Wakhtiyadda roobabku da’aan ayaa waxaa xumaadda saxadda magalooyinka wadanka oo aan badi la ahayn hab bulaacado oo biyaha banaanka uga saara magaladda taasoo ay ka dhashaan dhibaatooyinka la xiriira dhanka caafimaadka.
Bahda caafimaadka ee magaalada Baydhabo ayaa sheegay in bishan iyo bishi la soo dhaafay cibitaalka la keenyay in ka bdan 80 qof oo isugu jira carruur iyo dad waawayn oo ay soo riteen cudurada shubanka iyo duumada.
Dr Caasho Maxamed oo cisbitaalka Baay-haw u qaabilsan hooyada iyo dhalaanka ayaa Raadiyaha Ergo u sheegtay in bishi hore 80 qof la keenay cisbitaalka halka shantii maalmood ee ugu danbaysayna la keenay 8 ruux oo u badan carruurta waxaana dadkaan laga keenay gudaha magaalada Baydhabo iyo tuulooyinka banaankeeda ah, cudurada dadka haya waa duumo iyo shuban waxaana sababay roobabka da’ay oo kaneeco ay ka dhalatay iyo dadka qaarkii oo cabay biyaha aan nadiifka ahayn ee roobka iyo guud ahaan xaaladda sixada oo u xun.
Dr Caasho ayaa Ergo u xaqijisay in uu ku dhintay cisbitaalka hal qof oo ilmo yar ah kaasoo uu ku dhacay cudurka shubanka.
Yaraan Cabdi Axmed waxay Ergo u sheegtay in gabar ay dhashay ay cisbitaalka kula jirto muddo 8 casho ah kadib markii isku biirsadeen fuuq-bax iyo barar korka ah. Hadana xaaladeedu ay fiican tahay markii ay heshay daaweyn.
“Cisbitaalka waxaan kula jiraa wiil aan dhalay, qandho kulul iyo shuban ayaa ku soo boodey wiilkeyga, markan ku arkay xanuunka ayaan ula soo cararey halkaan si aan daawo ugu helo, hada wax yar oo nafis ah ayaa ka dareemayaa, waan ka keeney xero barakac oo ku taala duleedka magaalada Baydhabo oo ay ka jirto nadaafad darro aad u liidata sidaa waxaa Ergo u sheegtay, ” Muslimo Maxamed Isaaq.
Xaliimo Barre Axmed waxay degan tahay deegaanka Gasarta oo Baydhabo 15 KM dhanka bari oo roobab xoogan oo wadooyinka biyo dhigeyay ka da’een mar ay la hadashay Ergo ayey tiri.” Waxaan kala soo cararey wiilkan yar oo aan dhalay oo ku dhacay shuban, deegaanka Gasarta dadka ku nool badankooda waxay cabaan biyaha wadooyinka roobka dhigey xanuuno badan ayaa carruurta naga saameyay sida shubanka, duumada iyo kuwa kale oo xaaladda caafimeed aad bay u liidataa.
Muxiyadiin Muxsin








