Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Danjiraha dalka u fadhiya QM oo bogaadin iyo dardaaran u diray madaxweynaha cusub

Radio Ergo by Radio Ergo
September 12, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Keydka sawirrada Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
12 September, 2012 NAIROBI

Iyadoo dhowaan loo doortay Soomaaliya madaxweyne cusub ayaa waxaa isa soo taraaya taageerada iyo hambalyada loo jeedinayo madaxweynaha cusub ee la doortay mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasoo ay dirayaan dadweynaha Soomaaliyeed iyo madaxda beesha caalamka.

Diblomaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa ku ammaanay mudane Xasan Sheekh Maxamuud doorkiisii 21-kii sano ee la soo dhaafay uu ka qaatay arrimaha bulshada, gaar ahaan waxbarashada iyo samafalka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta qaramada midoobay ay ku leedahay magaalada Geneva, Yuusuf Maxamed Ismaaciil Bari bari, ayaa wuxuu hambalyo u diray madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Pro. Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoonka cusub ee baarlamanka, isagoo u rajeeyay inuu Ilaahay la garab galo xilalkooda.

Dr. Bari bari oo ku sugan magaalada Geneva oo u warramayay idaacadda Ergo ayaa sheegay in madaxweyne Xasan uu wax badan ka ogyahay xaaladda Soomaaliya, oo uu leeyahay karti aqooneed iyo mid waayo aragnimo oo ku filan.

Isagoo ka hadlayay hannaanka baarlamaanka cusub uu u doortay hoggaanka sare ee dalka ayaa wuxuu danjiruhu tilmaamay in doorashada ay ahayd mid u dhacday si wanaagsan oo nadiif ah, taasoo uu sheegay in ay astaan wanaagsan u tahay in Soomaaliya ay u bislaatay nabad iyo horumar.

“Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa ra`iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Dr. Cabdi wali Maxamed Cali Gaas oo aan leeyahay waa geesi Soomaaliyeed oo u soo dhabar adaygay ka mira dhalinta iyo geeddi socodka nabadda ee Soomaaliya,” ayuu Yiri Dr. Bari bari.

Dr. Bari bari ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta haysato fursad aad qaali u ah, taasoo uu sheegay in beesha caalamku ay Soomaliya ka sugayso isbaddel dhaxal gal ah.

“Dowladda cusub ee Soomaliya waa inay la timaaddaa qorshe la taaban karo, waa in gobollada dalku ay helaan adeegyadii bulshada ee daruuriga ahaa iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo horumar la taaban karo ,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Danjiraha ayaa intaas ku daray in dowladda Soomaaliya looga fadhiyo biseyl siyaasadeed iyo wax qabad la taaban karo, isagoo ka hadlayay waxyaabaha horyaalla madaxweyanaha cusub Xasan Shiikh Maxamuud, ayuu sheegay in madaxweynaha uu yahay shakhsi Khibrad dheer u leh howlahaan iyo la macaamilka beesha caalamka iyo wax u qabadka umadda Soomaaliyeed gaar ahaan waxbarashada , wuxuuna ilaahay uga baryay inuu ku guuleysto arrimahaas.

“ U maleyn maayo in madaxweyne Pro. Xasan Shiikh uu u baahan yahay talo, laakiin wuxuu baahan yahay taageero, waxaana aan sidaa u leeyahay Pro. Xasan waa nin leh aqoon khibrad iyo waaya aragnimo, keliya wuxuu u baahan yahay ayaan leeyahay ayaan dhihi lahaa waa in la siiyaa taageero, in lala shaqeeyo oo la garab istaago,shacabka Soomaaliyeed 99% way ka daaleen fawdo dagaal iyo bahdilid lagu sameeyo Soomaalida ku nool dibadaha, waxaanan filayaa in madaxweynuhu uu dareensan yahay arrimahaasi oo dhan.” Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay danjire Bari bari, danjiraha xarunta qaramada midoobay ee Gineva u fadhiya Soomaaliya.

Danjiraha oo ka hadlayay arrimaha xuquuqda aadanaha ayaa intaasi ku daray in xiriirro badan uu la sameeyay danjirayaal badan oo ka kala socday caalamka, isagoon sheegay inuu billowday shirwaynihii 21-aad ee xuquuqul insaanka ee qaramada midoobay.

Cabdisamad Cabdulqaadir/MG/FM

Previous Post

Xasan Sheekh Maxamuud waa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Next Post

Kenya iyo Tanzania oo soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Xarun lagu xannaaneeyo gabdhaha agoonta ah oo laga furay Boondheere

Kenya iyo Tanzania oo soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo