Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Wiil dhalinyaro ah oo qalabka calaamadaha garoomada soo saaray

Radio Ergo by Radio Ergo
September 11, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
Wiil dhalinyaro ah oo qalabka calaamadaha garoomada soo saaray
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank11 September, 2012 LAASCAANOOD Aaladdan calaamadda ah oo uu wiilkan dhalinyarada ah soo saaray ayaa waxa loo isticmaalaa garoomada ciyaaraha, iyadoo ay ku qaadatay inuu farsameeyo mudo labo sano ah.

Cabdulqaadir Maxamed Jaamac, oo ah wiilkan qalabkan soo saaray ayaa sheegay in howshan uu ku bixiyay maskax badan iyo dhaqaale, tanoo ay ku dhiirrigelisay sida uu sheegay inuu qalabakan sameeyo, maaddaama ay sidoo kale jiraan baahida ka jirta garoomada magaalada Laascaanood iyo deegaannda hoosyimaada

Wiilkan ayaa sheegay inay la yaab ku noqotay markii uu soo saaray qalabkan, oo uusan fileynin in aalad heerkaas gaarsiisan uu soo saari karo.

Cabdulqaadir oo sharraxaad ka bixinaya taariikhdiisa shaqo ayaa wuxuu Ergo u sheegay “Aniga waxaan aqaan farsamada dabka waana fursada ii saamaxaday inaan

dadka uga faa`iideeyo aqoontayda dabka aan u leeyahay gaar ahaan dhalinyarada deegaanka, inay iga helaan qalab casri ah oo ay u isticmaali karaan garoomada,”

Mar aan wax ka waydiinnay shaqada qalabkan iyo sida loo isticmaalayo ayaa wuxuu sheegay in qalabkan calaamadda ah uu awood u leeyahay in isagoo lambarkiisa la muujinayo ciyaaryahan kasta looga yeero garoonka dhexdiisa xilliyada isbeddelka ciyaartoyda, isagoo qoraya tirada oo isbarbar taalla sida 6-7.

Inkastoo Cabdulqaadir isagoo aanan haysan mashiin ama aalad farsamo oo casri ah uu soo saaray qalabkan ayaa haddana wuxuu ku rajo weynyahay in aaladdan calaamadda ah ay wax weyn ku soo kordhin doonto deegaanka uu ku nool yahay.

“Wax badan ayuu soo kordhin karaa qalabkan waayo markii hore waxaa dadka marka la kala beddelayo loogu yeeri jiray foorida, taasoo qaadan jirtay muddo dheer haddana hakad gelin jirtay hannaan socodka ciyaarta.” Ayuu yiri wiilkan.

Muddada Cabduqaadir uu farsamaynayay qalabkan ayaa wuxuu kala kulmay caqabado door ah, isagoo sheegay in xitaa xilliga qaar ay ku adkaan jirtay inuu sii wado farsamadiisa, balse wuxuu tilmaamay in go’aankiisa la xiriiray inuu gaaro himiladiisa uu ku hanminayay ay taasi ka adkaatay.

Cabdulqaadir Maxamed Jaamac oo ay ku soo xoomeen dhalin badan ayaa ugu dambeyntii tilmaamay inuu doonayo inuu u mahadceliyo dhammaan taageerayaasha ciyaaraha ee gobolka Sool.

Sida uu aaminsanyahay Cabdulqaadir, waa nin dhalinyarada deegaankaasi wax ku soo kordhiyay, isagoo tilmaamay in qalabkiisa uu gaarsiin doono dhammaan bahda jecel ciyaaraha si ay uga faa`iidaystaan.

 

Cabdikariim Olol/MG/FM

Previous Post

Doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo maanta dhacaysa

Next Post

Xasan Sheekh Maxamuud waa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xasan Sheekh Maxamuud waa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Xasan Sheekh Maxamuud waa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo