
Maxamed Xuseen oo ah ehelada labo gabdhood ee ugu dambeeyey ee ku dhacay webiga Buurdhuubo ayaa Ergo uga war ramay xaaladda murugada iyo cabsida leh ee waalidiinta Buurdhuubo la soo deristey, isagoo sheegayna dad deggan Buurdhuubo iyo Malkaahidaa labo asbuuc gudahooda in ay ku waayeen ilaa 8 caruur ah, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka mid ahaayeen ardayda wax ka barata dugsiyada Buurdhuubo.
Kuma koobna qura Buurdhuubo halista webiga iyo waxyeeladiisa sidoo kale gudaha degmada Baardheere iyo tuulada Mataano oo ka tirsan Baardheere ayaa maalmo ka hor waxaa webiga Jubba si gooni gooni ah ugu geeriyoodey ilaa labo wiil, kuwaasi oo ku dabaalanayey webiga.
Cabdi Maxamed Kadaan oo ka mid ah takhaatiirta caafimaadka gobolka Gedo oo aan weydiiyey sida wax looga qaban karo dhibaatadan soo wajahdey carruurta ku dhimanaysa webiga ayaa sheegay sida keliya ee wax looga qaban karo in ay tahay waalidiinta oo carruurtooda u dira dugsiyada waxbarashada, lana socda dhaq dhaqdhaqaaqooda.
Dr. Cabdi Kadaan ayaa wuxuu ka warramay dhibaatooyinka caafimaad darro ee ka dhasha markii webiga uu guro wuxuuna yiri ” Marka uu biyo yareeyo webiga xilliyada jilaalka ee bilaha Maarso iyo Abril, uuna badan yahay isticmaalka biyaha oo ay dadku iyo duunyaduba u baahn yihiin waxaa ka dhasha cudurro, sida shuban biyoodka.
Dhinaca kale dhibaatooyinka ka taagan biyo yaraanta webiga waxay keentay in ay soo baxaan Yaxaasyo tiro badan oo faro kulul ku haya dadka iyo duunyada, iyadoo dhibaatadii ugu dambeysayna ay la soo deristey dad beeraley ah oo deggan tuulooyinka Mardha, Shimbiroole, Afyar, Xagar-buule, Serinley halkaasi oo Yaxaasyo ay ku qaadeen xoolo ka badan ilaa 15 neef, halka dhowr ruuxna ay soo gaareen dhaawacyo sida uu Ergo u xaqiijiyey Cali Maxamuud Cali oo ka mid ah odoyaasha tuulada Afyar.
Dhimashada carruurtani iyo dhibaatooyinka kale ee ka taagan webiga ayaa ah tii ugu badneyd ee mudo labo asbuuc ah laga dareemo degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere, waxayna ku soo beegmaysaa xilli biyaha webiga Jubba ay u muuqdaan kuwo midabkoodu uu is bedelay, webigana intiisa badan waa banaan, inkastoo meelaha qaar ay yihiin moolal dadka u dhuunta oo markay galaan liqa.
Saalixi/AM/MH










