Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro ka cabanaysa musuqmaasuq dhanka shaqada ah

admin by admin
November 17, 2014
in Arrimaha Bulshada
0
Dhallinyaro ka cabanaysa musuqmaasuq dhanka shaqada ah

Photo | Sawir/qaar ka mid ah dhallinyarada Cadaado/Maxamuud Cabdi Diirshe/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Dhalinyarada degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa ka cabananaya fursadaha shaqo oo aan loo sinanyn oo lagu helo qaab musuqmaasuq ah, kuna eedaynaya arrintan maamulka.

Cabdi Fitaax Axmed Faarax waa 26 sano jir xaasle ah wuxuu ka soo qalin jabiyey mid ka mid ah jaamacadahaha magaalada Muqdishu “ dhibaatada ugu daran ee na haystay waxaa fursadaha shaqo oo lagu helo qaab dhabar ka tabaasho ah oo aan aqoontaada laguu tixgalinayn, oo waxaad arkaysaa dhowr qof oo isku meel ka soo jeeda oo shaqooyin dhawr ah ka wada shaqeeya.

Dumarka ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa ugu badan ee baagamuudada ah ee aan helin shaqooyinka, Deeqo Yuusuf Abtidoon waxay ku nooshahay magaalada Caddaado ayadoo u warramaysa Radio Ergo Ayey tiri ” waxaa jira qof hay’ad u shaqeeya baaburka hay’adda waxaa darawal ka ah walaalkiis ama qof ay qaraabo kale yihiin, guriga hay’addu degan tahay waxaa ka shaqeeya walaashii marka taasi cadaalad maha ayaan leeyahay.”

Deeqo ayaa maamulka ku dhallilaysa in u wax ka qaban waayey arrintan oo uusan u samayn  xeerka shaqaalaysiinta iyo mudnaanta kala siinta dhallinyarada iyo cadaaladda shaqooyinka, waxaa kaloo la arkaa in hal qof uu isku hayo dhawr shaqo dhallinyarada qaarna ay baagabuundo yiihiin.

Maxamed Xuseen oo ka hawgala xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay ayaa Ergo u sheegay in juhdi badan kadib uu aqoontiisa ku helay shaqada uu maanta joogo, asagoo intaa ku daray in wax garab aan lagu siin.

Xoghayaha waxbarshada iyo dhallinyarada ee maamulka Ximan iyo Xeeb Axmed Xuseen Khayre ayaa iska fogeeyey dhaliisha dhallinyarada, wuxuuna sheegay in ka wasaarad ahaan uu jiro qaab ay u maamulaan fursadaha shaqo ee soo baxa oo imtixaan laga qaado qofkka shaqada doonaya haddii u ku baasana sidaa lagu siiyo shaqada, balse ay aad u yaryihiin jaanisyada soo baxa.

Axmed Xuseen Khayre ayaa Ergo u sheegay in 60% ay dhallinayarada aqoonyahaynka ah ay baagbuundo yihiin.

Prof Cabdullaahi Xirsi Diirshe oo ka mid ah aqoonyahanka Cadaado ayaa sheegay inaysan shaqo la’aan jirin balse dadku ay garanayn in ay samaystaanm shaqo abuur oo maamulka iyo ganacsatadu ay sameeyaan maalagashi maadaama ilo dhaqaale ay jiraan sida kalluumaysiga, beero falashada iyo dhaqaalaynta xoolaha iyo shaqooyin asaasi ah oo wax badadan laga faa’idi karo.

Dhalinyarada tahriibta ayaa dooda ka dhigta inay shaqo la’aani hayso.

Maxamuud Cabdi Diirshe/FO

Previous Post

Lix carruur ah oo cudurka jadecada ugu geeriyootay Shabeelada Dhexe

Next Post

Askar ku biiraysa goobaha waxbarashada

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Askar ku biiraysa goobaha waxbarashada

Askar ku biiraysa goobaha waxbarashada

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo