
Howl-wadeennada caafimaadka ee cisbitaalka koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inay sii kordhayso tirada carruurta ay hayso nafaqo darrada ee laga keenayo deegaannada miyiga iyo tuulooyinka fog fog ee gobolka Mudug.
Cabdiraxmaan Nadaara oo ka tirsan shaqaalaha isbitaalka ayaa Ergo u sheegay in labadii bilood ee u dambeeyey ay toddobaad kasta qaabilaan 15-20 carruur ah oo la liita nafaqo darro halka bilooyin ka horna ay todobaadki qaabili jireen 5-6, asagoo intaa ku daray in bishi ay qaabilaan ku dhawaad 100 carruur ah.
Fartuun Ismaaciil oo ka shaqaysa qaybta carruurta ee cisbitaalka ayaa sheegtay in ilmaha qaar ay nafaqa darrada ka qaadeen shuban iyo matag ku dhacay markii hore kadibana aysan helin dawooyin maaddaama carruurta badan kooda laga keenay dhulka fog ee miyiga ah oo aan lahayn goobo caafimaad.
Hinda Khaliif waa hooyo haysta wiil jira 11 bilood waxayna ka timid deegaanka Qarsooni oo ka tirsan Gaalkacyo, waxaynyna Ergo u sheegtay in wiilkeeda 4 bilood uu xanuunsanaa maamlmo ka horna ay keeneen isbitaalka haddana laga dawaynayo nafaqo darro.
Salaad Xasan Saleebaan oo ka yimid deegaanka Ceel-gula oo 110 KM u jirta magaalada Gaalacayo oo gabadhiisa oo hal sano jir ah keenay isbitaalka ayaa Ergo u sheegay in 5 bari ka hor oo matag iyo shuban uu ku dhacay, uu ku arkay nafaqo darro.
Wuxuu Salaad sheegay in tuulada uu ka yimid oo fog darteed, aan qofka dhaqso loogu soo qaadi karin isbitaalka.
Cabdiraxmaan Nadaara ayaa sheegay in nafaqo darrada soo korortay uu sabab u yahay shubanka dillaacay xilliga kuleylaha, iyadoo marka carruurtu ay fuuq baxaanna aysan waaliddiintu siineynin nafaqo ku filan.
Maxamed Siciicd/FO








