Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysaska barakacayaasha ee gudaha Luuq oo codsanaya cunto gargaara

Radio Ergo by Radio Ergo
June 24, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankKu dhawaad 4,000 oo qoysas Soomaaliyeed ah oo deegaanadoodii kasoo barakacay kuna nool 14 xero oo ku yaal gudaha iyo duleedka degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa ka cabanaya hoy iyo cunto la’aan iyo sidoo kale caafimaad iyo nadaafad darro. Barakacayaashan oo kasoo qaxay colaado iyo abaaro ku dhuftay qeybo ka mid ah gobolada Bay, Bakool, Jubooyinka iyo qeybo ka mid ah isla gobolka Gedo ayaa dhowrkii sano ee ugu dambeeyay ku noolaa xeryahaas ku yaal degmada Luuq.

Haddaba raadiyo Ergo ayaa wuxuu wareystay  Saqaawi Sheekh Maxamed oo madax ka ah xerooyinka mid ka mid ahaa ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in  dhowrkii bilood ee u dambeeyey ay dadkan xaaladahooda ay sii xumaanaysan, iyagoo ka cabanaya cunno iyo biyo yaraan iyo adeegga caafimaad oo ciriiri ku ah. Hoos ka aqriso wareysiga aan la yeelanahay Saqaawi Sheekh Maxamed oo ka mid ah dadka deegaannadooda kasoo barakacay eek u nool xeryaha duleedka degmada Luuq.

Saqaawi: Waxaan ka mid ahay dadka colaadaha iyo abaaraha uga soo barakacay deegaanno ka tirsan Bay, Bakool iyo isla gobolka Gedo. Dhowrkii sano ee la soo dhaafay xerooyin ku yaal duleedka Luuq baan ku nooleyn.  Awal waxaan gargaar ka heli jirnay hay’addaha gargaarka oo cunto nasiin jiray laakiin sida uu sanadka u bilowday saadka hay’addaha waa naga go’ay. Markaa abaar iyo cunto la’aan baa aad noo haysa. Amni xoogganna ma jiro, oo cabsi colaadeed baa iska jirta. Adeegyo caafimaad oo xooggan iyo nadaafadna ma jirto oo isbitaallo waa weyn ma leh.

Raadiyo Ergo: Marka ayaa awal cunto idinsiin jiray?

Saqaawi: Cid si toos ah cunto u siin jirtay ma leh. Hadba hay’adii cunto soo hesha ayaa noo keeni jirtay. hay’adda WFP ayaa ugu dambaysay wax cunto si toos ah noo siiya, iyadana hadda kala go’ baa ku dhacay. Markaa wax quudin joogto ah amaba aan joogto aheyn oo halkan [xerooyonka duleedka Luuq] ka jira ma leh. Dadkana baahi baa aad u haysa.

Raadiyo Ergo: dhanka caafimaadka maxaa dhib ah oo idinka haysta?

Saqaawi: Xerooyinka aynu ku noolnahay waxay ku yaallaan banaanka magaalada, mana leh xarun caafimaad. Haddii xilliga habeenkii ah ay dhacdo in haweeney xerooyinka jooga ay fool qabato isbitaal ma heli karto. Sababtoo ah degmada Luuq gudaha looma gali karo wixii casir ka dambeeya oo waa ay xiran tahay cabsi amni oo jirta awgeed. Markaa waa ay fiicnaan laheyd haddii xerooyinka dhowrka ah ee dadka soo barakacay ay ku nool yihiin isbitaal laga ag furi lahaa.

Raadiyo Ergo:  Waa maxay baaqa aad direysaan?

Saqaawi: Waxaan ka codsanaynaa soomaalida iyo hay’adaha gargaarka ba inay gargaar cunto iyo mid dawo oo deg deg ah nala soo gaaraan. Baahi weyn baa meesha nagu haysta.

Maxamed Macallin/MR/AM

Previous Post

Barakacayaasha Muqdisho oo ka warramaya qorshaha dib u dejinta, qaybta 2 aad

Next Post

Kufsiga iyo dhaca ka jirta jidka isku xira Shabeelada hoose iyo Muqdisho

Related Posts

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 23, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Kufsiga iyo dhaca ka jirta jidka isku xira Shabeelada hoose iyo Muqdisho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 23-APR-2026

IDAACADDA 23-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 23-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo