Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qaxootiga ku nool xeryaha dhadhaab oo soo dhoweeyay soo badbaadintii samafalaasha NRC

admin by admin
July 3, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Qaxootiga ku nool xeryaha dhadhaab oo soo dhoweeyay soo badbaadintii samafalaasha NRC

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter
blank
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Dadka ku nool xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa si diirran usoo dhoweeyay tallabadii lagu soo badbaadiyay shaqaalihii samafal ee u shaqeynayay hay`adda NRC, kuwaasoo 29-kii June ay kooxo hubeysan ka afduubteen xerada Ifo2 ee ku taalla Dhadhaab.

Afartaan qof ee ajaanibta ah una kala dhashay dalalka Norway, Canada, Pakistan iyo Filipiin ayaa lagu soo badbaadiyay  howlgal cirka iyo dhulka ah kaasoo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda KMG ah, kuwa Raaskaambooni iyo kuwa militariga Kenya, waxaana howlgalkaan uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cali-bulley oo qiyaastii 60km u jira degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Ururka hooyooyinka xerada Xagardheer ayaa u damaashaaday soo badbaadinta samafalayaashaasi, “Annaga haddaan qaxooti nahay, nabad gelyada ayaan quudannaa oo la`aanteed wax adeeg ah ma heleyno, sidaa darteed aad baan uga xunnahay shaqaaqooyinka ka dhacaya xeryaha aan ku sugannahay, waxaan kaloo rajeynayaa in haweenkii MSF u shaqeynayay ee iyagana weli afduub lagu heysto in la soo furto.” Sidaas waxaa tiri mid ka mid ah hooyooyinkaasi.

Hooyooyinkan ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin talaabadaas lagu soo badbaadiyay samafalayaasha NRC, isla markaana falalkan ammaan darrada ay saameyn weyn ku yeelato oo loo xirxiro loona dhibaateeyo dadka qaxootiga ah, iyagoo lagu eedeynayo inay iyaga ka dambeeyaan.

Marka falal afduub iyo ammaan darro ay ka dhacaan xeryaha qaxootiga Dhadhaab, waxay saameynteeda kusoo laabataa dadka qaxootiga ah “Marka samafalayaashaas la afduubtay waxaa nalaga goostay raashiinkii nala siin jiray, adeegyadii gargaar ee aan heli jirnay sidoo kale ma heleyno, marka aad baan uga xunnahay falalkaas samafalayaasha lagu dhibaateynayo.” Sidaas waxaa tiri hooyo Caasho oo aad u warrameysay Raadio Ergo.

Cabdinaasir Seeraar oo ah afhayeenka ciidamada ururka Raaskaambooni oo u warramayay Raadiyo Ergo ayaa sheegay in laga soo billaabo maalintii ay kooxaha hubeysan afartaan qof ay ka soo afduubteen xerada Dhadhaab  ay ciidamadoodu wadeen howlgallo ay ku baadigoobayaan, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay soo sheegaan haddii dad afduub loogu heysto deegaankooda.

Falalka afduubka iyo weerarka loo geysanayo shaqaalaha gargaarka ee ka howlgala xeryaha qaxootiga Dhadhaab, ayaa bilihii ugu dambeeyay kusoo badanayay gudaha xeryahaasi.

Farxaan Xasan Lafoole/FM

Previous Post

ICRC OO SHEEGTAY IN WELI NAFAQO DARRO IYO CUNTO YARAAN AY KA JIRTO SOOMAALIYA

Next Post

DOWLADDA KMG AH EE SOOMAALIYA OO SAXIIXDAY HESHIISKA JOOJINTA ASKAREYNTA CARRUURTA

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
DOWLADDA KMG AH EE SOOMAALIYA OO SAXIIXDAY HESHIISKA JOOJINTA ASKAREYNTA CARRUURTA

DOWLADDA KMG AH EE SOOMAALIYA OO SAXIIXDAY HESHIISKA JOOJINTA ASKAREYNTA CARRUURTA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo