
Deegaannada Luuq, Baydhabo iyo Kismaayo keliya ayaa loo oggolaanayaa in dadka laga caawiyo inay dib ugu laabtaan, sida ay hore u sheegtay UNHCR. Xerada Kaambi Caws oo ku taalla duleedka xerada qaxootiga ee Xagardheer, deegaanka Dhadhaab, gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa lagu arkayay booqllaal dad ah oo soo booqanaya, doonayana in laga caawiyo inay guryahooda dib ugu laabtaan.
Dadka ku nool xeradaas oo u badan beeralley iyo xolalley ayaa doonaya inay dib ugu laabtaan guryahooda, beerahooda iyo xoolahooda. Aadan Caddow Ismaaciil, waa Aabbe leh 8 carruur ah, wuxuu kasoo qaxay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo sanadkii 2011kii, haatan wuxuu u yimid in laga caawiyo inuu dib u laabto.
“Gurigeyga markaan soo tagayay ayaan soo iibiyay, oo wax iga horreeya malaha. Laakiin waxaa igu kallifay inaan dib u laabto nolosha halkan oo igu adag, sababtoo ah naguma filna raahsiinka laga bixiyo halkan, shaqana malaha. Haddaan deegaankeyga joogo qaraabada iyo saaxiibbada ayaan shaxaad ka heli karaa shaqooyinna waan iska heli karaa.” Ayuu yiri Aadan.
Faadumo, oo kasoo qaxday Kismaayo muddo 20 sano ka badanna ku nooleyd xerada Xagardheer, waa hooyo hal canug leh oo garoob ah, waxay aaminsan tahay in magaalada Kismaayo ay hadda nabad tahay, sidaa darteedna ay dooneyso inay ku laabato.
“Kismaayo waa magaaladeyda waxaan ka helayaa shaqo aan ku dabbaro nolosheyda iyo tan canuggeyga, sababtoo ah aabbihiis waan kala tagnay, mana igu biilo. Sidoo kale qaraabadeyda halkan jooga waxay igu leeyihiin canuggaan ninka dhalay u gee, markaas ayaan ku caawineynaa, anigana ma doonayo inaan canuggeyga iska dhiibo.” Ayay tiri Faadumo.
Maxamed Xuseen Cabdi oo 62jir ah, wuxuu ku noolaa xerada Kaambi Caws muddo 2 sano ah, wuxuu ahaa beeralley kasoo qaxay degmada Diinsoor ee gobolka Bay. Wuxuu sheegay inuu moodayay in nolosha ay sidan dhaanto markuu xerada imaanayay, balse uu ugu yimid arrin ka duwan.
“Waxaan doonayaa inaan dib ugu laabto beeretyda, maaddaama dalka ay ka da`een roobabkii Deyrta. Halkaas ayaan nolosheyda kasoo saaranayaa, waxaan aaminsanahay inan nolosheyda sidan dhaameyso.” Ayuu yiri Maxamed.
Tan iyo intii la furay xafiiskan laba toddobaad kahor, 78 qoys ayaa soo booqday oo doonayay in laga caawiyo inay guryahooda dib ugu laabtaan, Sida uu Ergo u sheegay Ismaaciil Maxamed oo ka tirsan xafiiskaas.
“Waxay badanaa inoo sheegaan dadka doonaya inay laabtaan inay ku adkaatay nolosha halkan, iyo in deegaannadoodii ay roobab ka da`een ayna doonayaan inay beerahooda tacbadaan, ayna dhaqdaan xoolahooda.” Ayuu yiri Ismaaciil.
Xafiiska caawinta dadka dib u laabanaya ee UNHCR ayaa diwaan geliya, wareysina ka qaada qaxootiga soo booqda, sidoo kalana waxaa la siiyaa qaxootiga talooyin kale oo ay ka mid yihiin inay iska hubiyaan deegaanka ay u laabanyaan xaaladdiisa, iyo sababta ay ugu laabanayaan.
Bishii Oktoobar sanadkii 2012-kii ayay dowladda Kenya soo saartay amar ah in dhammaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda ay dib ugu laabtaan dalkooda, iyadoo sheegtay in ammaanka Soomaaliya uu soo hagaagay, amarkaasoo soo jiitay indhaha caalamka, waxaana is hortaagay hay`adaha xuquuqda aadanaha oo ku taliyay inaan la qasbin qaxootiga dalkooda uga soo qaxay duruufo jira.
FL/FM









