashada gobolka ayaa ugu baaqay dadweynaha inay xil iska saran wanaajinta nolosha macalimiinta iyo ka ilaalinta dhiibaataynta si ay fursad ugu helaan waxbarista carruurt.

Axmed Cumar Saalixi

Previous Post

Xaaladda macalimiinta gobolka Gedo

Next Post

Nin ku guuleystay joojinta xaaluf ka jiray Sanaag

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Nin ku guuleystay joojinta xaaluf ka jiray Sanaag

Nin ku guuleystay joojinta xaaluf ka jiray Sanaag

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-FEB-2026

IDAACADDA 11-FEB-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-FEB-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-FEB-2026
February 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-FEB-2026
February 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09 -FEB-2026
February 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-FEB-2026
February 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-FEB-2026
February 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo