
Maashruucaan oo lagu soo bandhigay xarunta laanqeyrta cas ee Dhadaab ayaa ayaa waxaa ku bixi doona sedex milyan iyo bar lacagta Euro ah isaGoo socon doona sedexda sano ee soosocota, waxaana barnamij muhimmaddiisu ay tahay in sare loogu qaado tayada waxbarashada hoose dhexe, iyo sare ee xeryaha qaxootiga iyo dadyawga deegaanka.
Barnaamijkan ayaa ka dhashay ka dib markii qiimeyn lagu sameeyay heerka waxbarashada ee Dhadhaab sanadkii 2011kii, laguna ogaaday iney aad u hooseeyso tayada waxbarasho ee ee xeryaha, ayna jiraan arday badan oo aan helin hab ay wax ku bartaan taasi oo soo dadajisay deeqdan, sida uu caddeeyay Mohamed Mahad Sabuul oo ah sarkaala ka socda Midowga Yurub.
Dhanka kale sarkaalkan ayaa xusay in 75 boqolkiiba mashruucaan ay ka faaiidaysanayaan dadka qaxootiga ah halka 25 boqolkiiba ay ka faaiidaysanayaan dadka deegaanka Faafi iyo Lagdhera.
Sabuul wuxuu sheegay in mashruucaan ay ku ballaarin doonaan fasallada iskuulaadka dhamaan xeryaha iyo deegaanka si loo helo arday badan oo dhigata iskuulaadka, waxa sidoo kale ku jiri doona lacago looga bixinayo ardayda hesha deeqaha waxbarasho , waxbarashada dadka waaweeyn, mida gabdhaha iyo dhinacyo kale.
Qorshahan ayaa waxaa ka mid ah in la tababaro macalimiin, iyagoona laga qaadanayo xeryaha 80%, halka 20% laga keenayo Kenyadda kale.
Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Faafi Ilyaas Barre Shiil ayaa sheegay sida ay u soo dhaweynayaan mashrucaan, uuna ahaa mid loo bahan yahay waxa uu sheegay in lacagtaan markii hore qorshahu ahaa in Soomaliya wax looga qabto, laakiin markii la arkay baahida halkaan Midawga Yurub gartay in lagu fulayo mashaariic waxbarasho, madama dadka kabadan nus milyanka xeryahan wali aysan wax kahelin lacagaha deeqaha lasiiyo Soomaliya.
Dhanka kale mudanaha ayaa sheegay in uu waalidiinta kuboorinayo in iskuulaadka ay geeyaan gabdhaha oo uu tilmamay inay kahooseeyso wiilasha ayna dambi tahay hada wixii kadanbeeya caruurta guryaha lagu haysto.
In ka badan 85500 oo carruura oo gaartay heerka waxbarasho degganna Lagdhera ayaanan waxba baranin sida uu raadiyo Ergo u sheegay Nuur Barre oo ah madaxa waxbarashadda ee mandiqadda Garissa ayaa Ergo u sheegay, wuxuuna Nuur intaas ku daray in deegaanka Faafi 35000 oo carruurta waxbarashada gaartay aysan tagin iskuulaadka deegaanka Faafi taasi oo dibu dhac ah sida latilmamay waxa jira oo sidoo kale lacagta jamacadda Kenyata Universety laga bixinayaa tobanka qof ee ugu horeysa.
Xeryaha qaxootiga ayaa waqtigaan waxaa ka furan 21 dugsi hoose iyo, 6 dugsi sarre, Xagardheer 6 dugsi hoose iyo laba dugsi sarre, Ifo oo ah 8 dugsi hoose iyo 2 dugsi sarre, 6 dugsi hoose iyo 2 dugsi sare ayaa ah dhagaxley, hal dugsi hoose ahna waa kamp caws,
Degaanka Dhadhaab 1 dugsi sare iyo laba dugsi hoose, iskuulaadkaan ayaa sanadkasta waxaa ka qalin jebisa lix kun oo carruur ah.
Madaxa guddiga waxbarashadda Xagardheere Maxamed Yuusuf Cayncayn ayaa sheegay in dhibaatoyinka haysta dugsiyada waxbarashada ay yihiin fasaladoo ciriiri ah, macalimiintoo yar, buugaagta akhriska iyo qoraalka oo aad ugu yar ardayda,.
Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeyb galay saraakiil ka socda Midawga Yurub iyo wakiillo ka socday wasaradda waxbarashada Kenya. mudane barlamanka deegaanka laga soo doorto Ilyaas Barre Shiil, wakiilada hayada lamaha QM ee ka hawlgala xeryaha , guddiyada waxbarashada, walidiin iyo qaar ka mid ah horjoogayaasha xeryaha.
Mashruucaan ayaa waxaa fulin doona hayadda badbaadada carruurta ee Save the Children, inkasta oo ay jiri doonaan hayado iyaguna gacan ku lahan doona sida UNHCR, NRC,LWF, iyo hay`adda qaabilsan waxbarashada xeryaha ee WELDOWTRUST.
FL/MH/AM









