Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaal ka cabanaya in laga qaado kiro sharci darro ah

admin by admin
April 23, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankBarakacayaasha ku nool xeryaha Jowle oo 2km dhanka bari ka xiga magaalada Garowe ee xarunta maamul goboleedka Puntlad ayaa ka cabanaya kiro sharci darro ah oo laga qaado guryaha ay deggan yihiin ee ka sameysan jiingadaha iyo cooshadaha.

Xeryaha Jowle waa xeryo ku meel gaar ah, waxay ka kooban yihiin 13 kaam oo waaweyn, waxaana deggan 1800 oo qoys, badankoodna ka yimid gobollada koofureed ee dalka, ayna soo salkiciyeen abaarihii dalka ku dhuftay, dadkan oo markii hore degganaa xeryo ku yaalla gudaha Garowe waxaa xeryahan usoo rartay dowladda hoose ee Puntland, waxayna dhulkaas muddo 10sano ah kala wareegtay dadkii dhulkaas lahaa.

Barakacayaashan ayaa sheegay in 4tii bilood ee ugu dmabeysay laga qaadayay bishii lacag dhan 125,000 Sh. So qoyskiiba, sida Ergo u sheegay guddoomiyaha xerada Banaadir, Saleebaan Maxamed.

“Dowladda ayaa halkaan ina soo dejisay, waxayna inoo sheegtay in 10sano aan lacag la`aan ku degganaanno, dad sheeganaya inay dhulka leeyihiin ayaa kiro naga qaada, haddaan diidnana nagu hanjabay inaan isaga guurno, waxaan nahay barakacayaal mana awoodno lacagtaas.” Ayuu yiri guddoomiyuhu.

Aqbal Maxamed oo ka mid ah barakacayaasha halkaas deggan ayaa sheegtay inay u soo xamaal tagaan Garowe, maaddaama ay ka fogtahayna ay gawaarida bulshada u soo raacaan taasoo ay lacag uga baxdo, sidaa darteed lacagaha ay xamaalka kasoo helaan aysan ka go`eynin kiro ay bixiyaan.

“Guryo badan oo la fiiqay ayaa jira oo dadkii laga saaray, halkan waxaa deggan dad maato ah oo ka xamaasha magaalada, waxaan raacnaa baabuur lacag badan naga qaato sii socod iyo soo noqod intaba, waa arin  caqabad ah kamana bixi karno in kiro haatan aan  ka bixino dhulkan aad u jeeddaan ee magaalada ka fog” Sidaa waxaa yiri Cisman Abukar oo barakacayaashaas ka mid ah.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo booqasho ku tegay xeryahaas ayaa sheegay inay dembi tahay in kiro laga qaado barakacayaasha masaakiinta ah ee dowladda hoose ay halkaas dejisay, “Arrintaas waa barakicin, qofkii lagu arkana sharciga ayaan la tiigsaneynaa.” Ayuu yiri guddoomiyuhu.

Sanadkii 2011kii, dowladda hoose ee Puntland ayaa barakacayaal gaaraya 2,400 oo qoys kasoo rartay xeryaha Shabeelle, Siligga iyo kaam Ajuuraan oo ku yaallay daafaha magaalada Garowe, waxayna dejisay xeryaha Jowle oo ka fog magaalada, si loo ilaaliyo nadaafadda, sida uu Ergo u xaqiijiyay xoghayaha guud ee kaamamka Jowle, Suudaani Axmed Cali.

Cabdiraxmaan Xaaji/FM/AM

Previous Post

Cudurrada shuban biyoodka iyo duumada oo ka dillaacay Yurkud

Next Post

ISBITAALKA SOS OO DIB LOO HOWLGELINAYO

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 29, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Beeraley colaad uga cararay dalagyo u soo go’ay oo nolol xumo ku wajahaya Baydhabo

August 10, 2026
Mandheera: Qoysas ka soo kaban waayay fatahaad baabi’isay beerahooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluunka laga jillaabto webiga oo badbaado kumeel-gaar ah u ah beeralayda Baarsanguuni

August 6, 2026
Next Post
ISBITAALKA SOS OO DIB LOO HOWLGELINAYO

ISBITAALKA SOS OO DIB LOO HOWLGELINAYO

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 11-SEP-2026

IDAACADDA 11-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 11-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-SEP-2026
September 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-SEP-2026
September 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-SEP-202
September 9, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 08-SEP-202
September 8, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 07-SEP-2026
September 7, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo