Wareysiga 1aad
Xabiibo Macalin Maxamed Mursal ayaa la idhahaa waxaan dagganahay kaamka suuji ee degmada wadajir
Xaaladda qoyskeyga way nabad qabaan alhamdulilaah, reer qoys weyn ayaan ahay toddobo (7) carruur ayaan leehay oo aabahoodna uu wehliyo, shaqo xumo ayaa iska jirta waxaa adag helitaanka shaqo dhibka jira waakaas, halkan guri nooguma yaallo, meel aan guri ka dhisanana ma heyso “
S. Ma la socotaa qorshaha dawladda ee dib u dejinta?
Mala socdi
S. Maxaad jeclaan lahayd inaad ogaatid?
Waan jeclaan lahaa inaan ogaado
S. Maxaa welwel ah ee maskaxdaada ku jira lana xiriira dib u dejinta?
Aniga waxaa maskaxdeyda ku jirta dib u dajinta haddii ay tahay meel ammaankeenna la sugaayo oo nalagu badbaadinayo hadii nala geynayo waan jeclahay laakiin hadii ay tahay meel ammaankeenna aan la sugeynin iyo nolosheena kuma kalsooni”
S. Ma jeclaan lahayd inaad dib ugu laabato halkii aad awal ka timid iyo gurigaagii? Mase waxaad iska rabi lahayd inaad ku negaato xeryaha barakaca?
Xeryaha Barakaca haddii aan ku badbaadi karo waan ku noolaanaa haddii ay tahay dib baa laguu celinaaa oo dadkii baa la celinayaa waan ku laabanaa, shaqsi ahaanse ma u maleenayo in ay fiicantahay halkaas”.
S. Haddii aad aadid gurigaagii hore, maxaa kaalmo ah oo aad jeclaan lahayd inaad ka heshid dawladda, hey`adaha gargaarka si aad noloshaadii dib ugu habeysadtid?
Aniga nolosheyda haddii ay igu taakuleeyaan waxa tababartooda oo ay halkaas igu geenayaan diyaar baan u ahay oo ay ila gudboon tahay og yihiina waan jeclaan lahaa”
Wareysiga 2aad
Magacayga waa Ibraahim Cabdi Cali waxaan daganahay Kaamka Curyaamiinta Al-Cadaala Ee Ex-Kontarool, qoyskeygu wuxuu kakooban yahay 14 caruur, xaalada qoyska waxa weeyaan mid ku tiirsan wax ka qaadashada walaal, wax shaqo ah ma hayo, hal mar ayaan wax quudanaa maalintii.
S. Ma la socotaa qorshaha dawladda ee dib u dejinta?
Aad iyo aad wax badan ayaan kala socdaa in meelihii laga yimid ay dowladdu dib ugu celinayo dadka.
S. Maxaad jeclaan lahayd inaad ogaatid?
Waxaan jeclaan lahaa inaan ogaado, dowladdu sida ay wax u rabto ee ku aadan dib u dajinta”
S. Maxaa welwel ah ee maskaxdaada ku jira lana xiriira dib u dejinta?
Waxaa masxadeyda ku jira oo dib u dejintaas ah, anaga taas way nagu adagtahay in dib naloogu celiyo gobolladii aan ka imaanay waayo curyaamiin ayaanu nahay, marka aniga oo ku hadlay magaca curyaamiinta kaamka Al-caddaala waxaan dowladda ka codsaneynaa in ay wax noogu qabato Kaamkan aanu daganahay “
S. Ma jeclaan lahayd inaad dib ugu laabato halkii aad awal ka timid iyo gurigaagii? Mase waxaad iska rabi lahayd inaad ku negaato xeryaha barakaca?
Waxaan jeclaan lahaa xeryaha barakaca, waayo anaga curyaamiin baanu nahay awood uma lihin inaan beer falno, biyo ma aroori karno, xoolo ma heysanno, curyaamiinta waxay ku roonyihiin in ay caasimada joogaan”
S. Haddii aad aadid gurigaagii hore, maxaa kaalmo ah oo aad jeclaan lahayd inaad ka heshid dawladda, hey`adaha gargaarka si aad noloshaadii dib ugu habeysadtid?
Taas aniga dhib baa iga soo gaaraya ma doonayno, anagu curyaamin baan nahay halkaas dhibaatooyin badan ayaa naga soo gaaraya, anaga waxaan u baahanay kaalmo in halkan nalagu siiyo”.
Wreysiga 3aad
Magacaygu waa Sacdiyo Cabdi Jeele waxaan deganahay Kaamka Ceel qalow, caruurteydu waa sideed (8), seygeyna waa xoogsato.
S. Ma la socotaa qorshaha dawladda ee dib u dejinta?
Idacadaha ayaan ka maqlaa
S. Maxaad jeclaan lahayd inaad ogaatid?
Qorshaha dowladda sheegayso inaan ogaado sey noo celinayso iyo si kaleba”
S. Maxaa welwel ah ee maskaxdaada ku jira lana xiriira dib u dejinta?
Welwel ayaan ka qabaa
S. Ma jeclaan lahayd inaad dib ugu laabato halkii aad awal ka timid iyo gurigaagii? Mase waxaad iska rabi lahayd inaad ku negaato xeryaha barakaca?
Waxaan jeclaan laha inaan xeryaha barakaca jooga, aniga meesha aan ka imaaday waan ka cabsanaa oo qoryooley ah”
S. Haddii aad aadid gurigaagii hore, maxaa kaalmo ah oo aad jeclaan lahayd inaad ka heshid dawladda, hey`adaha gargaarka si aad noloshaadii dib ugu habeysadtid?
Inaan aado iima qorsheysna haddii ay igu amraan waxaan ka codsanaa in gargaar beni aadanimo ii fidiyaan”.
Wreysiga 4aad
Magaygu waa Saciid Macalin Maxamed waxaan degganahay kaamka qodqode ee degmada Dharkeynley, qoyskeygu wuxuu ka kooban yahay lix (6) carruur iyo xaas.
S. Ma la socotaa qorshaha dawladda ee dib u dejinta?
Waan maqlay laakin wax aan aragnay ma jiro
S. Maxaad jeclaan lahayd inaad ogaatid?
Waan jeclahay inaan ogaado
S. Maxaa welwel ah ee maskaxdaada ku jira lana xiriira dib u dejinta?
Dib u dejinta sida ay dowladda u waddo ma ogi waxaase jeclahay in deegaankeygii la ii celiyo
S. Ma jeclaan lahayd inaad dib ugu laabato halkii aad awal ka timid iyo gurigaagii? Mase waxaad iska rabi lahayd inaad ku negaato xeryaha barakaca?
Gurigeygii aan ka soo barakacay in la ii celiyo waan jeclahay
S. Haddii aad aadid gurigaagii hore, maxaa kaalmo ah oo aad jeclaan lahayd inaad ka heshid dawladda, hey`adaha gargaarka si aad noloshaadii dib ugu habeysadtid?
Xoolihi iga dhamaadeen iyo beerihii aan tabacan jiray oo geeda kabaxay oo geedaha la iga guro, dhaqaale aan wax ku beerto in la iisiyo iyo dhamaan waxyaabaha isaacidi kara in la isiiyo ee dhinaca dhaqaalaha ah
Wareysiga 5aad
Magacaygu waa Qamar Cabdulaahi Siidow waxaan ku noolahay Kaam Ruush oo ku yaalla agagaarka garoon diyaaraha Aadan Cadde.
Caruurteydu waa sedex (3) waxaana iigu weyn 8 jir waxaana iigu yar 3 jir, aniguna waxaan ahay qof naafa ah
S. Ma la socotaa qorshaha dawladda ee dib u dejinta?
Waxaan ka maqlaa Raadiha
S. Maxaad jeclaan lahayd inaad ogaatid?
Wax badan ayaan jeclaa inaan ogaado oo tafaasiisha dowladda ee dib u dejinta ku aadan
S. Maxaa welwel ah ee maskaxdaada ku jira lana xiriira dib u dejinta?
Wax welwel ah maskaxdeyda kuma jiro
S. Ma jeclaan lahayd inaad dib ugu laabato halkii aad awal ka timid iyo gurigaagii? Mase waxaad iska rabi lahayd inaad ku negaato xeryaha barakaca?
Waan jeclaan lahaa in gurigeenii dib naloogu celiyo
S. Haddii aad aadid gurigaagii hore, maxaa kaalmo ah oo aad jeclaan lahayd inaad ka heshid dawladda, hey`adaha gargaarka si aad noloshaadii dib ugu habeysadtid?
Waan jeclaan lahaa in gargaar naloo fidiyo aniga iyo carruurteyda dibna gurigeeni naloogu celiyo, aniga waxaan ahay qof naafa ah, laba sano iyo bar ayaan naafa ahay markeygii hore waaan shaqeysan jiray oo caruurteyda aniga ayaa xoog u ahaa maantase ma hayo walaal iyo sayba”.
Wareysiga 6aad
Magacaygu waa Macalin Ibraahim Cali oo kamas ku naaneys ah waxaan dagganahay kaamka dabadey oo ka tirsan degmada Dharkeynley waxaan leeyahay 7 carruur iyo laba xaas
S. Ma la socotaa qorshaha dawladda ee dib u dejinta?
Waan la socdaa waan maqlay, idaacadaha waan ka maqlay laakiin wax noo yimid oo faahfaahin naga siiyay ma arkin
S. Maxaad jeclaan lahayd inaad ogaatid?
Wixii tafaasiil ah oo dowladda ee dib u dejinta ku saabsan inaan ogaado waan jeclahay
Maxaa welwel ah ee maskaxdaada ku jira lana xiriira dib u dejinta?
Meelihii awal laga soo barakacay malagu laaban karaa nabad galyadeeda ayaan ka walwalsanahay
Ma jeclaan lahayd inaad dib ugu laabato halkii aad awal ka timid iyo gurigaagii? Mase waxaad iska rabi lahayd inaad ku negaato xeryaha barakaca?
Haddii la helayo meel nabad galyo aad ayaan u daneyneynaa in dib naloo celiyo
S. Haddii aad aadid gurigaagii hore, maxaa kaalmo ah oo aad jeclaan lahayd inaad ka heshid dawladda, hey`adaha gargaarka si aad noloshaadii dib ugu habeysadtid?
Waxaan u baahnaan lahayn gaar ahaan aniga qof naafa ah ayaan ahay in dhowr iyo labaatan sano meel jiifo, qof shaqeysan kara ma ahi, carruur ayaan leeyahay wax qabad inaan dowladda ka helo aad baan u jeclahay
Dhamaad