Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: 450 qoys oo ka barakacay fatahaadda webiga Jubba

Radio Ergo by Radio Ergo
November 10, 2014
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankIlaa 450 qoys oo beeralley ah oo fatahaadda webiga Jubba ay baabi’isay dalagyadii beerahooda iyo guryahooda ayaa soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo ku tiirsanaa wax soo saarka beeraha

Luul Xuseen Baraka oo 35 jir ah haysatana 7 carruur ah kana soo barakacday tuulada Mashaqo, oo ku teedsan webiga  ayaa raadiyaha Ergo u sheegtay in beerteedii iyo gurigeediiba ay qaadeen biyaha ka dhashay fatahaadda webiga Jubba, 15 maalmoodna ay joogto xerayaha dadka barakacay ay ku jiraan ee magaalada Kismaayo oo aan lahayn hoy ay galaan, cunno, caafimaad, biyo iyo caawimaad toona.

Maano Maxamed ayaa Ergo u sheegtay in dhammaan qoyasaskii ku noolaa tuulada Moofi oo iyana ku tiirsan webiga ay ka soo barakaceen kadib markii gabi ahaanba dalagyadii ay beerteen oo isugu jiray Galleey, digir iyo dalagyo kale ay la tageen biyuhu islamarkaana ay dumiyeen guryhii ay ku noolaayeen iyo agabkoodiiba.

“Waxba ma haysanno, xataa dhar la xirto ma wadanno, gaajo ayaa noo dheer oo carruurta wax la siiyo maleh, meeshaanna shaqo ma leh waan iska rafaadsannahay Ayey tiri.”

Cabdulqaadir Xuseen Cali oo ka mid ah qoysas ka soo barakacay tuulada Buulo-yaaq, lehna 8 carruur ah ayaa sheegay in xitaa fatahaaddu ay la tagtay xoolo ari u badnaa iyo digaag, waayo qoyasaska qaar ayaa isugu jiray xoolalleey iyo beeralleey,” Markii hore waxaa saamayn nagu yeeshay roobkii guga ee la waayey oo beeriihii nooma bixin, haddana roobka deyrta ayaaba xaalufiyey intii aan falannay, annagu  wax soosaarka beeraha ayaan ku tiirsannahay ,halkan nafta ayaan kula soo cararnay, laakiin nolol ma taallo ayuu ku daray hadalkiisa.”

Guddoomiyaha barakacayaasha magaalada Kismaayo Maxamuud Muuse Cali oo la hadlay raadiyaha Ergo ayaa sheegay in tirada qoysaska ay soo barakiciyeen fatahaadda webiga Jubba ee Kismaayo soo gaaray ay dhantahay 450-500 ilaa 20kii bishii hore, waxaana laga yabaa inay intaa ka badato tirada waayo maalin walba way soo galaan dadka ka soo barakacaya fatahaadda.

Maxamuud ayaa intaa ku daray in qoysasku ka kala yimaadeen tuulooyinka kala ah Buulo-yaaq, Moofi, Mas-aakhirow, Mashaqo iyo Miyuwa oo ah deegaannada xiga dhanka gosha oo Kismaayo u jira 70 KM dhanka waqooyi, Haddana waxay ku sugan yihiin xaalad adag oo uu baahan in loo gargaaro.

Maxamed Sahal Cumar/FO

Previous Post

Aabe 55 jir indhoole ah oo ka shaqeeya samaynta alaabta

Next Post

Gaalkacyo: tirada carruurta nafaqo darradu hayso oo sii kordhaysa

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Gaalkacyo: tirada carruurta nafaqo darradu hayso oo sii kordhaysa

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo