
Haweenka ayaana hadda u badan kuwa isku daya inay helaan fursado ay kula soo baxaan nolosha qoyska iyo carruurtooda, gaar ahaan kuwa kujira xeryaha barakaca, marka laga hadlaayo fursadaha shaqo ee ay magaalada Kismaayo ka heli karaan oo aad u kooban, waxayse helaan hawlo ay ugu shaqo tagaan guryaha magaalada mase ahan wax ku filan noloshooda oo ay ku dabooli karaan baahida qoysaskooda. Haweenka barakacayaasha ayaa xaafadaha magaalada Kismaayo ka qabta shaqooyin ay kamid yihiin, dhar dhaqis, biyaha oo ay dhaamiyaan, qoryaha dabka lagu shito oo ay duurka ka keenaan, iyo shaqooyin kuwaas lamid ah,
Caasha Cali Axmed iyo haween kale oo badan oo aan kula kulmay kaamka Baraawe ee magaalada Kismaayo waxaa ay kamid yihiin haweenka barakacayaasha ah ee xilliga maalintii ka shaqeeya qaar kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo, waxayna raadiyo Ergo uga warrantay nacfiga iyo faa’idooyinka ay ka helaan shaqooyinka ay xaafadaha Kismaayo ka qabtaan iyo siday u arkaan inay shaqooyinka noocaan oo kale ah ay sii wadaan.
“10 carruur ah ayaan haystaa, subaxa hore ayaan magalada u kalahaa oo dhar dhaqow u aadaa, 100 kun oo shilin Soomaali ah ayaa la igu siinayaa, waxna kuu tari mayso, carruurtii nolol bay rabaan, haddii aan soo waayo shaqo waa iska soo noqdaa, ninkaygana wax shaqo ah ma hayo”
Safiyo Axmed oo iyana ka mid ah haweenka xeradaas Baraawe ayaa iyana Ergo u sheegtay inay ku dayacan yihiin goobtay ku nool yihiin, ayna shaqo raadiyaan, mase jirto, xitaa hadda ma badna frusadaha dhar dhaqid ee aan helnaa.
Mulki Aadan Maxamed oo iyana ka mid ah barakacayaasha ayaa sheegtay “subaxii qashin ururin ayaan aadaa, 8 ciyaal ah ayaan haystaa, waxaanan ku noolnahay silic iyo rafaad, shaqo ma leh, mar dhar dhaqaal ayaan helaa, mar dhuxul ururis iyana hadda dhammaatay, gurigaan deganahay biyaha roobka ma celiyo, carruurta aabbahood wuxu ku dhintay dagaladii magaladda ka dhacay”
Xaawo Cabdi Yoonbow oo ah guddoomiyaha xerada barakaca ee Iftin kuna taal bariga Kismaayo ayaa iyaduna Ergo u sheegtay in haweenka kujira xeryaha barakacu wixii ay maalintii ku shaqeeyaan yihiin wax ka yar 2 dollar, kumana filna carruurtay haystaan noloshooda, hoyga, biyaha, saxaduna way ku liitaan, cudurro ay ka mid yihiin shubankuna waa kuwa ugu badan ee carruurta xeryaha soo rita.
Safiyo Axmed ayaase iyadu sheegtay inay lacagta yar ee hawlahay qabtaan ka qaataan badanaa loo diido, “Waxay dadkaad u shaqaysaa kuu keenayaan dhibaato ah dharkii si fiican uma dhaqin, markaad shaqadii dhammayso, ayaa haddana lagugu celinayaa shaqadii taasoo kelifaysa inaad habeenkii xilli dambe ka tagto qoyskii aad ka shaqaynaysay oo weliba lagu oranyo badi lacagta berri u soo noqo, mana taqaanid goob aad u dacwootid, oo nidaam la’aanta ayaa fursad siisa qofkii xoogga lahaa inuu ku tacaddiyo kii miskiinka ahaa”.
Inkastoo arrimahaasi jiraan ayaa haddana intii ururka Alshabaab laga saaray magaalada waxaa jira adeegyo loo qabto barakacayaasha Aburaas Xasan Maxamed oo ah madaxa hay’ad gudaha ka hawl gasha lana yiraahdo IRDO wada shaqayna dhinaca quudinta raashinka karsan la leh barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ayaa isagu sheegay tan iyo intii ay xarumaha quudinta ka bilaabeen guddaha xeryaha barakaca ay nolosha dadkani soo hagaagayso, inkastoo weli baahiyo badani jiraan, Aburaas ayaa sheegay in 32 xero oo ay ku jiraan dad ka badan 4 kun oo qoys oo dad barakac ah ku filiqsan yihiin gudaha iyo daafaha Kismaayo.
Cabdinaasir Seerar oo isagu ah madaxa arrimaha bulshada ee maamulka Jubbooyinka ayaa isna Ergo u sheegay inay wadaan qorshooyin ay doonayaan inay ku hormariyaan xeryaha barakaca sida inay u sameeyaan goobo ay ka heli karan adeegyo caafimaad, tacliin iyo dhinaca biyaha, mase sheegin goortay hawshaan qabanayaan, isagoo intaas ku daray oo kale inuu jiro qorshe ay doonayaan inay uga raraan dadka barakaca ah ee deggan dhismooyinka muhiimka ah sida bangigii laanta Jubbada Hoose, warshaddii geleyda iyo wershaddii hargaha iyo saamaha, iskuulladii waxbarashada, arrimahaana ay kala kaashanayaan hay’adaha gargaarka.
Kadar/MH/FM










