
By Muxyadiin Axmed Rooble
Saciido Cusmaan Qaasim waxey uurka ku sidday ilmaheedii lixaad markii ciidamada dowladda ay galeen xerada ay ku nool yihiin dadka soo barakacay ee warshadaha caanaha si ay u dumiyaan guryaha cooshadaha ka sameysan toddobaadkii koowaad ee October. Dhismahan oo ah dhul dowlo wuxuu hoy u ahaa iyada iyo labo kun oo qof oo iyana soo barakacay.
“Rag hubeysan oo gawaari wata ayaa si kedis ah aroornimadii noogu yimid. Waxey bilaabeen inay dumiyaan guryaha cooshadaha ka sameysan iyaga oo dadka si qasab ah dibadda ugu saaraya,” Saciido ayaa sidaas u sheegtay Raadiyaha Ergo oo ay ugu warrantay xero barakac oo ku taal duleedka Muqdisho. Waxey intaa ku dartay in ciidamadu aysan dhageysan codsiyada dadka oo ku cataabayay in la siiyo waqti ay ku raadsadaan deegaan kale. Si ay u cabsi geliyaan dadka deegaannadooda kasoo barakacay, ciidamada dowladda waxey kor u ridayeen rasaas iyaga oo ku qeylinaya “Baxa…Baxa..haddii kale qasab baa la idinku saarayaa sida ay sheegtay Saciido.
“Carruurtii baa iga sastay oo maalintii oo dhan bey oynayeen. Waxba kama aynan soo qaadan xitaa bacihii iyo qoryaha aqalka lagu dhiso. Nafteena uun baan lasoo baxsannay,” ayey hadalka sii raacisay. Dadka ku nool xerada wargelin iyo digniin midna horey uma aysan helin. Sidaas darteed ma aysan helin waqti ay ku raadsadaan deegaan kale kahor inta aan xerada laga saarin.
Laakiin Ku xigeenka Duqa Gobolka Iimaan Nuur Iikar wuxuu Raadiyaha Ergo u sheegay in dadka laga saarayo dhismayaasha dowladda la siiyo shan iyo toban maalin oo deegaan kale ay ku raadsadaan. “Iyaga ayuu xil ka saaran yahay in ay helaan deegaan kale,” ayuu yiri Iikar. Sidaas oo ay tahay, wuxuu sheegay in maamulka gobolka uu gacan siiyo dadka laga saarayo dhismayaasha dowladda inta karoonkooda ah.
Saciido oo kasoo qaxday deegaanka Feerfeer ee ku dhow xadka gobolka Hiiraan la wadaago Itoobiya ayaa sheegtay in shanteeda carruurta ah ay ku dhasheen, kuna barbaareen xerada Warshadda Caanaha. Sidaas darteed, ma jirto meel kale oo ay hoy iyo deegaan u yaqaannaan. Laakiin Ku xigeenka Duqa Magaalada wuxuu ku adkeysanayaa in dadka soo barakacay ay banneeyaan dhismayaasha wasaaraduhu ay ku shaqeyn jireen, xarumaha ciidamada iyo dugsiyada dowladda oo uu sheegay in dowladdu ay u baahantahay isticmaalkooda.
Si kastaba, toban maalin uun kadib markii qasabka looga saaray xerada Warshadda Caaanaha, Saciido waxey ku foolatay meel bannaan oo ku dhow xerada iska dhisantay ee Anfac ee duleedka Muqdisho ku taal iyada oo aan heysan taageero caafimaad.
“Muqdisho waxeynun ku heli karnay xarumo caafimaad oo xeryaha u dhow, halkanse wax yaalla ma leh. Xitaa kalkaaliso lama helayo iskaba dhaaf howl-wadeenno caafimaad,” ayey tiri Saciido oo caawimaad ka heshay haweenka xerada ku nool.
Xeradan oo ku taalla deegaanka Sarkuusta waxaa ku nool in ka badan 170 qoys oo labadii sano ee ugu dambeysay laga barakicinayay xarumo dowladeed iyo dhismayaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada Muqdisho. Laakiin xeradu ma leh xarun caafimaad, dhakhaatiir ama farmashiye midkoodna.
Hey’adda Qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR waxey sheegtay in xerooyin noocaas ah ay ku nool yihiin dad ka badan soddon iyo lix kun oo qof oo laga barakicyay dhismayaasha ay degganaayeen intii u dhaxeysay bilaha jannaayo iyo Oktoobar. Laakiin Iikar wuxuu tiradaas ku sheegay mid aan raad laheyn oo laga badbadiyay. Laakiin dowladda ayaa qorsheyneysa in ay dhowaan billowdo qorshe lagu ogaanayo tirada rasmiga ah ee dadka deegaannadooda kasoo barakacay ee ku nool xeryaha ku dhow Muqdisho.
Si kastaba, dadka Saciido la midka ah oo ku noolaa xeryaha Muqdisho ku dhex yaal waxey ku tiirsanaayeen shaqooyin aan joogto aheyn oo ay ka qabtaan suuqyada magaalada. Raggu waxey ka xamaashaan suuqyada magaalada, kuwo gaari-gacamo ayey riixaan. Habluhuna dambiilaha ka miisaanka culus ayey xambaaraan ama dharka ayey u dhaqaan qoysaska ladan si ay cunto ugu helaan ubadkoodu.
“Berigaan Muqdisho joogay waxeynu quudan jirnay dhididkeyga. Waxaan cuntada u karin jiray ama aan dharka u dhaqi jiray reeraha ladan. Lacagtaan ka helo ayey carruurteyda quudan jireen,” ayey tiri Saciido. Laakiin hadda ma heli karto shaqooyinka noocaas ah oo tiir-dhexaadka u ah noloshooda maaddaama dadka dariska u ah oo u dhow ay yihiin kuwo barakacay iyo danyar iyagu qabsada shaqooyinka noocaas ah.
“Gadiidka Xamar taga wuxuu qaadanayaa lacag ku dhow hal doolar sii socod iyo soo-socod ba. Mana hubo in aan lacagtaas heli doono haddii aan Xamar aado, marka xeradaan iska dhex joogaa,” ayey hadalka kusoo meertay Saciido Cusmaan Qaasim oo dhabta ku heysatay gabadheeda 10 maalin uun dhalan.
Sheekadan waxey qeyb ka tahay warbixinno taxane ah oo aan ka diyaarinnay dadka soo barakacay ee laga sii barakicinayo dhismayaasha dowladda iyo dhulka gaarka loo leeyahay ee magaalada Muqdisho.










