Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Askar ku biiraysa goobaha waxbarashada

admin by admin
November 17, 2014
in Arrimaha Bulshada
0
Askar ku biiraysa goobaha waxbarashada

Photo | Sawir/askari cashar akhrinaya/Xamdi Cabdullaahi/ XasanErgo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Sanado badan kadib ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu arkayaa askar ka tirsan ciidanka qaybihiisa kala duwan oo ku biiraya goobaha waxbarashada sida jamaacadaha, dugsiyada sare iyo goobaha waxbarashada aan nidaamiga ahayn.

Cabdilaahi Maxamed Saciid toddoba sanno ka hor ayuu ku biiray ciidanka booliska soomaaliyeed, xiligaas oo uu soo dhameystay dugsiga sare, hadda waa sodon (30) sanno jir xaasle ah haystana 6 carruur ah, dhawaan ayuu iska diiwaangalshay jaamacad ku taala Muqdisho gaar ahaan kuliyadda cilmiga maamulka bulshada.

Cabdilaahi oo Ergo u waramay ayaa sheegay in waxbarashadu ay noloshiisa muhiim u tahay “bani’aadamku hadduusan wax baran noloshiisu madhameystirna, sidaas darteed ayaan go’aan ku gaaray in aan waxbarto anigoo askari ah, inkastoo mararka qaar ay hakad iga gasho oo aan hawsha qaranka ka doorbido tayda gaarka ah ee waxbarashada.

“Ma doonayo in aan ciidanka ka baxo maadaama anoo askari ah aan waxbaranayo, askari aan waxbaranina ma gudankaro waajibka laga doonayo, si hagaagsan ulama dhaqmayo bulshada, mana hagaajin karo xiriirka bulshada kala dhexeeya, dhammaan ragga ciidanka ah waxaan kula talinayaa inay tacliinta bartaan.

Maxamed Jaamaca Geedi isaguna waa askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya isagoon dhameysan waxbarashadii dugsiga sare ayuu seddex sanno ka hor ku biiray ciidanka milatariga Soomaalia, hadda wuxuu bilaabay inuu luuqadaha carabiga iyo ingiriiska barto, “Haddii aan horay u seegay in aan dhameysto waxbarashadeydii aas-aasiga ahayd ayaan go’aansaday in aan luuqdaha wax ka fahmo, sababtii aan uga haray waxbarashadeydii waxay ahayd ka dib markii dhawr jeer la iga badalay deegaankii aan wax ka baranayay, taasina waxay noqotay caqabad oo adoo imitixaan u diyaarsan ayaa amar ciidan lagugu bedalya oo deegaan kale lagu geynayaa, ” sidaa Ayuu Ergo u sheegay.

“Waan jeclahay waxbarashada, laakiin  waan ku guuldareystay  in aan waxbarashada dhameysto hada ka hor, waa laga yaabaa in aan dib u bilaabo tacliinta  haddii aan dalaco oo aan darajo sare ka gaaro ciidamada qaranka, hadase xaalku waa adagyahay” Acadbulaahi Gureey ayaa oo ka tirsan ciidanka booliska ayaa sida ayiri.

Axmed Cabdullahi Aadan  afartan sanno (40) ka hor ayuu booliska ku biiray wuxuuna xusay in ay jiraan caqabado badan oo askartu aysan waxbarasho u gali karin, “askariga ku jira furimaha dagaallka ama jooga xuduudaha ma awoodo in uu waxbarato laakiin kan magaalda iyo meelaha iskuulaadka leh jooga wuu barankaraa oo wakhti ayuu haystaa, “aniga markii aan ciidanka qoranayey waxba ma aqoon laakiin markii danbe ilaa dugsi dhexe ayaan dhamaystay walina ciidanka ayaa ka mid ah gaar ahaan booliska.

Talaabooyinkaan ayaa ah kuwo ku cusub dadka ku jira arrimaha ciidamada Soomaaliya, oo inta badan aan ku fekerin inay isku wadaan tacliin iyo askarinimo

Xamdi Cabdullaahi/FO

Previous Post

Dhallinyaro ka cabanaysa musuqmaasuq dhanka shaqada ah

Next Post

WHO OO SHEEGTAY IN TIRADDA BUKAANADA U ADKAYSANAYA TB-DA OO WALI KA JIRA PUNTLAND

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
WHO OO SHEEGTAY IN TIRADDA BUKAANADA U ADKAYSANAYA TB-DA OO WALI KA JIRA PUNTLAND

WHO OO SHEEGTAY IN TIRADDA BUKAANADA U ADKAYSANAYA TB-DA OO WALI KA JIRA PUNTLAND

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo