Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Barakacayaasha bariga Boosaaso oo hooy loo dhisey.

Radio Ergo by Radio Ergo
March 1, 2013
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankQoysas dhan 2,172 oo kamid ah barkacayaasha ku nool duleedka bari ee magaalada Boosaaso ayaa ka faa`ideystey dhismaha guryo ka sameysan jiingado oo ay dhiseen hey`adaha samafalka. Guud ahaan dadka hoyga heley waxay gaarayaan 13,032, maadaama qoys walba uu ka koobnaa 6 qof.

Mashruucaan guryaha loogu dhisey barakacayaasha Boosaaso waxaa iska kaashanaya hay`adaha UNHCR, CHF,ECHO iyo NMFA, waxaana mashruucan la soo mariyey hey`adda isku dubaridka arrimaha bani`aadannimada QM ee UNOCHA, iyadoo ay fulineyso hey`adda NRC.

Maxamuud Siciid Nuux waa sarkaal ka tirsan xafiiska hey`ada UNOCHA ee gobolka Bari isagoo ka warbixinaya faa`iidada laga dhaxley guryaha  wuxuu yri “Markaad qiimeyn ku sameysid buushashkii ay ku nolaayeen dadkan iyo guryaha ay hadda deggan yihiin waad dareemi kartaa farqiga udhaxeeya, dadkani waxa ay ka nabad galeen dabkii ka kici jirey buushashka, waxay ka soo tosaan guri leh daaqado iyo albaabo oo la mid ah guryaha magaalada, waxaa qorshaha ku jira in dadka harayna guryo loodhiso“

Qaar kamid ah dadka barakacayaasha ee ku nool kaamamka bariga Boosaaso ee loo dhisey guryaha ayaa siweyn usoo dhaweeyey tallaabadan.

“ Cilmiyo Maxamed Yaroow ayaa la idhahaa waxaan ka imid Buur hakaba, aad ayaan ugu faraxsanahay guriga la iidhisey, horey buush ayaan u degnaa waxaan ku qabney dhibaatooyiin, laakiin guryahan jiingadaha ah waan ku nabad galney, maxaa yeeley waxaan uga bad baadney gurigan kufsigii iyo roobabkii“

Nin ka mid ah dadka halkaas guryaha laga siiyay ayaa isaguna yirin “ Sheekh Maxamed Sheekh Cali ayaa la idhahaa aad iyo aad ayaan ufiicannahay hadii guryahan naloo dhisey, awal waxay aheyd in carruurta marka looga tago guryaha buushashku ay dab qabsadaan, hadda taas waan ka badbaadney, sidoo kale waxaan ka badbaadney roobkii, qorraxdii iyo kufsigii dumarka“

Kaamamka la isku yiraahdo Bariga Boosaaso ee kuyaal duleedka bari ee magaalada ayaa kakooban iskudarka in ka badan 20 xero oo laga soo rarey daafaha iyo bartamaha magaalada ka dib markii muran iyo is qabqabsi uu ka dhashey dhulkii ay horey u deganaayeen barakacayaashu. Dadaal dheer oo ay sameeyeen hey`adaha samafalka iyo maamulka Puntland ka dib ayaa lagu guuleystay in la helo dhul banaan oo la dajiyo barakacayaasha kaasoo looga dhisey guryo ka smeysan jiingado.

Barakacayaasha ku nool Boosaaso waxay kor udhaafayaan 60,000 waxaana ay isaga kala yimaadeen gobolada dalka uu ka kooban yahay iyagoona ka soo cararey dhibaatoooyiin jira sida colaadaha iyo abaaraha.

Axmed Somali/MH/AM

Previous Post

SICIRKA IIBKA XOOLAHA EE GOBOLLADA GEDO, BAY IYO JUBBADA DHEXE

Next Post

TOBAN CARRUUR AH OO KU HAFATAY WEBIGA JUBBA

Related Posts

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas markii labaad barakacay sanadkan oo Jubbada hoose ku wajaha xaalad nolol xumo

June 23, 2026
Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Haween ka soo kabtay ganacsiyo ka burburay markii la siiyay lacag amaah ah

June 19, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qiimo la’aanta ku dhacday lacagta dalka oo wiiqday rajada ganacsatada Baydhabo

June 18, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku nool Dhuusomareeb oo nolol xumo haysay uga baxay ka ganacsiga birta duugga ah

June 15, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Next Post
TOBAN CARRUUR AH OO KU HAFATAY WEBIGA JUBBA

TOBAN CARRUUR AH OO KU HAFATAY WEBIGA JUBBA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 25-JUN-2026

IDAACADDA 25-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 25-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-JUN-2026
June 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-JUN-2026
June 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-JUN-2026
June 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-JUN-2026
June 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JUN-2026
June 21, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo