Webiga Shabeelle ee mara degmadda Beledweyne oo hadda wada biyo badan, ayaa keentay in boqolaal qoys oo deganaa agagaarka webiga bilaabeen inay u baxaan duleeddada magalada.
Dadka ayaa sheegaya in cabsida fatahaaddu ka jirto dhamaan afarta xaafaddood ee magaladdu ka kooban tahay oo dadku ka guurayaan webiga agagaarkiisa, Carabo Cilmi Cismaan waxay degantahay xaafadda Xaawo Taako qaybta Nuur Xawaad, waana hooyo haysata 9 carruur ah, waxay ku nooshahay guri mutul ah oo u jira 20 mitir webiga, waxaana u dhow keliga Xaawo Taako oo ah goob had iyo goor marka webiga biyo keeno roobabkuna da’aan ay samaysa fatahaad.
“Ilaa xalay waa soo jeeday, waxaana da’ayey roob socday muddo ka badan 3 saacadood, waxaan haystaa sagaal carruur ah oo qaar naafo yihiin, ma guuri karo, xalay oo dhan waan taagnaa oo cabsi ayaa I dishay, sidaad aragtaan ma guuri karo oo reer fudud ma ahi.”
Maxamed Cabdi Sooyaan waa 40 jir, ku nool xaafadda Xaawo Taako qaybta Laabdheere, wuxuu degan yahay guri ka samaysan dhis, dhowr goor oo horena daadku wuu barakiciyey, wuxuuse cabsi ka muujinayaa xilligaan roobabka inay dantu ku khasabto inuu ka cararo gurigiisii.
Dadka deegaanka Beledweyne ayaan weli wax isu imaatin ah ka yeelan sidii ay isaga xiri lahaayeen qararka jilicsan ee webiga, weriyaha Ergo ee Hiran ayaa sheegay in bulshadu ku mashquulsan tahay arrimo siyaasadeed iyo dagaallo u dhexeeya qabaa’il oo ka taagan gobolka, aysanna hadda isba weydiinayn wax ka qabashadda khatarta fatahaad ee ka jirta deegaanka.
Iyadoo fatahaddii ugu danbaysay ay ka dhacday degmadda Beledweyne bishii Sebteembar sanadkii 2012 oo ay ku barakaceen 3100 qoysi siday sheegeen masuuliyiinta degmaddu.
Wararka hadda ka soo baxya Beledweyne ayaa sheegaya inuu webigu ka fatahay xaafadda Xaawo Taako, qaybta Dhagax Jebis, oo boqolaal qoys ka carareen guryahoodii, waxayna dadkaani degeen deegaanka CeelJaale oo 3km ka xiga degmadda Waqooyi bari oo ah dhul buuralay ah, halkaas oo dhismayaal dawladeed ahaan jirtay.
Hay’adda la socoshadda roobabka iyo ka digista fatahadda ee SWALIM ayaa sheegaysa in roobabka dayerta la filayo inay ka bataan intii horay ay u ahaan jireen, ayna hadda ka da’ayaan roobab mahiigaan ahi biyo qabatinnada webiyadda Jubba iyo Shabelle, dadka ku nool dhinacyadda webiga ay qaataan digtoonaan fatahaad timaadda.
Makaraan/MH









