Fatahaaddii uu dhowaan sameeyay wabiga shabelle ee gobolka Hiiraan, Bartamaha Soomaaliya, ayaa lasoo sheegayaa inay sare u sii kacayso qoysaska ku barakacaya, kuwaasoo gaaraya meelo ka baxsan goobaha ay fatahaaddu saamaysay.
Xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyn, ayaa ka mid ah goobaha ay saaamaynta weyn ku yeelatay fatahaadda, iyadoo halkaasi ay ka barakaceen qoysas aad u badan, dadkii ka barakacay Beledweyn ayaa gaaray goobo ay kamid yihiin Ceel jaalle, Garoonkii diyaaradaha hore,Buulo Yaaquub,Raadeerka iyo Buulo xuubeey oo dhammaantoodba duleedka ka ah degmada Beledweyn .
Qoysaska gaaray degaannadaasi aan soo sheegnay ayay haystaan dhibaatooyin bini`aadannimo, kuwaasoo ay kamid yihiin Hoy la`aan, musqul la`aan,dhanka biyaha,cunnada, mara kaneecooyin iyo daawo, waxaa ka jirta halkaasi dhibaatooyin kala duwan oo saameeyay dadka .
Weriyaha Raadiyo Ergo ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Salaad ayaa ku soo warramaya in hay`adda ICRC ay 1`500 oo qoys ay gaarsiisay gargaar isugu jira maacuun, bustayaal iyo waxyaaba kale, sidoo kale hay`adda UNICEF ayuu soo sheegay in iyaduna ay gaarsiisay qoysaskaasi agab isugu jira maacuun iyo bustayaal.
Russell Geekie, oo ka tirsan xafiiska QM ee isku dubaridka arrimaha bani`aadannimada OCHA, ayaa sheegay in daadadka uu sababay wabiga Shabelle ee gobolka Hiiraan ay tahay mid iska caadi ah oo mararka qaar dhacda, balse loo baahnaa in dadku ay kasii taxadaraan.
Mr Geekie ayaa sheegay in illaa 3,500 oo qoys ay ka barakaceen magaalada Baladweyne, halka tiro kalana ay ku dhinteen daadadka.
Saraakiisha dowladda ee ku sugan halkaasi ayaa ugu baaqay hay`adaha gargaarka inay caawiyaan dadkii ay waxyeellada kasoo gaartay daadadka.
Daadadkaasi ayaa laga yaabaa inay burburiyaan dalagyada miraha beeraha ee gobolka , ayna sababaan dillaacitaanka cudurka duumada iyo cudurrada kale ee ka dhasha biyaha.
AA/FM