
Cabdiqaadir Qase oo ah aabbe 40 jir ah lehna 8 carruur ah ayaa raadiyaha Ergo u sheegay inuu lahaa 3 shabaagadood, balse hadda gacmahaa isku kay dulsaaran oo waxba ma qabto, “Nolosha qoyskayga waxay ku tiirsanayd jilabashada kalluunka oo maalinti waxaan heli jiray 12 kiilo oo kalluun ah, waxaan ku dabbari jiray biilka iyo waxbarashada carruurta,” ayuu yiri.
Qoyska Cabdulqaair waxay sidoo kale u qaxeen deegaanka Ceel-jaalle oo u dhow magaalada Beledwayne, isagana wuxuu weli joogaa Beledweyne oo wuxuu ka dhursugayaa shaqadiisa.
“Waa xirfadda keliya keliya ee aan qaan, muddo sanado ah ayaana ku shaqeysanayay.”
Cismaan Cilimi Cabdi oo ah aabbe 35 jir ah oo deggan xerada dadka barakacay ee Buulo-yaaquub ee magaalada Beledwayne, hasytana afar carruur ah iyo hooyadood wuxuu Ergo u sheegay in 7 Shabaakadood uu haystay ka hor fatahaadda webiga, balse maanta uu haysto hal xabbo oo kaliya oo intii kale biyaha ay la tageen.
“Xilligan oo kale waa xilligii aan fileynay inaan si fiican uga faa`iideysanno kalluunka, balse fatahaadda ayaa rajadeenna lumisay,” ayuu yiri.
“Aniga maalintii waxaan heli jiray 12 kiilo, qiimo ahaan gaaraysa hal milyan oo shilin Soomaali ah, ku dhowaad $50 doollar, hadda waxaan sameeyaa shaqo xamaali ah si aan u helo carruurta biilkooda waayo xal kale ma hayo,” ayuu ku daray hadalkiisa.
Xasan Bashiir wuxuu foorno lagu dubo kalluunka ku haystaa magaalada Beledwayne, isagana ganacsigiisa saameyn ayay ku yeelatay fatahaadda.
“Aniga dadka soo jillaabta ayaan ka sii qaataa kalluunka, markaan dubo kadib ayaan sii iibiyaa, haddii ay dadkaasi waayaan kalluun anna ma helayo, waxayna saamayn ku yeelatay noloshayda,” ayuu yiri.
Cabdullaahi Salaad









