
Ilaa 15kii bishan December, qaxootiga xerada ku nool ma heystaan biyo ay cabaan, cunto ku karsadaan amaba dharka ku miirtaan. Cabdirisaaq wuxuu sheegay in biyo la’aantu ay sii murjisay xaalada nololeed ee cakiran ee xerada ka jirtay. Gabadh kale oo qaxootiga soomaaliyeed ee xeradaas ku nool ka mid ah oo la yiraahdo Fahmo Daahir Ciise ayaa sheegtay in qaxootiga ay ku nool yihiin xero-xeyndaaban oo aan loo oggoleyn in ay dibada uga baxaan.
“Qaxootiga looma oggola inay xerada dibada uga baxaan, oo ay shaqo banaannada ka raadsadaan. sidaas si la mid ah, looma oggola in ay biyo ka doontaan dibadda,” ayey tiri Fahmo. Qaxootiga ayaa horey biyaha ugu heli jiray lacag la’aan, laakiin biyaha ay hadda isticmaalaan ayaa si qarsoodi ah looga keenaa dibadda. Ubax waxa ay sheegtay in caaga 20 litar ee biyaha ah uu xerada hadda ka joogo nus doolar.
Weriyaha Ergo wuxuu leeyahay joojinta tubbooyinka biyaha ayaa qaxootiga ku beertay cabsi ah in dowladda ay dooneyso in qaxootiga laga raro dalkeeda.
Faarax Dubbad/MR/MRS









