Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

ICRC OO SHEEGTAY IN WELI NAFAQO DARRO IYO CUNTO YARAAN AY KA JIRTO SOOMAALIYA

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
July 2, 2012
in Cunto-Yaraanta
0
ICRC OO SHEEGTAY IN WELI NAFAQO DARRO IYO CUNTO YARAAN AY KA JIRTO SOOMAALIYA
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHay`adda caalamiga ah ee laanqayrta cas ayaa sheegtay in tiro badan oo ka mid ah dadka Soomaaliya ku nool ay weli haysato cunto yaraan iyo nafaqo darri baahsan, iyadoo sanad laga joogo xilligii abaartu ku dhufatay waddankaas, Olivier Humbert Droz oo ah ku xigeenka hawlgalka laanqayrta cas ee Soomaaliya ayaa magalada Geneva ka soo saaray qaylo dhaanta ku aaddan xaddiga macaluusha iyo nafaqa darrida haysata dadka Soomaaliyeed oo weli sii koreeysa, iyadoo dagaallada iyo qulqulatooyinka kale ay dadka ku qasbayaan inay ka cararaan guryahooda, dagaalladaas oo curyaamiyey wax soo saarkii iyo dhaqdhaqaaqii ganacisga.

ICRC ayaa amaantay dadaalkii hay`adaha gargaarka iyo dalaggii ka soo baxay beeraha xilligii dayrta oo hoos u dhigay baaxadda macaluushii jirtay sanadkii hore, ayaa haddana Soomaali badan ay  mar kale waayayaan waxay ku noolaan lahaayeen, sida uu sheegay Olivier.

Roobkii guga oo ka hooseeyey intii la filayay meelaha qaarna uusan kaba di`in ayaa sidoo kale khatar geliyey kumannaan qof oo noloshoodu ku tiirsanayd tacabka beeraha iyo xoolaha, waxaana intaas u sii raaca qulqulatooyinka oo si baahsan u socda iyo xaaladaha ammaan oo liita. Illaa intii ay billaabatay abaarta iyo nafaqadarri is watay sanadkii 2011- ICRC waxay si joogto ah u taakulaynaysay hay`adda bisha cas ee Soomaaliya, iyadoo gargaar la gaarsiiyey 2 milyan oo qof kuna kala nool koonfurta, bartamaha iyo Puntland.

ICRC ayaa sheegtay inay ka jawaabayso baahiyaha degdegga ah iyo hannaanka soo kabashada waqtiga dheer dadka ay nugleeyeen abaaraha iyo colaadaha, sida uu sheegay Maxamed Sheekh Cali oo ah agaasimaha ICRC  ee dhinaca kobcinta dhaqalaaha ee Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in ujeeddada ICRC ay tahay sidii uu qofku cagihiisa isugu taagi lahaa dhaqaale ahaan, taasina tahay tan ay ka shaqaynayaan inay horumariyaan, iyadoo dadka baahan la siinayo cunto ay baahidooda ku haqab tiranayaan muddo lix bilood ah ugu yaraan.

Marka dhinaca cuntada laga soo tago, ICRC waxay taakulaysaa dadaallada bulshadu wadaan ee ay ku joogtaynayaan horumarka noloshooda, sanadihii la soo dhaafayna waxaa fursadahaan ka faa`iidaystay 640,000 oo qof kuwaasoo iyaga laga caawiyey sidii ay u kordhin lahaayeen wax soo saarkooda beeaha.

Hay`adda laanqayrta cas ayaa gargaarka Soomaaliya ka shaqaynaysay labaatankii sano ee dagaallada iyo barakacu ka jiray Soomaaliya.

Maxamed Xasan/FM

Previous Post

MAXAA LAGU HORUMARIN KARAA KALLUUMAYSATADA SOOMALIDA?

Next Post

Qaxootiga ku nool xeryaha dhadhaab oo soo dhoweeyay soo badbaadintii samafalaasha NRC

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
Qaxootiga ku nool xeryaha dhadhaab oo soo dhoweeyay soo badbaadintii samafalaasha NRC

Qaxootiga ku nool xeryaha dhadhaab oo soo dhoweeyay soo badbaadintii samafalaasha NRC

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo