
Sida ay sheegeen kooxda miino saarista Denmark (DDG) , dhimashada rayidka iyo dhaawacyadaba looma diwaan geliyo si habboon, sababo la xiriira iyadoo ay yar tahay gaaridda kooxaha miino saarista ee gudaha Soomaaliya.
DDG ayaa baariteenkeeda ku heshay in dadku ay usoo qaataan waxyaabaha qarxa ayna u keydsadaan sababo kala duwan oo ay ka mid yihiin: Inaysan jirin dowlad shaqeyneysa oo dadka ka wacyi gelineysa khatarta walxaha qarxa.
Cismaan Jaamac Aadan oo ka mid ah xoola dhaqatada degmada Goldogob, ayaa raadiyo Ergo u sheegay in aqoon darri darteed ay miinadu khatar ku heyso dadka degmadaas, isla markaana uu codsanayo in laga badbaadiyo halista miinooyinkaas.
Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo) oo ah agaasimaha hay`adda miinada iyo walxaha qarxa ee Puntland (PMAC) ayaa Ergo u sheegay in 120 deegaan oo Puntland ka tirsan ay ku aasan yihiin miinooyin ayna yaallaan haraaga miinooyinka (UXO), wuxuu sheegay in 9 meelood oo ka tirsan degmada Galdogob ee gobolka Mudug ay miinooyinku ku aasan yihiin, ayna tahay halka ugu daran guud ahaan Puntland.
“Ka sokow dadka ay waxyeelladu kasoo gaareyso miinooyinka ku aasan Galdogob, waxay u geysatay hoos u dhac dhaqaale, sida waddooyinka xiran iyo dhulbeereedyada looga cabsi qabo miinooyinka.” Ayuu yiri Cabdirisaaq, wuxuuna intaa raaciyay in baaritaankii ugu dambeeyay ee ay hay`addoodu ka sameysay Puntland sanadkii 2007dii, degmada Galdogob keliya ay walxaha qarxa waxyeelleeyeen 41qof, isagoo intaa ku daray in in wacyi gelin badan oo ay sameeyeen ay hoos u dhacday tirada dadka ku waxyeellooba walxaha qarxa, isagoo sheegay in sanadkii 2008dii heerka waxyeellada miinooyinka iyo walxaha qarxa ay ahayd 25% halka sanadihii ka dambeeyayna ay u dhaxeysay 14-15%.
Gaashaanle sare Yuusuf Xaaji Maxamuud wuxuu ka mid ahaa ciidamadii xoogga dalka Soomaliya waana khabiir waxyaabaha qarxa ah, wuxuu Ergo u sheegay “Aniga iyo koox ciidamada Puntland ka tirsan ayaa sanadkan dhexdiisa furnay waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Galdogob oo xirneyd muddo 24sano ah sababo la xiriira miinooyinka ku jira oo laga cabsi qabay, waxaana ka saarnay 19 miino khatar ah. Dhammaan waddooyinka Galdogob waxaa ku aasan miinooyin, waxaana ka codsaneynaa dadka degmada inay nagu soo wargeliyaan meeshii ay miino ku tuhmaan”.
Minooyinka ayaa la aasay xilliyadii ay socdeen dagalladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya sanakii 1977kii.
Soomaaliya ayaa saxiixday heshiiskii Ottowa sanadkii 2012kii. Sidoo kale dowladaha Somaliland iyo Puntland ayaa saxiixay sharcigii Geneva (Geneva Call Protocol) . Balse dhammaantood awood uma wada laha dhaqan gelinta shuruucyadan, sida ay sheegtay DDG.
Burhaan Cadeysay/FM/AM









