Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

RAJADA DALAGGA BEERALLEYDA BAY EE FASALKAN OO AAD U YAR

Radio Ergo by Radio Ergo
December 19, 2013
in Cunto-Yaraanta
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Haweeney beerteeda falaneysa/Sawir/Muxyadiin Xasan

Kadib markii sanadkan beeraleyda ku dhaqan koonfurta Soomaaliya ay u dadeereen tacbashada beerahooda oo muddo dhowr sano ah dalagyo uga soo go`in abaarihii sanadihii hore oo saameeyay darteed ayaa waxaa haatan beeralleyda ay muujinayaan rajo xumo ku aaddan in dalag fiican uu kasoo go`o beerahooda, sababo la xiriira roobab yaraan.

Luul Cusmaan waxaay ka mid tahay beeralleyda deegaanka Gooyaale oo 7km u jira magaalada Baydhabo, waxay halkaas ku leedahay dhul beereed ay ku beeran yihiin dalagyo kala duwan, waxay ka warrameysaa  rajada sanadakan ay qabaan beeralleyda.

“Rajada waa mid xun, waayo roobab nagu filan oo beeraha ay heleen sanadkan ma jirto, marka waxaan qabnaa walwal ah in abaar na gasho, waayo beertan aan u jeedo waxaa laga yaabaa iney kasoo go`aan laba jawaan oo dalag ah bes.” Ayay tiri.

Beeralleyda ayaa sanadkan beertay dalagyada masaggada, gelleyda, digirta, sisinta iyo looska, Macallin Cali Axmed oo beeralleyda gobalka ka mid ah ah ayaa sheegay in sanadkan roobabkii Deyrta aysan dabooli Karin baahida ay beeruhu u qabaan roobab ku filan, muddada dheer aan ee la tacbin darted.

“Sanadkan markii hore roob ayaa helney, haddii aan nahay beeralleyda gobolka nolosheenna waxay ku xiran tahay in aan beeraha dalag fiicn ka helno, aad iyo aad ayaan cabsi u qabnaa sanadkan iney abaar mar kale ka dhacdo gobolka.”

Yaasiin Aadan, wuxuu deggan yahay deegaanka Ray dabaale ee gobolka Bay, wuxuu sheegay in beerahan ay hadda iska beerteen iyagoo doonaya inay noloshooda keliya ku dabbaraan, halka beeraha qaarkoodna ay xoolaha ku daayeen si ay u daaqaan, laakiin aysan ka sugeynin nacfi intaas ka badan.

Gobolka Bay ayaa ka mid ah gobollada koofurta dalka ku yaalla ee ay sida ba`an u saameeyeen abaarihii sanadkii 2011kii ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka, waxaana bulshada gobolku ay u badan yihiin beeralley iyo xoolalley.

Muxyadiin Xasan Maxamed/FM/MRS

Previous Post

UNHCR OO DIWAAN GELINEYSA QAXOOTIGA DHADHAAB EE DALKA DIB UGU LAABANAYA

Next Post

DHAKHAATIIR AJAANIBA OO MUQDISHO ISAGA BAXAYA

Related Posts

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas colaad ay saamaysay noloshooda oo cunno xumo ku wajahaya Ari-cadeeye

July 7, 2026
Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen
Beeraha Iyo Xoolaha

Qoysas go’doon iyo nolol xumo ku wajahaya Mudug markii ay guuri kari waayeen

July 3, 2026
Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Colaad nolol xumo galisay kumanaan qoys oo ku barakacay Shabeellaha hoose

July 2, 2026
Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Sicir-barar ku qasbay ganacsatada khudaarta Hargaysa in ay xiraan ganacsiyadooda

June 29, 2026
Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo
Cunto-Yaraanta

Ganacsiyo u xirmay xoolo yari iyo dhaqaale xumo haysa reer guuraga gobolka Doollo

June 25, 2026
Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 24, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

DHAKHAATIIR AJAANIBA OO MUQDISHO ISAGA BAXAYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 09-JUL-2026

IDAACADDA 09-JUL-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 09-JUL-2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-JUL-2026
July 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-JUL-2026
July 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2026
July 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2026
July 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2026
July 5, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo