Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

XAALADDA BEERALLEYDA ROOBKA EE BAYDHABO OO XILLIGAN GOOSANAYA DALAGGII DAYRTA

admin by admin
January 22, 2014
in Cunto-Yaraanta
0
XAALADDA BEERALLEYDA ROOBKA EE BAYDHABO OO XILLIGAN GOOSANAYA DALAGGII DAYRTA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blankMaalmahan beeralleyda gobolka Bay waxay ku mashquulsan yihiin goosashada dalagga kala duwan oo ay sugayeen in ay xilli sanadeedkan ay helaan, waxaana dalagyada ay beerteen ka mid ahaa haruurka galleyda iyo meseggada oo u badnaa wax yaabaha ay beerteen.
Aniga iyo koox beeralley ah islamarkaana isku diyaariyey maalmo ka hor markii ay ogaadeen  in la gaarey waqitigii ay goosan lahaayeen dalagga kasoo go`a beerahooda sida meseggada, galleyda iyo digirta ayaa aroor hore inta aysan soo iftiimin qorraxda waxaan ka anba-baxney magaalada Baydhabo waxaana ku wajneyn dhanka beeraha ku yaalla koonfurta magaalada, waxaana indhaheyga ay qabanayeen intii aan waddada ku socdey beeralley badan oo ku mashquulsan goosashada haruurka.
Maamo Aamino Nuur Calasow waa hooyo 60 sano jir ah, waxay milkiyad u leedahay beer dhulka ay ku taallo aad u baaxad weyn tahay, Ergo ayey  u sheegtey iyadoo dhabarka u uu saaran yahay jawaan ay ka buuxisey meseggada beerta laga gooyey in sanadkan rajada wax soo saarka beerteeda uu fiican yahay ayna ka heshey haruurka 10  jawaan, hase yeeshee waxaa ay tilmaantey in dalagga meseggada usoo go`day aysan geyn doonin suuqayada magaalad Baydhabo sidii markii hore ay sameyn jirteyba, iyadoo sababta ku sheegtey in qiimo jaban laga siiyo marka suuqa geeyaan xilli daal badan iyo waqti badan uu ka galey wax soo saarka beerta.
“Beerta dalaggii kasoo baxay waa laga gooyey, jawaanka ii saaran aad u jeeddo waxaa ku jira haruurka beerta laga gooyey, waxaana rajeynayaa iney igu filnaan doonaan waxaa aan ka helay, qiyaastii 10 jawaan oo kale ayaa iiga soo go`day, suuqa ma geynayo dalagga haruurka anaa cunayo” ayey tiri Aamino Nuur.
Maaddama Aamino Nuur oo iyadu ku faraxsan dalaggay heshay, waxaase jira kuwo kale oo iyagu sheeganaya inaysan helin wixii ay filayeen.
Beeralleydaasna waxaa ka mid ah Isniino Aadan Maxamuud, waxay dhax fadhisaa beerteeda oo ku taal meel 8Km dhanka koonfureed Baydhabo kaga beegan, waxaa ay heysataa 7 carruur ah labo ka mid ah beerta ayay la joogeen, seygeedii dhowaan ayaa lagu diley magaalada Baydhabo sida  ay Ergo u sheegtey, iyada ayaa hooyo iyo aabboba u ah haatan, waxay la fikirsaneyd xilligii aan beerta ugu tagayey saddex jawaan oo haruur ah oo sanadkan beerta uga soo go`day, waxayna u aanaysay xooggay haysatay oo aan u samaxayn hawsha adag ee beerta iyo aabbihii qoyska oo isna geeriyooday, horayna u ahaa laf dhabarta beerta, iyadoona weriyaha Ergo ee Baydhabo u sheegtay in sanadihii hore ay beerta ka heli jirtay 10 ilaa iyo 15 jawaan oo dalagga kala duwan ah, waxayna iyadoo ilmeyneysa u sheegtay Ergo hooyadaani in saddexdaan jawaan ay nolosheeda ku filan tahay muddo aad u kooban kadibna iyada iyo ilmaheedaba nolal aad u hooseysa wajahayaan markii horena nolashooda beeraha ay ku tiirsanayeen.
Ka sokow in dadkaasi ay beerhoodii ka helaan dalagyo sida  meseggo iyo galley  markii ay ka goostaan haruurka beertoodii waxaa ay ku wareejiyaan xoolaleyda si ay daaq ugu noqoto xoolahooda, iyagoo ka qaado lacago waa kan Maxamed Nuur oo aan ku wada kulanney beer dhoowr higtar ah islamarkaana lacag ku bixiyey baarta si xoolaha uu wato daaqsiin ugu noqoto muddo dhowr maalin ah.
Muxidiin Xusni/MH
Previous Post

Macalimiinta dugsiyadda dowladda oo shaqada joojiyay

Next Post

Ayax ku degay tuulooyin hoos taga Saylac

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 8, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 7, 2026
Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo haysa haween barakac ku ah Doollow kuwaas oo noqday shaqo la’aan

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Next Post
Ayax ku degay tuulooyin hoos taga Saylac

Ayax ku degay tuulooyin hoos taga Saylac

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-JUL-2026

IDAACADDA 10-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUL-2026
July 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo