Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Khatarta miinooyinka Galdogob

admin by admin
April 22, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDadka deegaan Goldogob ayaa waxay welwel ka muujinayaan miinooyin dhulka ku aasaan oo ay roobabku Gu`ga debadda u soo saareen. Degmadan Galdogob oo ka mid ah Mudug kuna taalla xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha miinooyinkaasi ay khatarta ku hayaan, waxayna roobabku debadda soo dhigeen 30 xarig oo ay miinadu ku qaraxdo sida uu Ergo u xaqiijiyay guddoomiyaha degmadaas, Cabdullaahi Sheekh Siciid.

Sida ay sheegeen kooxda miino saarista Denmark (DDG) , dhimashada rayidka iyo dhaawacyadaba looma diwaan geliyo si habboon, sababo la xiriira iyadoo ay yar tahay gaaridda kooxaha miino saarista ee gudaha Soomaaliya.

DDG ayaa baariteenkeeda ku heshay in dadku ay usoo qaataan waxyaabaha qarxa ayna u keydsadaan sababo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Inaysan jirin dowlad shaqeyneysa oo dadka ka wacyi gelineysa khatarta walxaha qarxa.

Cismaan Jaamac Aadan oo ka mid ah xoola dhaqatada degmada Goldogob, ayaa raadiyo Ergo u sheegay in aqoon darri darteed ay miinadu khatar ku heyso dadka degmadaas, isla markaana uu codsanayo in laga badbaadiyo halista miinooyinkaas.

Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) oo ah agaasimaha hay`adda miinada iyo walxaha qarxa ee Puntland (PMAC) ayaa Ergo u sheegay in 120 deegaan oo Puntland ka tirsan ay ku aasan yihiin miinooyin ayna yaallaan haraaga miinooyinka (UXO), wuxuu sheegay in 9 meelood oo ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug ay miinooyinku ku aasan yihiin, ayna tahay halka ugu daran guud ahaan Puntland.

“Ka sokow dadka ay waxyeelladu kasoo gaareyso miinooyinka ku aasan Galdogob, waxay u geysatay hoos u dhac dhaqaale, sida waddooyinka xiran iyo dhulbeereedyada looga cabsi qabo miinooyinka.” Ayuu yiri Cabdirisaaq, wuxuuna intaa raaciyay in baaritaankii ugu dambeeyay ee ay hay`addoodu ka sameysay Puntland sanadkii 2007dii, degmada Galdogob keliya ay walxaha qarxa waxyeelleeyeen 41qof, isagoo intaa ku daray in in wacyi gelin badan oo ay sameeyeen ay hoos u dhacday tirada dadka ku waxyeellooba walxaha qarxa, isagoo sheegay in sanadkii 2008dii heerka waxyeellada miinooyinka iyo walxaha qarxa ay ahayd 25% halka sanadihii ka dambeeyayna ay u dhaxeysay 14-15%.

Gaashaanle sare Yuusuf Xaaji Maxamuud wuxuu ka mid ahaa ciidamadii xoogga dalka Soomaliya waana khabiir waxyaabaha qarxa ah, wuxuu Ergo u sheegay “Aniga iyo koox ciidamada Puntland ka tirsan ayaa sanadkan dhexdiisa furnay waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Galdogob oo xirneyd muddo 24sano ah sababo la xiriira miinooyinka ku jira oo laga cabsi qabay, waxaana ka saarnay 19 miino khatar ah. Dhammaan waddooyinka Galdogob waxaa ku aasan miinooyin, waxaana ka codsaneynaa dadka degmada inay nagu soo wargeliyaan meeshii ay miino ku tuhmaan”.

Minooyinka ayaa la aasay xilliyadii ay socdeen dagalladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya sanakii 1977kii.

Soomaaliya ayaa saxiixday heshiiskii Ottowa sanadkii 2012kii. Sidoo kale dowladaha Somaliland iyo Puntland ayaa saxiixay sharcigii Geneva (Geneva Call Protocol) . Balse dhammaantood awood uma wada laha dhaqan gelinta shuruucyadan, sida ay sheegtay DDG.

Burhaan Cadeysay/FM/AM

Previous Post

Kobcinta waxbarashadda xeryaha Dhadhaab

Next Post

Cudurrada shuban biyoodka iyo duumada oo ka dillaacay Yurkud

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Ragga biraha tuma oo ka cabanaya nolol xumo, dayac iyo faquuq ka saaray suuqa shaqada

October 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Cudurrada shuban biyoodka iyo duumada oo ka dillaacay Yurkud

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-OCT-2026

IDAACADDA 07-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-OCT-2026
October 7, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo