Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Fartuun Aadan ayaa sanadkan 2013ka ka mid noqotay haweenka dunida ee ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee la siiyo haweenka laguna dhiirigelinayo wax qabadkooda.
Marwo Fartuun Aadan waa agaasimaha joogtada ah ee xarunta nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee Elman, oo ah urur aan dowli ahayn oo ka dhisan magaalada Muqdisho. Fartuun ayaa kasoo shaqeysay xuquuqda haweenka iyo bini`aadannimada, dhismaha nabadda, horumarka iyo ka hortagga askareynta carruurta, iyadoo ku sugneyd xilligaas goobo aan ammaan ahayn.
Fartuun iyo seygeeda ayaa sanado badan kasoo shaqeeyay u ololeynta nabadda, waxbarashada iyo in Soomaaliya laga saaro xaaladdii ay ku jirtay muddo 20 sano ah, iyagoo sameeyay halku dhigga ah “Dhig qoriga oo qalinka qaado.” Sanadkii 1996-dii, kooxo maleeshiyo ah ayaa dilay seyga Fartuun iyagoo kasoo horjeeday howsha uu isaga iyo iydaba hayeen ee ahaa dadaallada nabadda. Markii qoyskii seygeeda ay la wareegeen uruka oo aysan Fartuun uga tegin wax dhaqaalo ah, ayay u qaxday dalka Kanada iyadoo qaxooti ah, halkaasoo saddexdeeda gabdhood ay kusoo barbaarisay. Waxay dib dalka ugu soo laabatay sanadkii 2007-dii oo dagaalladii ka socday magaalada Muqdisho ay marayeen heerkoodii ugu sarreeyay. Kuwaasoo u dhaxeeyay maxkamadihii islaamiga ahaa, qabqablayaashii iyo ciidamadii Itoobiya, iyadoo halkaas kasii wadday howshii ay billaabeen iyada iyo seygeedii geeriyooday allaha u naxariistee.
Sanadkii 2010kii, Fartuun Aadan ayaa sameysay barnaamij looga hortagayo tacaddiyada haweenka lagula kaco, si loo caawiyo dadka dhibanayaasha ah ee ka badbaaday kufsiga amaba ka baxsaday guurka qasabka ah.
Waxay markii ugu horreysay sanadkii 2011-kii ka furtay Muqdisho xarun lagu caawiyo haweenka iyo gabdhaha tacaddiyada lagula kacay. Ilaa iyo hadda waxay xaruntu badbaadisay 400 oo haween iyo gabdho Soomaaliyeed ah, iyadoo siineysa la talin iyo dawooyin, taageero dhaqaale, tababar xirfadeed iyo dib u dejin meel ammaan ah. Fartuun waxay sidoo kale dib u billowday dadaalladii xarunta nabadda iyo xuquuqda aadanaha ee Elman ay ugu jirtay joojinta askareynta carruurta, iyadoo tababarta sanad walba 350 dhalinyaro, waxayna qorsheyneysaa inay ka dhigto tirada ilaa 700 sanadkan 2013ka.
FM









