Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Qalab lagula soconayo heerka biyaha roobka oo lagu xiray deegaanno Puntland ka tirsan

Radio Ergo by Radio Ergo
April 13, 2013
in Wararkii u Danbeeyay
0
Qalab lagula soconayo heerka biyaha roobka oo lagu xiray deegaanno Puntland ka tirsan
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankIyadoo roobabkii Guga ay ka da`ayaan dalka, ayaa waxaa markii ugu horreysay deegaannada Puntland qaarkood lagu baahiyey qalab casri ah oo lagula soconayo heerka ay gaarsiisan yihiin roobabka da`aya, tanoo wax ka tareysa la socodka is beddelka cimilada.

“17 xarumood ayaan ku xirnay qalabka lagula socdo heerka qiyaasta roobabka ee Ring gages, 2 xarumood oo waaweyn oo si toos ah ugu xiran Satelliteka iyo 15 laamo, waana meelaha aan fileyno inay roobab badan ka da`aan, waxaan ku rajo weyn nahay in deegaannada kalana aan gaarsiinno,” Sidaa waxaa yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Puntland Cabdiraxmaan Diiriye Carab.

Qalabkan oo ay ku deeqday hay`adda QM u qaabilsan cunnada iyo beeraha ee FAO mashruuceeda SWALIM ayaa waxaa lagu xiray labo xarumood oo kala ah magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo, halka qalabkan laamihiisa kale la dhigay magaalooyinka Goldogob, Laascaanood, Boosaaso, Badhan, Isku shuban, Burtinle, Qardho, Eyl, Jarriiban, Taleex, Caluula, Boocame, Dangoronyo, Qandala iyo Buuhoodle.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in inkastoo roobabku ay ka badan yihiin kuwii la filayay haddana ay usii diyaar garoobeen oo aysan jirin waxyeello ay roobabku  geysteen, gaar ahaan beeraha “Ma jiraan wax dhibaato ah oo haatan ay roobabku u geysteen beeraha Puntland oo ah kuwo aad u sii kobcayey waayadan dambe, wasaaraddu waxay waddaa howlo ballaaran oo ay ku caawinayso beeralleyda si aysan roobabka dhibaato ugala kulmin, waana la soconnaa halka ay wax u marayaan beeralleydu”. Ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Magaalooyinka Boosaaso, Badhan iyo Caluula ayaan weli helin roobabka Guga, waxaase roobakii ugu badnaa ay horraantii bishan ka da`een deegaannad Buuhoodle, Laascaanood iyo Galdogob, sida wasaaradda beeraha Puntland ay sheegtay.

Cabdiraxmaan Maxamed Xaaji/FM

Previous Post

WAA SIDEE XAALADDA CUDURKA SHUBAN BIYOODKA EE XABSIGA DHEXE EE MUQDISHO?

Next Post

Gabadh yar oo u baahan in loo fidiyo gargaar caafimaad

Related Posts

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km
Cunto-Yaraanta

In kabadan 20,000 oo qoys oo saf u gala ceel sii guraya oo Buurxakaba u jira 8 km

September 21, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 19, 2026
Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda deegaan hoostaga Afgooye oo ku najaxay adeegsiga koronto laga dhaliyo ilayska

September 16, 2026
Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer
Beeraha Iyo Xoolaha

Duurjoog gaajaysan oo qasaare gaarsiiyay dalagyada beeraleyda Togdheer

September 15, 2026
Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Haraad iyo gaajo ka dhashay guridda ilo ay biyaha ka heli jireen qoysas ku nool Bari

September 14, 2026
Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo
Wararkii u Danbeeyay

Biyo yari iyo nadaafad xumo ka dhalatay oo haysa qoysas barakac ku ah Gaalkacyo

September 11, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Gabadh yar oo u baahan in loo fidiyo gargaar caafimaad

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 22-SEP-2026

IDAACADDA 22-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 22-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-SEP-2026
September 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-SEP-2026
September 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-SEP-2026
September 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-SEP-2026
September 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 18-SEP-2026
September 18, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo