
Maxkamada gobolka Nugaal ee Puntland ayaa xukun ku ridday 29 Sebteembar 2014 Maxamed Jiite oo saddex gabdhood kufsi iyo afduub u geystay lixdii bilood ee u dambeysey.
Xeer ilaaliyaha maxkamadda gobolka Nugaal Cabdi Faarax ayaa sheegay in ay ku heleen inuu Jiite inuu gabadh ka soo afduubtay deegaanka Sarmaayo ee gobolka Sool, isagoona la tegey degmadda Eyl halkaas oo uu kufsina ugu geystay.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in maxkamadda horteeda uu ka qirtay inuu geystay saddex kufsi, baaris dhinaca caafimaad ee dhimirkiisa ahna ay xaqiijisay inuu caafimaad qabo, markaas kadib ay maxkamaddu 20 sano oo xarig ah ku xukuntay.
Gabadhii ugu dambaysay ee uu kufsado Jiite waxay ahayd Safiyo oo 16 jir ah waxay adhi la joogtay degaanka Sarmaayo ee gobolka Sool, goor duhur ah ayuuna ka afduubtay, isagoona u kaxaystay degmada Eyl ee gobolka Nugaal.
Safiyo oo Ergo u waramaysa ayaa tiri: “Wuu ii yimid, annigoo adhi la jooga goob miyi cidla ah una dhow Sarmaayo, goortuna waxay ahayd 12 duhurnimo, 2 Sebteembar, wuu i salaamay, geel ma aragtay, ma arag ayaan ku iri, i waraabi ayuu yiri, biyihii aan sitay ayaan siiyey, markuu biyihii cabay ayuu tooray iila soo baxay, dabaduuna iga kaxeeyey, meel alaabi u taal ayuu i geeyey, alaabtii markuu qaatayna, tooraydii ayuu igu kaxaystay, wuxuu i lugaysiinayey 14 maalmood, Sarmaayo ilaa Eyl, isagoo meel kastoo dad degan yahay igala dhuumanayey.”
Safiyo ayaa intaas ku dartay markii uu Eyl geeyey inuu niman u geeyey oo qaarkood wadaado yihiin, ii meheriya ayuu yiri waan la soo baxaye, anna waxaan ku iri waa la i soo afduubtay, kufsina wuu ii soo geystay, markaan intaas ku irina wuu carraray, nimankii ayaana i keenay isteeshinka booliska Eyl.
Qoyska Safiyo ayaa iyagu Ergo u sheegay inaysan marna filayn in kufsi ahaan loo afduubtay gabadhooda, ayse u malaynayeen dadka afduubtay inay yihiin kuwa dadka ka ganacsada ee wax tahriibiyo.
Cismaan Warsame Jaamac oo ah adeerka Safiyo ayaa Ergo inay xogta gabadhaan ay ka heleen gabadh horay uu damcay inuu u kufsado bishii Juulay ee sanadkaan oo xoog kaga baxsatay, kalana carartay telefonkiisii gacanta, gabadhaas oo deegaanka Buurcaanood ee isla gobolka Sool ku sugnayd, sidaas ayaan ku ogaanay inuu ninku gabadha u kaxaystay dhinaca Eyl oo warkeediina ku hellay.
Wasiirradda haweenka ee Puntland Aniso Cabdiqaadir ayaa bogaadisay xukunkaan, iyadoona gebi ahaanba qaadacday in kiisaska kufsiga lagu dhameeyo xeer dhaqameed, kaasoo lagu daboolo dhibaatada haweenka loogu geysto.
Anniso ayaa sheegtay inay 11 kiis oo kufsi ah ka diwaan geliyeen Puntland 8 bilood ee ugu danbaysay oo saddex ka mid ah uu geystay Maxamed Jiite oo hadda rubuc qarni wakhti ku dhow xabsi ku qaadanaya.
Ururadda haweenka iyo qoyska Safiya ayaa sheegay inaysan xukunka ku qanacsanayn ayse filayeen ciqaab ka culus.
Cabdiraxmaan/MH









