Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kufsiga iyo dhaca ka jirta jidka isku xira Shabeelada hoose iyo Muqdisho

Radio Ergo by Radio Ergo
June 24, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
Photo | Halis ammaan darro ayaa ka jirta Jidka isku xira Muqdisho iyo Shabeelada Hoose, Sawir/keyd/ Cabdicasiis Koronto

Bilooyinkii ugu dambeeyay jidka dheer ee isku xira magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeellada Hoose waxaa aad ugu soo badanayay dhibaatooyin isugu jira kufsi iyo dhac loo geysanayo dadka ku safra wadadaas, waxaana dambiyadaas lagu eedeeyaa ciidamada dowladda, maleeshiyo Shabaab ka tirsan iyo burcad madaxbanaan.

Haddaba, Gudoomiyaha hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Wanlaweyn Injineer Siidoow Xasan Mahdi ayaan ka wareysanay xogta ay ka hayaan dhibaatooyinka ka jira jidka isku xira Muqdisho iyo gobolka Shabeelada Hoose. Injineer Siidoow waxaan sidoo kale ka wareysanahay arrimaha garsoorka iyo maxkamadaha magaalada Muqdisho oo weli aysan ka hirgelin dib u habeyntii ay dowladda Soomaaliya balan-qaadday. Hoos ka aqriso wareysiga oo dhameystiran.

Raadiyo Ergo: Waa maxay dhibaatada ka jirta gobolka Shabeellada Hoose?

Injineer Siidoow Xasan:  Dhibaatooyin badan baa ka jira gobolka Shabeellada Hoose, dhibaatooyinkaasna hadal laguma soo koobi karo. dhibta ka jirta Shabeellada Hoose qeyb ka mid ah waa dhib guud oo ay sabab u tahay amni darrada dalka ka jirta, qeybna gobolkaas bay gaar u yihiin.

Gobolka Shabeellada Hoose waxaa jidadka tuban ciidamo aad u badan oo dhib weyn ku haya dadka isaga kala safraya magaalada Muqdisho iyo degmooyinka gobolka. Dadka safarka ah jidka loo lagu dhacaa, lacag looga qaadaa, haweenkana baabuurta baa laga la dagaa. Wax kale iska dhaaf ee telfoon xitaa waa la isaga dhacaa jidka isku xira Muqdisho iyo shabeelada hoose, waxa sidaas samaynaya waa ciidanka.

Raadiyo Ergo:  Marka haddii Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Wanlaweyn ay suubisay tirokoon, halkee ugu badan oo uu dhibka dadka loogu geystaa?

Injineer Siidoow:   Tacaddiyada ugu badan ee dadka loo geysto ee isugu jira dhaca gaadiidka iyo dadka safarka ah iyo sidoo kale haweenka oo baabuurta laga la tago waxay ka dhacaan jidka isku xira degmada Marka, Wanlaweyn, Leego iyo magaalada Muqdisho.  Jidkaas dheer ee deegaanadaas isku xira gaadiidka iyo dadka safarka ahba dhib weyn ayey ku qabaan. Gaadiidka iyo dadkaba inta la joojiyo ayaa wax welba oo ay sitaan laga qaataa. Waa baarasho tan ugu xun oo wax loo reebo ma leh.

Waxaas oo dhan waxaa ka daran in haweenka lagala dago gaadiidka, sidii la doonana loola dhaqmo.  Tirokoob ma leh tirada haweenka ah ee lagala dagay gadiidka ku safra inta u dhaxeysa Muqdisho iyo gobolkaas. Xogta aan haynana waa mid walaac badan abuuraysa laakiin ma ahan mid aan warbaahinta la wadaagi karno cabsi dhanka amniga ah darteed. Waxaase imaan doonta maalin la is xisaabiyo oo la isla xisaabtamo dadka dambiyadaas gaysanaya oo dambiyadooda waa loo diiwaan-geliyaa waana la yaqaanaa dadka dambiyada geesanaya oo halka ay ka gaystaan.

Raadiyo Ergo: Dhanka Muqdisho, waxaa weli jirta cabasho la xariirta habka garsoorka u shaqeeyaan oo dib-uhabeyntii la balanqaaday oo aan weli hirgelin. Haddaba, maxaad ka og tahay sida ay u shaqeeyaan maxkamadaha iyo garsoorka magaalada?

Injineer Siidoow Xasan:   Horta dhib badan baa ka taagan habka shaqada garsoorka iyo maxkamadaha dalka. Laakiin shaqo wanaagga maxkamadaha, garsoorka iyo caddaaladda waxay ku xiran tahay inuu jiro amni sugan oo la isku haleyn karo,  marka magaalo dadka lagu dhacayo ciidamada hortooda oo aysan waxba ka qabanaynin, dadka kale oo dhan ay iska fiirsanayaan oo cid u gargaaraysa aysan jirin…..haddii aan hadda banaanka uga baxno xafiiskan, waxaan arki karnaa qof ciidamada iyo dadka hortooda lagu dhacayo oo cid caawinaysa iyo ciidan wax ka qabanaya aysan jirin .

Waxaa la arki jiray in tuug ciidan ama boolis hortiisa uusan wax ku dhici karin, marka tuug la sheegana dadku ay us oo ordaan dhanka ciidanka iyo booliska. Maanta taas ma jirto, oo ciidanka baa baqaya oo tuuga aan la hadli karin ma garan karo sababta. Marka cabsida noocaas ah waxay saameyn ku leedahay caddaaladda iyo garsoorka go’aamada maxkamadaha. Meel ciidanka aysan tuug xiri karin oo ay ka cabsanayaan maxaad ka filaysaa garsooraha. Hubaal inuu cabsanaya oo amni-darro dalka ka jirta saameyn badan ku leedahay. Ammaan darradaas waxyaabo badan bay sababtay oo ay ka mid tahay walaaca laga qabo garsoorka iyo maxkamadaha.

Raadiyo Ergo:  Howlgallo ciidamada dowladda ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho waxaa lagu soo xiraa dhalinyaro badan oo tuhumo xabsiyada loogu hayo muddo dheer. Arrintaas maxaa xog ah oo aad ka haysaan?

Injineer Siidoow Xasan:   Waan og nahay in dhibkaas jiro, waana arrin walaac leh. Dowladda Soomaaliya way saxiixday heshiisyada badbaadada iyo xaquuqda carruurta iyo dadka waa weyn labada laakiin ma jirto cid isu xilsaartay fulinta heshiisyadaas. Waa warqad la saxiixay uun. Dowladdu waxay aheyd in ciidamadeeda u isticmaasho ilaalinta xaquuqda aadanaha nasiib daro taas ma dhicin.

C/qaadir Maxamed Cabdulle/MR/AM

Previous Post

Qoysaska barakacayaasha ee gudaha Luuq oo codsanaya cunto gargaara

Next Post

Barakacayaal ku dhibaateysan xerada Margaaga ee gobolka Mudug

Related Posts

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 23, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Barakacayaal ku dhibaateysan xerada Margaaga ee gobolka Mudug

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo