
Taliye ku xigeenka ciidamada gobolka Sool ee maamulka Somaliland Cabdillaahi Siciid Guuleed ayaa ka warbixiyay labada nin ee falkan loo soo qabtay, wuxuuna yiri “Baaritaan dheer ka dib, labadan nin waxaan kasoo qabannay meel ka yara durugsan halka uu falku ka dhacay, waxaana mid ka mid ah jirkiisa ka muuqday dhiig, haddana baaritaanku weli wuu socdaa.”
Aabbaha dhalay gabadhaan, Xuseen Warsame ayaa inooga warramay goorta iyo sidii ay arrintu u dhacday, wuxuuna yiri “23kii bishan Desembar ayay gabadhu buurta Lafweyne daaqsin u geysay riyo, fiidkii ayay riyihii keligood guriga ku soo laabteen, balse iyadu waanu weynay, raadin ka dib waxaanu ka helnay gudaha buurta iyadoo la kufsaday ka dibna la gowracay, runtii aad baan uga naxnay falkaasi foosha xun.”
Seynab Maxamed, waa umuliso ku sugan deegaanka Lafweyn oo baaritaan ku sameysay kufsiga gabadha loo geystay ayaa waxay tiri “Markii aan baarnay waxaan aragnay in gabadha la kufsaday, oo waliba loo adeegsaday toorreey.”
Falkan naxdinta leh ayaa noqday mid ay si weyn u hadal hayaan dadka deegaanka, iyadoo uu yahay falkii ugu horreeyay noociisa ee ka dhaca halkaas.
Nimca-ayaan Maxamuud Ciise/FM/AM










