
Goormaa lagu guursaday?
18 jir ayaan ahaa, markii walidkay igu dareen ninka, isla markiiba uur baan yeeshay, umuliso dhaqameed ayaan u tegey, ilmahii markii kafka soo galay laba islaamood oo waayeel ah ayey ahaayeen,
Isufuranku sidee kuugu dhacay?
Annigoo fool i haysa islaamahaa iga foolsiiyey, runtii in badan ayey khasab ku soo jiideen ilmihii, makiinadna waxay ku jartay xubintaydii iyadoo hoos u jartay, iyadoo dhiig badan iga socdo ayey haddana malmal ku sii shubtay meeshii, runtiina dhaawicii ayey igu sii kordhisay taasi, markaas ayaana isu furanku igu dhacay.
Goormay kugu dhacday arrintaani?
Waxay igu dhacday bishii Agoosto badhtamaheedii,
Goormaa ogaatay in cudurkaani kugu dhacay?
Laba todobaad ka dib ayaan daremay kaadi iska soconaysa, xillikasta kaadi ayaa iska socota, hadda cafaayad ayaan gashanahay
Takhtar weli ma u tagtay?
Maya meeshu wax takhtar ah ma lahan, magaladda Marka ayaa xarun caafimad ugu dhow oo runtii aad nooga fog, haddaan Muqdisho u imid inaan hello takhtar, weligey intaan noolaa ma arag daaweyn,
Xamsa ayaa sheegtay inay rajaynayso inay hesho takhtar daaweeyo, waxayna ka dayrisay xaaladda haweenka deegaankeeda ku dhala oo aan haysan haba yaraatee wax adeeg caafimaad ah, iyadoona ugu danbayn ugu baaqday in tababar la siiyo umuliso dhaqameedyadda si aysan dhibaato u geysan.
Xamdi/MH









