Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

DOWLADDA KMG AH EE SOOMAALIYA OO SAXIIXDAY HESHIISKA JOOJINTA ASKAREYNTA CARRUURTA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
July 4, 2012
in Arrimaha Bulshada
0
DOWLADDA KMG AH EE SOOMAALIYA OO SAXIIXDAY HESHIISKA JOOJINTA ASKAREYNTA CARRUURTA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankDowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa saxiixday heshiis lagu soo afjarayo askaraytna carruurta, qaraarkaan oo uu saxiixay Raysal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ayaa ujeeddadiisu ahayd in ciidamada qaranka Soomaaliya gebi ahaanba aan loo qori karin carruur, iyadoo saxiixa qaraarkaani ka dhacay shirkii kooxda xiriirka caalamiga ah Soomaaliya ugu soo gebageboobay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, waxaa qaraarkaan dhiniciisa ka saxiixay u qaybsanaha Qaramada midoobay arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga.

Qaraarkaan ayaa dowladda Soomaaliya uga gol leedahay sidii Qaramada midoobay ay uga saari lahayd liiska qaybaha ku lugta leh askaraynta carruurta. Laga soo billaabo sanadkii 2007 dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa lagu eedaynayey inay u qorato carruur aad u yar yar una adeegsato dagaallada.

“Saxiixa heshiiskan wuxuu wax weyn ka baddali doonaan hannaanka xoogagga ammaanka, wuxuuna door wyen ka qaadan doonaa dadaallada lagu doonayo in lagu xasiliyo Soomaaliya.” Sidaa waxaa yiri ergayga QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Augustine Mahiga.

Ururradda u dooda xuquuqda carruurta ayaa iyaguna si niyadsami leh u soo dhoweeyey go`aankaas lagu joojinayo askaraynta carruurta. “Carruurta Soomaaliyeed waxaa la wada ogyahay in 20-kii snao ee la soo dhaafay la askareynayay, iyadoo diinta islaamka iyo xuquuqda bani`aadamkaba aysan ku bannaaneyn in carruur yar yar oo aan qaan gaarin dagaal la geliyo marka waan soo dhoweyneynaa arrintaan,” Diktooreeso Nuurto Sheekh Maxamuud oo ah madaxa ururka daryeelka qoyska iyo carruurta SFCC oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho ayaa sidaas u sheegtay Raadiyo Ergo.

Inta badan carruurta Soomaaliyeed ee gudaha dalka ku sugan ayaa qabta shaqooyin aysan u bisleyn oo ay askareyntu ka mid tahay, kuwaasoo ay ku kallifaan duruufaha nolosha ee heysta qoysaskooda iyagoo aan aadin goobaha waxbarashada.

“Inta badan carruura waxaa u geynayay duruufo jira oo dalka shaqooyin wanaagsan kama jiraan, marka qoysku uu soo wajaho duruufo dhaqaale canuggana uu soo roonaado waxay duruuftu ku kallifeysay inuu qori qaato oo uu dagaallamo, marka heshiiskan joojinta askareynta carruurta ee dowladdu ay saxiixday wax badan buu ka baddali doonaa mustaqbalka carruurta.” Ayay tiri Diktooreeso Nuurto.

Dhanka kale, Radhika Coomaraswamy, oo ah wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha carruurta ayaa soo dhoweysay heshiiskan ay dowladda Soomaaliya saxiixday ee joojinta askareynta carruurta, waxayna sheegtay inay muhiim tahay in Soomaaliya ay dhaqan geliso heshiiskaas.

Iyadoo carruurta Soomaaliyeed ay la derseen dhacdooyin naxdin leh oo ay keeneen dagaallada 20-ka sano socda, ayaa qodobkaan dowladdu saxiixday siinayaa rajo ah inay carruurtu ka badbaadaan markale dhibaatooyin sidoo kalena ay helaan fursado ay ku aadaan goobaha waxbarashada, taasoo niyad sami u ah mustaqbalka jiilasha soo koraya  ayay warbixin Qaramada midoobay ka soo saartay sixiixii heshiiskaas dhammaynta askaraynta carruurta Soomaaliya ku sheegtay.

MH/FM

Previous Post

Qaxootiga ku nool xeryaha dhadhaab oo soo dhoweeyay soo badbaadintii samafalaasha NRC

Next Post

Hubka yar yar oo dhibaato ku haya ammaanka kenya

Related Posts

blank
Arrimaha Bulshada

Dhallinyaro dib ula midoobay qoysaskooda markii laga bixiyay daymo ay u xirnaayeen

January 6, 2026
Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab
Arrimaha Bulshada

Nolol xumo ka dhalatay isticmaalka maandooriye oo ku batay Dhadhaab

June 12, 2025
Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Geel dhaqashada casriga ah oo fursad dhaqaale u abuurtay rag ku baraarugay

May 15, 2025
Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo
Arrimaha Bulshada

Sanaag: Danyar la baray Xirfado u horseeday in ka soo kabtaan xaalad nolol xumo

April 2, 2025
Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar
Arrimaha Bulshada

Baydhabo: Shaqo nadaafad oo fursad soo kabasho u noqotay qoysas danyar

April 1, 2025
Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo
Arrimaha Bulshada

Galmudug: Macalimiin ka saaray qoysaskooda nolol xumo markii ay heleen fursad shaqo

March 20, 2025
Next Post
Qeybta Saddexaad Ee Barnaamijkii Tiiraanyo Tahriib

Hubka yar yar oo dhibaato ku haya ammaanka kenya

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo