Dhalinyarada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka cabananaya fursadaha shaqo oo aan loo sinanyn oo lagu helo qaab musuqmaasuq ah, kuna eedaynaya arrintan maamulka.
Cabdi Fitaax Axmed Faarax waa 26 sano jir xaasle ah wuxuu ka soo qalin jabiyey mid ka mid ah jaamacadahaha magaalada Muqdishu “ dhibaatada ugu daran ee na haystay waxaa fursadaha shaqo oo lagu helo qaab dhabar ka tabaasho ah oo aan aqoontaada laguu tixgalinayn, oo waxaad arkaysaa dhowr qof oo isku meel ka soo jeeda oo shaqooyin dhawr ah ka wada shaqeeya.
Dumarka ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa ugu badan ee baagamuudada ah ee aan helin shaqooyinka, Deeqo Yuusuf Abtidoon waxay ku nooshahay magaalada Caddaado ayadoo u warramaysa Radio Ergo Ayey tiri ” waxaa jira qof hay’ad u shaqeeya baaburka hay’adda waxaa darawal ka ah walaalkiis ama qof ay qaraabo kale yihiin, guriga hay’addu degan tahay waxaa ka shaqeeya walaashii marka taasi cadaalad maha ayaan leeyahay.”
Deeqo ayaa maamulka ku dhallilaysa in u wax ka qaban waayey arrintan oo uusan u samayn xeerka shaqaalaysiinta iyo mudnaanta kala siinta dhallinyarada iyo cadaaladda shaqooyinka, waxaa kaloo la arkaa in hal qof uu isku hayo dhawr shaqo dhallinyarada qaarna ay baagabuundo yiihiin.
Maxamed Xuseen oo ka hawgala xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay ayaa Ergo u sheegay in juhdi badan kadib uu aqoontiisa ku helay shaqada uu maanta joogo, asagoo intaa ku daray in wax garab aan lagu siin.
Xoghayaha waxbarshada iyo dhallinyarada ee maamulka Ximan iyo Xeeb Axmed Xuseen Khayre ayaa iska fogeeyey dhaliisha dhallinyarada, wuxuuna sheegay in ka wasaarad ahaan uu jiro qaab ay u maamulaan fursadaha shaqo ee soo baxa oo imtixaan laga qaado qofkka shaqada doonaya haddii u ku baasana sidaa lagu siiyo shaqada, balse ay aad u yaryihiin jaanisyada soo baxa.
Axmed Xuseen Khayre ayaa Ergo u sheegay in 60% ay dhallinayarada aqoonyahaynka ah ay baagbuundo yihiin.
Prof Cabdullaahi Xirsi Diirshe oo ka mid ah aqoonyahanka Cadaado ayaa sheegay inaysan shaqo la’aan jirin balse dadku ay garanayn in ay samaystaanm shaqo abuur oo maamulka iyo ganacsatadu ay sameeyaan maalagashi maadaama ilo dhaqaale ay jiraan sida kalluumaysiga, beero falashada iyo dhaqaalaynta xoolaha iyo shaqooyin asaasi ah oo wax badadan laga faa’idi karo.
Dhalinyarada tahriibta ayaa dooda ka dhigta inay shaqo la’aani hayso.
Maxamuud Cabdi Diirshe/FO










