
Dr. Cabdi Maxamed Buraale oo ah madaxa qeybta TBda ayaa Ergo u sheegay in dawada ay ku caawiso hay`adda caafimaadka adduunka ee QM WHO, balse cunnadii quudinta ahayd ee ay heli jireen bukaannada qaba qaaxada ee isbitaalka jiifa ay joogsatay.
“Xaaladdu aad bey u adagtahay halkan, waxaa jiifa isbitaalka bukaanno aan magaalada cedna u joogin, bukaanka qaadanaya dawada TBda waxaa looga baahan yahay inuu cunto nafaqo leh helo, si uu u bogsado.” Ayuu yiri takhtarka.
Hay`ad samafal oo fadhigeedu yahay dalka Finland, laguna magacaabo SAHAN oo muddo 5 sano ah isbitaalka ka caawin jirtay cuntada quudinta ah, ayaa joojisay bishii Abriil ee sanadkii 2010kii.
Isbitaalka ayaa waxaa haatan jiifa 185 bukaan oo kala bar ay ka yimaadeen tuulooyinka ku hareereysan Laasacaanood, kuwaasoo aysan wax ehel ah u joogin gudaha magaalada.
“Ma istaagi karo nafaqo darro darteed, waxaan codsaneynaa in dhanka cuntada nalaga caawiyo, ma helno cunto nafaqo leh oo duhurkii ayaa bariis qallalan naloo keenaa, ma heysanno daryeel gaar ah.” Sidaa waxaa yiri Cumar Warsame Jaamac oo ka mid ah bukaannada qaba qaaxada ee isbitaalka jiifa.
Dr. Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay hay`adaha samafalka inay ka taageeraan dhanka cuntada iyo nafaqada, “Waxaa jira bukaanno badan oo magaalada dhexdeeda ku dayacan, haddii loo helo barnaamij quudin ah way soo seexan lahaayeen isbitaalka, waxaa dhici karta in kuwa haatan jooga ay nafaqo darro darteed u laabtaan tuulooyinkii ay ka yimaadeen.” Ayuu yiri takhtarka.
Cabdikariin Olol/FM









