Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

DHIBAATOOYINKA HOR TAAGAN OLOLAHA TALAALKA

Radio Ergo by Radio Ergo
May 21, 2013
in Caafimaadka
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHowlwadeenada talaalka cudurada dilaaga ah ee carruurta ka wada  magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya dadka deegaanka oo qaarkood diidan in carruurtooda la talaalo.

Madaxa barnaamijka talaalka carruurta ee Sanduuqa Badbaadada Carruurta ee UNICEF u qaabilsan Muqdisho Maxamed Xuseen Cumar ayaa raadiyaha Ergo u sheegay in bulshada deegaanka qaarkood talaalka ay ka aaminsan yihiin fikrado khaldan, taas oo keentay in carruurtooda u diidaan talaalka.

Maxamed Xuseen Cumar wuxuu xusay in dadka qaar aaminsan yihiin in carruurta ay talaalka ka qaadayaan jeermiska dhaliya Aids ee la yiraa HIV iyo in carruurta uu madhaleys ka dhigo.

“Waa aragtiyo qaldan oo muujinaya baraarug la’aanta bulshadeena, taas oo dhalinkarta in cuduradu ku faafaan bulshada dhexdeeda,” sidaas waxaa Ergo u sheegay Maxamed Xuseen Cumar, Madaxa barnaaminka talaalka caruurta ee hay’adda Unicef ee Muqdisho.

Maxamed Xuseen Cumar wuxuu sheegay in aragtiyahaas qaldan ay caqabad ku yihiin dadaalada lagu doonayo in lagu xakameeyo cudurada dilaaga ah ee ay dabeyshu ka mid tahay.

Wasaarada Adeegga Bulshada ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday in Muqdisho dib looga helay cudurka dabeysha oo dalka laga cirib-tiray lix sano kahor.

Isla toddobaadkaas waxaa Muqdisho laga bilaabay talaalka cudurka dabeysha oo lagu doonayo in looga hortago in cudurku ku faafo deegaanka.

Maxamed Xuseen Cumar madaxa barnaaminka talaalka caruurta ee hay’adda Unicef wuxuu sheegay in caruurta aan la talaalin oo dhan ay halis ugu jiraan cudurka dabeysha oo ah jeermis deg-deg ku faafa.

Laakiin dhakhtar Maxamed Axmed Shire oo kumagac dheer Naturaale kana howlgala magaalada Muqdisho wuxuu raadiyaha Ergo u sheegay in fikradaha qaldan ee bulshada ay salka ku hayso fahamka bulshada ee talaalka oo hooseeya.

Wuxuu ugu baaqay hay’adaha ka shaqeynaya barnaamijka talaalka inay la yimaadaan qorshe kor loogu qaadayo wacyiga dadka, laguna fahamsiiyo faa’iidada talaalku u leeyahay badbaada caruurta Soomaaliyeed.

Previous Post

DAD NAAFO AH OO TABABAR CAAFIMAAD UGA FURMAY KISMAAYO

Next Post

Fursadaha shaqo oo ku liita haweenka barakacayaasha kismaayo

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Umulisooyin daryeel iyo talooyin caafimaad u sameeya haweenka ku nool Dhadhaab

January 13, 2026
blank
Caafimaadka

Nolol xumo iyo daryeel la’aan isku biirsaday qoys ku nool Shabeellaha dhexe

December 1, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dayac iyo nolol xumo haysata dadka qaba xaaladda dhimirka ee ku nool Dhadhaab

November 3, 2025
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhibaato ka dhalatay xarumo caafimaad oo ka xirmay dad barakac ku ah Baydhabo

September 8, 2025
Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan
Caafimaadka

Adeeg la’aan caafimaad oo ka dhalatay 20 isbitaal oo ku xirmay colaadda Hiiraan

September 4, 2025
Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad
Caafimaadka

Shabeellaha Hoose: Haweenka ku jira xilliga foosha oo wajahaya gargaar la’aan caafimaad

July 21, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Fursadaha shaqo oo ku liita haweenka barakacayaasha kismaayo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 21-APR-2026

IDAACADDA 21-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 21-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-APR-2026
April 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-APR-2026
April 18, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo