Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

WAA SIDEE XAALADDA CUDURKA SHUBAN BIYOODKA EE XABSIGA DHEXE EE MUQDISHO?

Radio Ergo by Radio Ergo
April 12, 2013
in Arrimaha Bulshada
0
WAA SIDEE XAALADDA CUDURKA SHUBAN BIYOODKA EE XABSIGA DHEXE EE MUQDISHO?

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank

Xabsiga dhexe ee Soomaaliya oo ku yaalla degmada Xamar Jabab ee magaalada Muqdisho, xilligii dowladdii dhexe ee dalka wuxuu ahaa xabsiga ugu weyn guud ahaan dalka, waxaana la keenaa  oo lagu soo xiraa dadka ay maxkamaddu xukunnada ku riddo, horraantii bishii Maarso waxaa xabsigaasi ka dillaacay cudurka Shuban biyoodka oo ay ugu geeriyoodeen qaar ka mid ah maxaabiista ku jirta xabsigaas.

Haddaba waa sidee haatan heerka cudurka shuban biyoodka ee gudaha xabsiga dhexe ? Waxaan arrintaas ka wareysannay taliyaha xabsigaas, Maxamed Xuseen Axmed.

J:  Xabsiga kuleylaha jira dartood waxaa lasoo dersay xanuunka Shuban biyoodka, wasaaradda caafimaadka ee dowladda federaalka ayaa usoo gurmatay iyo hay`adaha caafimaadka, kuwaasoo wax ka qabtay dhanka nadaafadda, daaweyn u sameeyay bukaannadii cudurka uu soo ritay, waana lagu guuleystay gurmadkaas, hadda heerka xanuunka hoos ayuu u dhacay.

S:  Hadda weli xabsiga maka jiraa xanuunka? Tan iyo intii shubanku uu ka dillaacay xabsiga dhexe, imisa qof ayaa ugu geeriyootay, imisa ayuuse soo ritay cudurku?

J: Xanuunku weli wuu jiraa, laakiin uma badna sidii hore, dhaqaatiirta ciidanka iyo kalkaaliyeyaasha ayaana aad ugu howlan horumarinta xaaladda nadaafadeed ee xabsiga. Siduu cudurkan uga billowday gudaha xabsiga waxaa u dhintay 4 qof, wuxuuna soo ritay 8 qof.

S:  Maxaabiis tiro intee la ek ayaa ku xiran hadda xabsiga?

J: Tirada maxaabiista ku jirta lama koobi karo, sababtoo ah dad baa lasoo xiraa, dadna waa la sii daayaa marka tiro sugan kuuma sheegi karo.

S: Sidaad sheegtay ciriiri aya ka jira xabsiga, qol walba maxaabiista ku xiran tiradoodu waa intee?

J: Ciriiriga ka jira waa laga bixi doonaa, dowladda ayaan u gudbinnay warbixintaas waana ka war sugeynaa inay u guntato dhisdda qeybaha ka dhiman xabsiga iyo dayactirkooda oo ay ka mid yihiin qeybta xannaaneynta iyo dhaqan celinta carruurta iyo Garsugaha. Qolalku isku mug ma aha oo waa kala duwan yihiin, waxaa qol walba ku xiran tiro loogu talo galay, si loo eego xagga jiifka maxaabiista iyo isticmaalka qolkaas, waana xadidnaa inta badan.

S: Dhowaan waxaa xabsiga soo booqday guddi ka socda waaxda garsoorka ee dowladda, waxay kasoo tebiyeen in nolol adag ay xabsiga ka jirto, marka ma is leedahay in xilligaan aysan habbooneyn in xabsiga dad lagu xiro?

J: Ma dhihi karno yaan dad lagu xirin, sababtoo ah dalkeenna xaaladda uu ku jiro qof walba waa ogyahay, waxaa jira dad badan oo dembiyo kala duwan galaya marka xabsigu dadkaas ayaa lagu soo xiraa.

S: Xabsiga waxaa ku jira carruur loo soo xiray dembiyo ay ka mid yihiin caasi waalideyn, marka sidee u aragtaa in carruur la xiro?

J: Carruurta halkan la keeno waa kuwo qaarkood koolliste ah oo magaalada laga soo qabtay, xannaano ayayba u tahay halkan, loolama dhaqmo sida maxaabiista kale.

Abdulkadir Abdulle/FM

Previous Post

DHIBAATOOYINKA AY QABAAN ADEEGTOOYINKA GURYAHA

Next Post

Qalab lagula soconayo heerka biyaha roobka oo lagu xiray deegaanno Puntland ka tirsan

Related Posts

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
blank
Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Wiil ganacsi u hirgalay ku furtay lacag uu mar u qorsheeyay inuu ku tahriibo

March 14, 2025
Next Post
Qalab lagula soconayo heerka biyaha roobka oo lagu xiray deegaanno Puntland ka tirsan

Qalab lagula soconayo heerka biyaha roobka oo lagu xiray deegaanno Puntland ka tirsan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 10-SEP-2025

IDAACADDA 10-SEP-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 10-SEP-2025
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2025
September 10, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-2025
September 9, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-2025
September 8, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2025
September 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-SEP-2025
September 6, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo