
“Tan iyo intii roobabka Guga ay ka da`een deegaanka, ilaa 28 qof ayay cudurradan kusoo riteen Yurkud, waxaana jirta daawo yaraan iyo takhaatiir yaraan” sidaa waxaa Ergo u sheegay, Ibraahim Maxamed Nuur oo ka tirsan takhaatiirta Yurkud ku sugan.
Deegaanka Yurkud ma laha goobo caafimaad oo lagu daweeyo dadka ay soo ritaan cudurradan, waxaana haatan lagu dabiibayaa bukaannada labo goobood oo macmal ah kuna yaalla gudaha deegaanka, halkaasoo ay joogaan labo mtakhtar iyo saddex kalkaaliye oo dadkaas caawinaya.
“Dadka ay soo ridanayaan duumada iyo shuban biyoodku way soo kordhayaan, maamulka iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa bukaannada gaarsiiyay xoogaa daawooyin ah, waxaan ka codsaneynaa hay`adaha samafalka inay gargaar nasoo gaarsiiyaan,” sidaa waxaa Ergo u sheegay Mahad Sheekh Maxamed Xasan oo ah guddoomiyaha Yurkud.
Tuulooyin ku dhow dhow Yurkud oo ay ka mid yihiin Barbaareys, Bashiiro, Xawaal shariif, Garas Ameeriko iyo Lawi-oodane ayuu guddoomiyuhu sheegay in laga keenay ilaa 11 qof oo cudurradan la il daran.
Boqollaal barakacayaal ah oo aan tiradoodu la xaqiijinin oo hore uga tegay Yurkud ayaa haatan halkaas dib ugu soo laabtay, kuwaasoo ka yimid degmooyinka Doolow iyo Luuq oo ay muddo 4sano ah ku noolaayeen, qaarkoodna ay heysato hoy la`aan, sida uu mar kale Mahad u sheegay Ergo.
Wasaaradda adeegga bulshada ee dowladda Soomaaliya ayaa bishii March xaqiijisay in xaalado shuban ah oo ay ugu yeertay shuban biyood ay ka jiraan qeybo ka mid ah dalka, oo uu ku jiro gobolka Gedo, kuwaasoo ka dhashay roobabka Guga ee ka da`aya dalka.
Maxamed Macallin Aadan/FM/AM








