Wasaaradda caafimaadka iyo wasaaradda xoolaha ee Puntland ayaa kooxo tallaalka carruurta ka yar 10-ka sano iyo kan xoolaha ee Puntland oo isku dhafan si wada jir ahna u shaqeyn doona u diray dhulalka fog fog ee miyiga ah, kaasoo bilaabanaya maanta socon doonana muddo laba bilood ah.
Kooxahan ayaa si gaar ah u tegi doona deegaannada ay ka dillaaceen cudurrada jadeecada, furuqa iyo kuwo kaloo xoolaha ku dhaca. Ilaa 4,000,000 oo xoolo ah ayaa la tallaali doonaa, halka 1,000,000 oo kalena la daaweyn doono, sida ay sheegtay wasaaradda Puntland.
Caadi ahaan sanadkii laba jeer ayaa wasaaradda caafimaadku ay deegaannada Puntland u diri jirtay kooxo tallaalka iyo daaweynta xoolaha ah, balse sanadkan markii ugu horreysay ayaa lagu lamaaniyay tallaalka carruurta ka yar da`da 10ka sano.
Dr. Cabdirisaaq Xirsi Xasan oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegay in carruurta laga tallaali doono shanta cudur ee dilaaga ah, sida jadeecada, teetanada, xiiqdheerta, dabeysha iyo gawracatada, balse ay diiradda saarayaan cudurka dabeysha.
“Markii hore waxaan diiradda saari jirnay meelaha magaalooyinka ah, balse haatan waxaan isku dayeynaa inaan dadka reer miyiga ah ku qancinno in carruurtooda ay helaan oo ay qaataan tallaallada, waa muhiim.” Ayuu yiri agaasimuhu.
Agaasimaha ayaa intaa raaciyay in dadka reer miyiga ah ay inta badan qalad ka fahansan yihiin tallaalka carruurta oo ay diidaan, sidaa daraaddeedna kooxaha tallaalka xoolaha oo ay reer miyigu isku wanaagsan yihiin loo raacsiiyay kooxaha tallaalka carruurta, si ay uga dhaadhiciyaan muhiimadda uu u leeyahay carruurtooda.
“Waxaan ugu baaqayaa xoolalleyda inaysan xoolahooda qalan oo aysan maalin muddo 7 cisho ah, kadib tallaalka, sababtoo ah caafimaadka uma wanaagsana, cudurro ayayna sababi karaan.” Sidaa waxaa tiri Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo ah wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland.
Waxay sidoo kale Anisa ugu baaqday waaliddiinta reer miyiga ah inay carruurtooda u oggolaadaan tallaalka.
Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa sheegtay in ku dhowaad 200 oo kiis oo cudurka dabeysha ah laga helay Soomaaliya, kuwaasoo 5 ka mid ah laga diwaan geliyay Puntland.
Hay`daha FAO, UNICEF iyo WHO ayaa ka caawinaya wasaaradaha caafimaadka iyo xoolaha Puntalnd, howshan tallaalka isku dhafka ah.
Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/FM









