Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Waxbarashada

Macalimiinta dugsiyadda dowladda oo shaqada joojiyay

Radio Ergo by Radio Ergo
January 21, 2014
in Waxbarashada
0
Macalimiinta dugsiyadda dowladda oo shaqada joojiyay

Photo | Arday fasal dhex joogta/sawir/keyd/Cabdulaahi Salaad

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

Kumanaan carruur soomaali ah oo wax ka baranayay dugsiyadda mashruuca ‘Aada Dugsiyadda’ ayaa guryaha fadhiya maalintii lixaad kadib markii macalimiinta shaqo joojin ku dhawaaqeyn.  Shaqo joojinta oo bilaabatay khamiistii ayaa hakadgelisay waxbarashada 50,000 oo caruurta dugsiga hoose ah shan bil uun kadib markii dugsiyadaas la hirgeliyay.

Macalimiinta saddex iyo toban dugsi oo uu mashruucu Muqdisho ka hirgeliyay ayaan helin wax mushaar ah muddo afar bilood ah. Wasaarada Adeega Bulshada oo hirgelinaysay mashruuca ‘Aada Dugsiyadda’ayaa macalin walba horey ugu balan-qaatay in uu mushaar ahaan u qaadan doono labo boqol oo doolaar dhamaadka bil walba, sida uu sheegay Maxamed Cabdulaahi Aaden oo afhayeen u ah macalimiinta shaqada joojiyay.

“Waxaan helnay mushaarka bil iyo bar ($300) oo EVC ahaan na loogu soo diray,”  ayuu yiri Maxamed oo la hadlay weriye Ergo ka tirsan. Macalin walba oo ka mid ah 318ka macalin wuxuu sheeganayaa in ay ka maqan tahay $700 boqol oo mushaarkiisa ka mid ah.  Macalimiintu waxa ay sheegeen in ay isku dayeen in ay la hadlaan Agaasinka Waxbarashada Dowlaadda, laakiin ma aysan arkin cid dhageysta oo wax ka qabata cabashadooda.

“Macalin walba waajibaad baa saaran, isna xaquuq buu leeyahay. Annaga maadaama aan xaquuqdeenna weynay waxa aan dhignay oo aan joojinay waajibaadkii na saarnaa ilaa iyo inta laga xalinayo waxyaabaha aynu ka cabanay,” ayuu yiri Afhayeenka Macalimiinta  shaqo joojinta ku dhaqaaqay.

Weriyaha Ergo ee Muqdisho wuxuu soo sheegayaa in dhamaan dugsiyaddii mashruuca ‘Aada Dugsiyadda’ uu ka hirgeliyay magaalada ay xiran yihiin maalintii lixaad. Saraakiisha Agaasinka Waxbarasha weli jawaab kama aysan bixin shaqo joojinta macalimiinta.

Previous Post

MACALIMIINTA DUGSIYADDA DOWLADDA OO SHAQADA JOOJIYAY

Next Post

XAALADDA BEERALLEYDA ROOBKA EE BAYDHABO OO XILLIGAN GOOSANAYA DALAGGII DAYRTA

Related Posts

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed
Wararkii u Danbeeyay

Dhadhaab: Danyar ku nool deegaanka Maleelay oo waxbarasho u la’ carruurtooda, macallimiin yari awgeed

March 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Bay: Waxbarasho la’aan soo wajahday carruurta qoysas ka barakacay roob yarida

March 3, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas uu ka istaagay kab dhaqaale oo nolol xumo ku wajahaya Dhuusamareeb

February 12, 2026
Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda
Wararkii u Danbeeyay

Baydhabo: Arday waxbarasho la’aan noqday markii uu dab baabi’iyay iskuulkooda

January 12, 2026
Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Carruurta qoysas soo barakacay oo waxbarasho la’aan ku wajahaya Gaalkacyo

November 19, 2025
Next Post
XAALADDA BEERALLEYDA ROOBKA EE BAYDHABO OO XILLIGAN GOOSANAYA DALAGGII DAYRTA

XAALADDA BEERALLEYDA ROOBKA EE BAYDHABO OO XILLIGAN GOOSANAYA DALAGGII DAYRTA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo