Kumanaan carruur soomaali ah oo wax ka baranayay dugsiyadda mashruuca ‘Aada Dugsiyadda’ ayaa guryaha fadhiya maalintii lixaad kadib markii macalimiinta shaqo joojin ku dhawaaqeyn. Shaqo joojinta oo bilaabatay khamiistii ayaa hakadgelisay waxbarashada 50,000 oo caruurta dugsiga hoose ah shan bil uun kadib markii dugsiyadaas la hirgeliyay.
Macalimiinta saddex iyo toban dugsi oo uu mashruucu Muqdisho ka hirgeliyay ayaan helin wax mushaar ah muddo afar bilood ah. Wasaarada Adeega Bulshada oo hirgelinaysay mashruuca ‘Aada Dugsiyadda’ayaa macalin walba horey ugu balan-qaatay in uu mushaar ahaan u qaadan doono labo boqol oo doolaar dhamaadka bil walba, sida uu sheegay Maxamed Cabdulaahi Aaden oo afhayeen u ah macalimiinta shaqada joojiyay.
“Waxaan helnay mushaarka bil iyo bar ($300) oo EVC ahaan na loogu soo diray,” ayuu yiri Maxamed oo la hadlay weriye Ergo ka tirsan. Macalin walba oo ka mid ah 318ka macalin wuxuu sheeganayaa in ay ka maqan tahay $700 boqol oo mushaarkiisa ka mid ah. Macalimiintu waxa ay sheegeen in ay isku dayeen in ay la hadlaan Agaasinka Waxbarashada Dowlaadda, laakiin ma aysan arkin cid dhageysta oo wax ka qabata cabashadooda.
“Macalin walba waajibaad baa saaran, isna xaquuq buu leeyahay. Annaga maadaama aan xaquuqdeenna weynay waxa aan dhignay oo aan joojinay waajibaadkii na saarnaa ilaa iyo inta laga xalinayo waxyaabaha aynu ka cabanay,” ayuu yiri Afhayeenka Macalimiinta shaqo joojinta ku dhaqaaqay.
Weriyaha Ergo ee Muqdisho wuxuu soo sheegayaa in dhamaan dugsiyaddii mashruuca ‘Aada Dugsiyadda’ uu ka hirgeliyay magaalada ay xiran yihiin maalintii lixaad. Saraakiisha Agaasinka Waxbarasha weli jawaab kama aysan bixin shaqo joojinta macalimiinta.








