
Bilooyinkii ugu dambeeyay jidka dheer ee isku xira magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellada Hoose waxaa aad ugu soo badanayay dhibaatooyin isugu jira kufsi iyo dhac loo geysanayo dadka ku safra wadadaas, waxaana dambiyadaas lagu eedeeyaa ciidamada dowladda, maleeshiyo Shabaab ka tirsan iyo burcad madaxbanaan.
Haddaba, Gudoomiyaha hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Wanlaweyn Injineer Siidoow Xasan Mahdi ayaan ka wareysanay xogta ay ka hayaan dhibaatooyinka ka jira jidka isku xira Muqdisho iyo gobolka Shabeelada Hoose. Injineer Siidoow waxaan sidoo kale ka wareysanahay arrimaha garsoorka iyo maxkamadaha magaalada Muqdisho oo weli aysan ka hirgelin dib u habeyntii ay dowladda Soomaaliya balan-qaadday. Hoos ka aqriso wareysiga oo dhameystiran.
Raadiyo Ergo: Waa maxay dhibaatada ka jirta gobolka Shabeellada Hoose?
Injineer Siidoow Xasan: Dhibaatooyin badan baa ka jira gobolka Shabeellada Hoose, dhibaatooyinkaasna hadal laguma soo koobi karo. dhibta ka jirta Shabeellada Hoose qeyb ka mid ah waa dhib guud oo ay sabab u tahay amni darrada dalka ka jirta, qeybna gobolkaas bay gaar u yihiin.
Gobolka Shabeellada Hoose waxaa jidadka tuban ciidamo aad u badan oo dhib weyn ku haya dadka isaga kala safraya magaalada Muqdisho iyo degmooyinka gobolka. Dadka safarka ah jidka loo lagu dhacaa, lacag looga qaadaa, haweenkana baabuurta baa laga la dagaa. Wax kale iska dhaaf ee telfoon xitaa waa la isaga dhacaa jidka isku xira Muqdisho iyo shabeelada hoose, waxa sidaas samaynaya waa ciidanka.
Raadiyo Ergo: Marka haddii Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Wanlaweyn ay suubisay tirokoon, halkee ugu badan oo uu dhibka dadka loogu geystaa?
Injineer Siidoow: Tacaddiyada ugu badan ee dadka loo geysto ee isugu jira dhaca gaadiidka iyo dadka safarka ah iyo sidoo kale haweenka oo baabuurta laga la tago waxay ka dhacaan jidka isku xira degmada Marka, Wanlaweyn, Leego iyo magaalada Muqdisho. Jidkaas dheer ee deegaanadaas isku xira gaadiidka iyo dadka safarka ahba dhib weyn ayey ku qabaan. Gaadiidka iyo dadkaba inta la joojiyo ayaa wax welba oo ay sitaan laga qaataa. Waa baarasho tan ugu xun oo wax loo reebo ma leh.
Waxaas oo dhan waxaa ka daran in haweenka lagala dago gaadiidka, sidii la doonana loola dhaqmo. Tirokoob ma leh tirada haweenka ah ee lagala dagay gadiidka ku safra inta u dhaxeysa Muqdisho iyo gobolkaas. Xogta aan haynana waa mid walaac badan abuuraysa laakiin ma ahan mid aan warbaahinta la wadaagi karno cabsi dhanka amniga ah darteed. Waxaase imaan doonta maalin la is xisaabiyo oo la isla xisaabtamo dadka dambiyadaas gaysanaya oo dambiyadooda waa loo diiwaan-geliyaa waana la yaqaanaa dadka dambiyada geesanaya oo halka ay ka gaystaan.
Raadiyo Ergo: Dhanka Muqdisho, waxaa weli jirta cabasho la xariirta habka garsoorka u shaqeeyaan oo dib-uhabeyntii la balanqaaday oo aan weli hirgelin. Haddaba, maxaad ka og tahay sida ay u shaqeeyaan maxkamadaha iyo garsoorka magaalada?
Injineer Siidoow Xasan: Horta dhib badan baa ka taagan habka shaqada garsoorka iyo maxkamadaha dalka. Laakiin shaqo wanaagga maxkamadaha, garsoorka iyo caddaaladda waxay ku xiran tahay inuu jiro amni sugan oo la isku haleyn karo, marka magaalo dadka lagu dhacayo ciidamada hortooda oo aysan waxba ka qabanaynin, dadka kale oo dhan ay iska fiirsanayaan oo cid u gargaaraysa aysan jirin…..haddii aan hadda banaanka uga baxno xafiiskan, waxaan arki karnaa qof ciidamada iyo dadka hortooda lagu dhacayo oo cid caawinaysa iyo ciidan wax ka qabanaya aysan jirin .
Waxaa la arki jiray in tuug ciidan ama boolis hortiisa uusan wax ku dhici karin, marka tuug la sheegana dadku ay us oo ordaan dhanka ciidanka iyo booliska. Maanta taas ma jirto, oo ciidanka baa baqaya oo tuuga aan la hadli karin ma garan karo sababta. Marka cabsida noocaas ah waxay saameyn ku leedahay caddaaladda iyo garsoorka go’aamada maxkamadaha. Meel ciidanka aysan tuug xiri karin oo ay ka cabsanayaan maxaad ka filaysaa garsooraha. Hubaal inuu cabsanaya oo amni-darro dalka ka jirta saameyn badan ku leedahay. Ammaan darradaas waxyaabo badan bay sababtay oo ay ka mid tahay walaaca laga qabo garsoorka iyo maxkamadaha.
Raadiyo Ergo: Howlgallo ciidamada dowladda ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho waxaa lagu soo xiraa dhalinyaro badan oo tuhumo xabsiyada loogu hayo muddo dheer. Arrintaas maxaa xog ah oo aad ka haysaan?
Injineer Siidoow Xasan: Waan og nahay in dhibkaas jiro, waana arrin walaac leh. Dowladda Soomaaliya way saxiixday heshiisyada badbaadada iyo xaquuqda carruurta iyo dadka waa weyn labada laakiin ma jirto cid isu xilsaartay fulinta heshiisyadaas. Waa warqad la saxiixay uun. Dowladdu waxay aheyd in ciidamadeeda u isticmaasho ilaalinta xaquuqda aadanaha nasiib daro taas ma dhicin.
C/qaadir Maxamed Cabdulle/MR/AM









