Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Fursadaha shaqo oo ku liita haweenka barakacayaasha kismaayo

Radio Ergo by Radio Ergo
May 23, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankMagaalada  Kismaayo oo ku taal koonfurta Soomaaliya una jirta 500 km caasimadda Muqdisho ayaa ka mid ah goobaha dagaalladii 20ka sano ka badan socday sida daran u saameeyeen, waxaa in badan ku dagaallamay kooxo kala duwan oo kala riixanaya gacan ku haynta magaalada, magaaladani waxay leedahay istaraajiyad dhaqaale iyo saiyaasadeed, deked iyo ayrbort caalami ah oo ah il dhaqaale oo muhiim ah, arrimahaan oo ka dhigay magaalada goob lagu loollama, in badan bulshadii ku noolayd magaaladan iyo guud ahaan gobolka Jubbada Hoose ayaa noqday qaxooti buux dhaafiyey xeryaha Dhadhaab iyo meelo kale oo ka sii durugsan, kuwa ku haray gudaha ma haystaan fursadaha nolosha aasaasiga u ah sida tacliin, caafimaad iyo shaqooyin ay ka helaan wixii ay carruurtoodii ku quudin lahaayeen.

Haweenka ayaana hadda u badan kuwa isku daya inay helaan fursado ay kula soo baxaan nolosha qoyska iyo carruurtooda, gaar ahaan kuwa kujira xeryaha barakaca, marka laga hadlaayo fursadaha shaqo ee ay magaalada Kismaayo ka heli karaan oo aad u kooban, waxayse helaan hawlo ay ugu shaqo tagaan guryaha magaalada mase ahan wax ku filan noloshooda oo ay ku dabooli karaan baahida qoysaskooda. Haweenka barakacayaasha ayaa xaafadaha magaalada Kismaayo ka qabta shaqooyin ay kamid yihiin, dhar dhaqis, biyaha oo ay dhaamiyaan, qoryaha dabka lagu shito oo ay duurka ka keenaan, iyo shaqooyin kuwaas lamid ah,

Caasha Cali Axmed iyo haween kale oo badan oo aan kula kulmay kaamka Baraawe ee magaalada Kismaayo waxaa ay kamid yihiin haweenka barakacayaasha ah ee xilliga maalintii ka shaqeeya qaar kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo, waxayna raadiyo Ergo uga warrantay nacfiga iyo faa’idooyinka ay ka helaan shaqooyinka ay xaafadaha Kismaayo ka qabtaan iyo siday u arkaan inay shaqooyinka noocaan oo kale ah ay sii wadaan.

“10 carruur ah ayaan haystaa, subaxa hore ayaan magalada u kalahaa oo dhar dhaqow u aadaa, 100 kun oo shilin Soomaali ah ayaa la igu siinayaa, waxna kuu tari mayso, carruurtii nolol bay rabaan, haddii aan soo waayo shaqo waa iska soo noqdaa, ninkaygana wax shaqo ah ma hayo”

Safiyo Axmed oo iyana ka mid ah haweenka xeradaas Baraawe ayaa iyana Ergo u sheegtay inay ku dayacan yihiin goobtay ku nool yihiin, ayna shaqo raadiyaan, mase jirto, xitaa hadda ma badna frusadaha dhar dhaqid ee aan helnaa.
Mulki Aadan Maxamed oo iyana ka mid ah barakacayaasha ayaa sheegtay “subaxii qashin ururin ayaan aadaa, 8 ciyaal ah ayaan haystaa, waxaanan ku noolnahay silic iyo rafaad, shaqo ma leh, mar dhar dhaqaal ayaan helaa, mar dhuxul ururis iyana hadda dhammaatay, gurigaan deganahay biyaha roobka ma celiyo, carruurta aabbahood wuxu ku dhintay dagaladii magaladda ka dhacay”

Xaawo Cabdi Yoonbow oo ah guddoomiyaha xerada barakaca ee Iftin kuna taal bariga Kismaayo ayaa iyaduna Ergo u sheegtay in haweenka kujira xeryaha barakacu wixii ay maalintii ku shaqeeyaan yihiin wax ka yar 2 dollar, kumana filna carruurtay haystaan noloshooda, hoyga, biyaha, saxaduna way ku liitaan, cudurro ay ka mid yihiin shubankuna waa kuwa ugu badan ee carruurta xeryaha soo rita.

