Madaxa Cudurka TBda hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO u qaabilsan Puntland Cali Cabdi Ciise ayaa sheegay in daawo aan tayo lahayn oo lagu iibiyo farmashiyaasha ay keentay in dadka cudurka qaaxada qabaa u adkaystaan daawaynta cudurkaan. Dr. Cali ayaana sheegay in wakhtigaan deegaanada Puntland ay ku suganyihiin 700 oo qof oo u adkaystay daaweynta cudurka TBda.
In daawada si wacan loo qaato ayuu takhtarku sheegay wacyi gelinteeda ay bilaabeen 1996, taasoo lagu tusinayey habka dadka qaaxada qabaa daaweyn u qaadan karaan, marka waxaa la sharciyeeyey xilligaas in qofkastoo qaba TB keeno damiin, marka dawada loo bilaabana waxaa la siiyaa wacyi gelin, haddii la waayana damiinkii ayaa la yiraahdaa keen qofkii , sidaas ayaa daawadu ugu socotaa 6 ilaa 8 bilood.
Takhtarka ayaa sheegay in arintaani aysan weli miro dhalin, dadka daaweyn horay u qaatay oo soo noqday oo aysan daawadii waxba tarin guud ahaan waxay noqdeen 700 oo qof oo noqonaysa 48% sida darasaddii ugu danbaysay ee 2011 ee qaaxada ahayd lagana sameeyey Puntland sheegayso.
Arrinta kale ayaa ah in dadka cusub ee qaaxada qaba ay 5% iyana adkaysu ku leedahay, tanoo uu u sababeeyey dawoyinka lagu iibinayo goobaha gaarka loo leeyahay oo tayadoodu liidato.
Si arrintaan looga hortago ayaa WHO oo kaashanaysa wasaaradda caafimaadka waxay baaq u direen goobaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay, inay joojiyaan iibinta daawada aan tayadeedu fiicnayn ee qaaxada, si loo yareeyo khatarta sii kordhaysa ee u adkaysiga daawada ee cudurka qaaxada.
Daawadda TBdu waa lacag la’aan, WHO ayaa ku deeqday, waxaa ka furan 11 xarumood Puntland, dhamaanna waa lacag la’aan,
Takhtarka oo ka hadlayey heerka cudurka qaaxadu hadda ka marayo Puntland ayuu sheegay in hadba sida magaalooyinku u kala dad badan yihin ay ku xirantahay, goobaha dadka badan sida Boosaaso, Gaalkacayo iyo Garoowe ayaa ah meelaha ugu badan ee dadka qaaxada qaba lagana daaweeyo ay ku sugan yihiin.
Cabdiraxamaan








