
Dalka waxaa ka hirgelay Jaamacado, kuwaas oo helayay arday farabadan gaar ahaan dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay, ardayda kala duwan oo jaamacadahaas ka qalinjabaisay oo fursado shaqo ka helay isla dalka gudihiisa ayaa waxa ay dhiirigeliyeen in arday badan ay bilaabaan waxbarashada sare.
Marka la eegayo jaamacadaha Soomaaliya, oo ka soo dhalaalay waddan ay colaado ragaadiyeen ayaa haddana waxa ay ka jiraan qiimeyn wanaagsan heerarka lagu qiimeeyo Jaamacadaha Afrika. Haddana wali waxaa soconaya dadaallo ay ku doonayaan jaamacaduhu iney kaga miro dhaliyaan hannaanka ay wax ku barayaan ardayda ay doonayaan iney soo saaraan.
Jaamacadahan ayaa waxa ay ardaydooda wax ku baraan luuqadda Carabiga iyo Ingiriiska maadaama aanu jirin manhaj Soomaaliyeeysan oo ay dowladda Soomaaliyeed soo diyaarisay balse mar walba Jaamacadaha ayaa dadaalkooda ku helaya ammaan iyo bogaadin sababtoo ah qiimaha waxbarashadooda oo ah mid macquul oo jaban noqon karana iney dad badan ka faaiideystaan iyo heerka tacliinta ay bixiyaan oo wanaagsan, waxaana kaloo jira arday kale oo iyagu aanan awoodin kharashkaas ha yaraado amaba ha badnaadee.
Jaamacadahan ayaa waxa ay ardaydooda siiyaan waxbarasho maalinle ah (Part Time), taa oo u saamaxday in kuwa badan oo shaqeeya ay helaan fursado ay waqtigooda kaga faaiidaysan karaan
ardaydu intooda badan waxay ahaayeen kuwa suga deeq qaxbarasho oo banaanka ah (In yar oo iyaga kamida ayaa ka faa’iideysan jirtya), hadase waxaad moodaa intaa hormar laga gaarayo.
Cabd-Sitaar Xasan Cali oo ah arday hada ka diyaarinaya Shahaadada Bachelor-ka Jaamacada Muqdisho ayaa qaba in inkasta oo ay dhibaatadeeda leedahay jaamacadaha aaney ka shaqeyntooda dalka waxba ku xirneen oo hadba ninkii damcaa furanayo, ay haddana dhinac wanaagsan iyo dhinac xunba u leeyihiin ardayda Soomaaliyeed.
Sida ay Ergo u sheegeen maamulayaasha jaamacadaha qaar, ee ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku dhiirradeen in markii wax xoogaa xaaladda dalka ay soo hagaagtay, ayna helaan qalab ku habboon ay hadda ku dhiirradeen in ay billaabaan waxbarashada darajada Masterka.
Xuseen Cismaan Axmed, madaxa Academy-yada Jaamacada Soomaaliya ayaa u sheegay Ergo iney ardaydii ugu horreeysay oo ah Master Degree ay ka qalan jibiyeen Jaamacada Soomaaliya sanad ka hor.
Ardayda qaar arrinkaa waxay u arkaan iney u tahay nasteexo kusoo doonatay hoygooda, waliba kuwa ay waqtigaan ku adag tahay iney dibadda u waxbarasho doontaan, haba ugu badnaadeenee dadka ka shaqeeysta gudaha.
Nuur Cali Faarax/MG









