
Barakacayaasha xerada Tawakal ee duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inay haystaan dhibaatooyin oo ka jira xerada oo ay ku nool yihiin. Dad xerada ku jira oo lagu qiyaasay tiradooda 1180 qof, una badan haween,carruur iyo dad waayeel ah, ayaa noloshoodu waxay ku tiirsan tahay kaalmooyinka ay kahelaan haayadaha samafalka,
Tiriik Cisman Maxamed oo katirsan guddiga xerada barkaca ee Tawakal galkacyo ayaa idaacadda Ergo uga warantay xaaladda nololeed ee barakacayaasha barakcayaashaas.
“ Goob caafimaad haba yarraatee ma lahin haddii naagi foolato waxay la kulantaa xaalad khatarah iyada iyo ilmaha, waxaana ugu sokeysa goob caafimaad isbitaalada Galkacyo oo aad nooga fog, wax gurmad deg-deg ah.
Bilan Cabdi Xalane waa hooyo haysata 18 Carruurah waxayna raadiyo Ergo uga warrantay daruufaha ay la kulmaan haweenka ku dhex foosha xerada dhexdeeda.
“ Waxa iigu naxadin badnayd gabar foolatay 3 habeen ka hor oo an u qaadnay isbitaalka weyn ee Gaalkacyo oo intii aan sii wadnay isku dhimatey iyada iyo ilmihiiba” ayay tiri Bilan.
Dr. Maxamed Xuseen Aden waa agaasimaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug wuxuuna idaacadda Ergo uga wararmay baahida caafimaad ee ka jirta Tawakal iyo sababaha ay wax uga qaban waayeen.
“ Dadka deggan Tawakal waan ognahay daruufaha ay ku nool yihiin lakiin awood uma lihin inaan qof kasta meeshiisa ugu geyno adeegga caafimaad ee u u baahanyahay” ayuu yiri dotoorku.
Dr Maxamed Xusen oo aan wax ka weydiinay sababt ay amblasyada isbitaalku gacan u siin waayeen dadka danyarta wuxuuna yiri “Run ahaantii haddaan qabaqaabadaas wadnaa oo waxaan ku qori doonnaa baabuurta gargaarka degadegga ah ee loo yaqaano Ambalasyadda”
Tiriik ayaa Ergo u sheegtay in dadka xeradaan ku jiraa yihiin dad gobolka ka yimid oo ahaa xoolo dhaqato ku cayrtoobay abaarihii 2010 ilaa 2011 ka jiray deeganadaas
Burhan Maxamed Cadeysay









