
Anbiya Ibraahim waa 20 jir haysata saddex carruur ah aabahoodna ay kala tageen waxayna Ergo u sheegtay “Annagoon waxba ogayn ayaan 6dii bishaan hal mar nala kor keenay cagafyo iyo alaabo oo waa la dhisayaa ayaa la yiri ee ka baxa meesha, dan kale ma jirin inaan ilmaheena qaadano ayey noqotay, hadda waa u jeedaa inaan dhisanayo guri ku meel gaar ah, halkaan oo banaan ayaan nimid, mana aanan soo qaadan wax hoy ah, awal waxan gadi jiray laws aan suuqa ku gadi jiray 10kii maalmood ee la soo dhaafay suuq ma aadin oo carruurtii ayaan hayaa, oo banaankaas ayaan seexanayaa.”
Horay dadkaani waxay u dhisteen goobtaan oo ay lahayd dawladdii hore, waxaanay ka soo qaxeen Baydhabo xilliyadii dagaaladda sokeeye socdeen, meesha ay degeen dadkaani ayaa ah meel aad uga fog magalada.
Xaawo Cali Cabdiraxmaan ayaa iyana ka mid ah dadkii laga saaray dhulkaan, waa 35 jir 7 carruur ah haysata, maanta ku shan ayaan cidla fadhinaa, dawladda ma ahayn dadka naga soo saaray goobta ee waxay ahaayeen dad iyagu qabsaday dhulkaan dawladda markii dawladdii hore burburtay, awood kale ma lihin, waa inaan yeelno waxay nagu amraan, waxaan soo qaatay qoryo ay iigu daboolnaayeen bashashkii aan ku jirnay, waxna ma dhisan weli ulihii keliya ayaan haystaa, awal suuqa Baakaro ayaan dabiil ku xamaali jiray, suuquna waa ii dhowaa, deris ayaan uga tegi jiray carruurta, hadda meel ma aadi karno, wuuna naga fogyahay suuqii Bakaaruhu ee aan u xoogsi tegi jiray.
Raxma Maxamed Muuse oo iyana ka mid ah haweenkaan iyana banaanka yaal ayaa sheegtay inaysan lahayn doorasho kale, “Masaakiin dhoobay horay uga soo barakacay ayaan nahay, dusheenaa roobku ku da’ayaa, marka dawladda iyo hay’aduhuba bal xaaladeena ha fiiriyeen.
Dhulkaan ayaa ah dhul dawladeed nin magiciisa ku soo koobay Mukhtaar oo ka mid ah kuwa dhisanaya dhulka ayaa Raadiyo Ergo u sheegay in dhulkaan ay ka iibiyeen qolo horay u qabsatay, “Waan ogahay inuu dhul dawladeed yahay, dadkii qabsaday ayaa naga iibiyey, anniga dhul dad leeyahay ma gadan karo oo waa qaaali 25 kun oo dollar ayaa lakala siisanayaa, dhulkaanse kun dollar ayaa la iga siiyey, oo awood kale ma lihi oo aan ku gato dhul kale, kan dawladu leedahay oo lacag jaban la iga siiyey ayaan door biday.”
Maray Raadiyo Ergo wax ka weydiisay siduu lacag uga bixiyey dhul uu ogyahay in dawladdu leedahay berina laga saari karo ayuu Mukhtaar ku jawaabay, “Markii ay dawladii lahayd u timaadana waa uga kacayaa, inta ka horaysana waa deganaanayaa, kuwii iga iibiyey ayaana ii soo sameeyey warqado sharci ah oo lagu soo sameeyey Cabdalla Shideeye oo ah goob lagu iibiyo dhamaan warqadaha sharciyadda ee dawladdii Soomaaliyeed lahayd.
Afhayeenka gobolka Banaadir Cali Maxamuud Seeko oo Ergo wax ka waydiisay dadka ka raraya dhulkii dawladda barakacayaasha kadibna iibsanaya iyo waxay ugu tala galeen dadkaan la barakiciyey ayaa Raadiyo Ergo u sheegayy: “Annagu ma ogin in dad aan dawladda ahayni dadka barakicinayaan, waxaanse dhamaan dadka Soomaaliyeed u sheegaynaa in dhulkii dawladdu lahayd inay u soo socoto, lagana kicin doono dhowaan qofkastoo degan, lacagna aysan iska gelin, inta dawladdu awoodaysanayso ayuunbaa naga xiga.”
Cali Seeko ayaa sheegay inay ku baraarujinayaan dadkaan barakaca ku ah Muqdisho oo ah kuwii ka soo barakacay dhulkii wax soo saarka beeraha iyo xoolaha laf dhabarka u ahaa ay dib ugu noqdaan, annaguna talo, xoog iyo wax u qabad kaleba waan ku bixinaynaa sidii dadkaan loogu kaalmayn lahaa inay dib ugu noqdaan wax soo saarkii, iyana dan uma ahan in markasta la barakiciyo ayna ku jiraan xeryo, waxayna ka qayb qaadanayaan wax soo saarka wadanka.
Xamdi/MH