Safiyo Axmed ayaase iyadu sheegtay inay lacagta yar ee hawlahay qabtaan ka qaataan badanaa loo diido, “Waxay dadkaad u shaqaysaa kuu keenayaan dhibaato ah dharkii si fiican uma dhaqin, markaad shaqadii dhammayso, ayaa haddana lagugu celinayaa shaqadii taasoo kelifaysa inaad habeenkii xilli dambe ka tagto qoyskii aad ka shaqaynaysay oo weliba lagu oranyo badi lacagta berri u soo noqo, mana taqaanid goob aad u dacwootid, oo nidaam la’aanta ayaa fursad siisa qofkii xoogga lahaa inuu ku tacaddiyo kii miskiinka ahaa”.

Inkastoo arrimahaasi jiraan ayaa haddana intii ururka Alshabaab laga saaray magaalada waxaa jira adeegyo loo qabto barakacayaasha Aburaas Xasan Maxamed oo ah madaxa hay’ad gudaha ka hawl gasha lana yiraahdo IRDO wada shaqayna dhinaca quudinta raashinka karsan la leh barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ayaa isagu sheegay tan iyo intii ay xarumaha quudinta ka bilaabeen guddaha xeryaha barakaca ay nolosha dadkani soo hagaagayso, inkastoo weli baahiyo badani jiraan, Aburaas ayaa sheegay in 32 xero oo  ay ku jiraan dad ka badan 4 kun oo qoys oo dad barakac ah ku filiqsan yihiin gudaha iyo daafaha Kismaayo.

Cabdinaasir Seerar oo isagu ah madaxa arrimaha bulshada ee maamulka Jubbooyinka ayaa isna Ergo u sheegay inay wadaan qorshooyin ay doonayaan inay ku hormariyaan xeryaha barakaca sida inay u sameeyaan goobo ay ka heli karan adeegyo caafimaad, tacliin iyo dhinaca biyaha, mase sheegin goortay hawshaan qabanayaan, isagoo intaas ku daray oo kale inuu jiro qorshe ay doonayaan inay uga raraan dadka barakaca ah ee deggan dhismooyinka muhiimka ah sida bangigii laanta Jubbada Hoose, warshaddii geleyda  iyo wershaddii hargaha iyo saamaha, iskuulladii waxbarashada, arrimahaana ay kala kaashanayaan hay’adaha gargaarka.
Kadar/MH/FM

 

Previous Post

DHIBAATOOYINKA HOR TAAGAN OLOLAHA TALAALKA

Next Post

QEYBTA TBDA EE ISBITAALKA LAASACAANOOD OO CUNNO LA`AAN AY SOO WAJAHDAY

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Dhallinyaro qaxooti ah oo hirgaliyay ganacsiyo beddelay noloshooda

May 20, 2026
Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Shabeellaha dhexe: Qoysas ka baxay nolosha barakaca markii la siiyay dhaqaale iyo tababar

May 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad roob yari ku cayroobay oo xeryo ku yaalla deegaan Xarfo ku wajahaya nolol xumo

May 15, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

QEYBTA TBDA EE ISBITAALKA LAASACAANOOD OO CUNNO LA`AAN AY SOO WAJAHDAY

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-MAY-2026

IDAACADDA 25-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-MAY-2026
May 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-MAY-2026
May 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-MAY-2026
May 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-MAY-2026
May 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-MAY-2026
May 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo