Maryama Xuseen Siciid waa hooyo 50 jir ah, waxay ka mid tahay todobo dumar ah oo ka xamaasha buur jayga laga guro oo ku taal deegaanka Yeroowe oo koonfur ka xigta Burco, Maryan waxaa curyaamisay miino la qaraxday sanadkii 1988 oo dagaallo sokeeye ka socdeen gobollada waqooyi, waana naafo hadda, waxayna ka shaqaysataa dhagaxaanta jayga ah ee guryaha lagu dhiso oo ay ku rarto baabuurta magalada Burco, iyadoo la hadlaysa Ergo ayey sheegtay.
“Waxaan deganahay degaanka Yeroowe, oo u dhow Burco, dagaaladii Burco ka dhacay 1994 ayaanan uga soo barakacay Burco, waxba ma haysto, halkaan masaariiftayda ayaan ka raadsadaa, carruur lix ah ayaan dhalay, abaahoodna waan kala tagnay, annigu hadda laba carruur ah ayaan haya oo mid naafo yahay, wiilka naafadda ah isagoo yar ayuu miino garaacay wayna ku qaraxday, waxayna goysay labada gacmood, ilna way ka tuurtay.”
Maryan ayaa sheegtay in halkii kaariko ay siisato $20, ayse dhibtu tahay wakhti saddex bilood ah ay ku ururiso dhagaxa halka gaari ah, dhibaatada haysata ayey sheegtay inaysan haysan wax qalab ah, ayna gacanteeda ku ururiso jayga, markay raraysana ay u adeegsato maryo.
Maryama oo ka sheekaynaysa waxa shaqadaan adag ku kelifay ayaa sheegtay inaysan haysan wax kale oo ay nolosheeda ku maarayso, iyadoona sidoo kale lacagtaas kaga bixisa carruurta waxbarasho oo hadda wiilka naafada ahi uu dhigto dugsiga sare, gabadha oo 8 jir ahina dhigato fasalka labaad ee dugsiga hoose, ayna labadoodaba ka bixiso bishii $7 dollar, kama jirto waxbarasho dadweyne oo dawladu maal geliso deegaanka.
Dhibaatada todobaadaan dumarka ah ee Maryan ka mid tahay hadda soo foodsaartay ayaa ah in buurtii ay ka guran jireen dhagaxa laga iibiyey nin ganacsade ah oo la yiraahdo Faarax Ibraahim oo ah nin iska leh shirkad gury aha dhista, waxaana ka iibiyey guddiga iyo gudoomiyaha tuulada Yeroowe siday Ergo u sheegeen, weriyaha Ergo ee Burco ayaa sheegay inaysan weli ka hadlin maamulka deegaanku arrintaan weli.
Sidiiq/MH









