
Waalidiin badan ayaa sugaya inay jawaab ka helaan carruurtooda la joogta ninka la dhaho Magafe, waa magac caan ka ah dhamaan geyiga Soomaaliya, miyi iyo magaalaba, magacaan lama yaqaan inuu yahay hal nin ama koox, waase danbiilayaan isku xiran oo afduub u geysta cid kastoo tahriib ku sii ah magaladda xeebaha Liibiya si ay Yurub ugu talaabaan.
Xuseen Faarax Jibriil wuxuu sanadkii 2009 kii ku tegey Liibiya tahriib, isagoona markaas ka anbabaxay Garoowe, isagoo ka hadlaya maalmihii uu ku jiray gacanta Magafe ayuu ku sheegay.
“Safar dheer oo qaatay 8 maalmood oo u dhexeeya Khartoum ilaa xadka Liibiya kadib waxaan tagnay xuduudka Liibiya iyo Suudaan, waxaa markiiba dhinaca Liibiya gacanta nagu dhigay koox ciidan ah oo Liibiyaan ah, waana niman aad u naxariis daran oo quud ka dhigta daroogaddu, waana kooxdaas kuwa magaca caanka ka ah Soomaaliya ee Magafe la baxay, 37 qof ayey nagu saareen gaari tayooto biikaab ah, ciriiriga dartiis ayaa garaacid laguugu saarayo, lagaagana dejinayaa, waxay muhaajiriinta geeyaan goob ay ugu tala galeen oo xabsi oo kale ah, waxay leedahay xiriir taleefon oo qofkastaa la hadlayo waalidkiis, qofkii bixiya 10 kun oo dollar ayey sii daynayaan, qofkii aan bixinse meeshuu gaajo ugu dhimanayaa, oo 3dii maalmoodba mar ayey siinayaan biyo yar oo cusbo leh, anniga walidkay ayaa iga bixiyey, go’aanna waxaan ku gaaray inaan dib ugu noqdo wadankaygii oo aan hadda ku suganahay Garoowe.
Hooyo Siciido Yuusuf waxay dhashay 3 gabdhood iyo laba wiil, odaygeedii wuxuu ku naafoobay dagaladii sokeeye, iyada ayaana la keliyeysatay korinta carruurteeda, iyadoo Ergo la hadlaysa ayey tiri.
“Bishii Abriil ee sanadkaan ayaa wiilkii weynaa iga tahriibay, mana ka war hayn, anigoo 12 maalmood hayn warkiisa ayaa waxaa ila soo hadlay nin ii sheegay in la dhaho Magafe, dalbanayana 8 kun oo dollar, waxaan iibiyey laba qol oo aan ka dhistay xoogaygii, ehelka iyo ummadda kale ayaan dawarsi u dhex galay, waana ka sii daayey, annigoo arrintii la yaaban, wixii aan hastayna ku bixiyey ayaa wiilkii yaraa isna tahriibay, dhibaatadu marka carruurtayda ma ahan ee waxaa jira xafiisyo isku xiran oo ka furan Garowe ilaa xuduudka Liibiya ee Magafe joogo, iskuna xiran, hadda wiilkaygii yaraa Magafe ayaa haysta 10 kun oo dollar ayuuna iiga fadhiyaa, mana hayo cid aan ula qayshadana ma jirto, waxaan sameeyo ma aqaan, xusuustii ayaan lumiyey, kaadi badan ayaan iga qubata, murquhu waa i kuududsameen, takhtarkaan u tegeyna wuxuu ii sheegay inuu shoog i hayo.”
Xaawo Cabdullahi Maxamed oo ah qoyska Siciido ayaa Ergo u sheegtay inay la gurmatay markii wiilasheeda loo soo sheegay inay haystaan Magafe, wiilkaan dambe markii warkiisa loo soo sheegay nolosheedii way isbedeshay, odaygii waa naafo, reerkeedu waa reer miyi oo xoolo ma lahan, way isku dhex yaacday oo hadda xaladeedu ma degana, habeen iyo maalinna way ooyaysaa, mana taqaan meel ay ka keento 10 kun oo dollar.
Hooyo Siciido ayaa Ergo u sheegtay in haddii Magafe maqlayo wiilkeeda u sii daayo, aysanna helayn lacagtaas ay ka sugayaan. Laba maalin ka hor oo uu la soo hadlayna u sheegay in saddexdii maalmoodba hal mar la siiyo biyo cusbo leh, naftiisuna halis ku jirto.
Cabdiraxmaan/MH









