Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

MAXAA LAGU HORUMARIN KARAA KALLUUMAYSATADA SOOMALIDA?

Hemed Abdiaziz by Hemed Abdiaziz
June 29, 2012
in Cunto-Yaraanta
0
MAXAA LAGU HORUMARIN KARAA KALLUUMAYSATADA SOOMALIDA?
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blankHay`add dhinaca gargaarka ah fadhigeeduna yahay waddanka Talyaaniga lana yiraahdo CESVI ayaa soo bandhigtay laba warbixinood oo muddo ay baadhis ku samaysay, kuna aaddanaa dhibaatooyinka dhinaca kalluumaysi ee haysata dadka ka jilaabta xeebaha Somaliland, iyadoo CESVI ay sheegtay in qalabka oo ku yar, xirfadaha jilaabashada oo kooban iyo hannaanka suuq geynta kalluunka oo liidata ay tahay dhibaatooyinka badi hortaagan wax soo saarka dhinaca kalluumaysiga ee xeebaha Soomaaliya. Baadhitaankaan oo ay gacan ka geysteen jaamacadda Camuud iyo hay`adaha Candlelight Foundation, Marine Development Partnership and ADO, waxaana maal geliyey midowga Yurub oo isagu ah deeq bixiyaha ugu ballaaran ee waqtigaan Soomaaliya mashaariicda horumarineed ka fuliya. Iyadoo hay`addani ay niyadsami ka muujisay haddii si hagaagsan loo tayeeyo xirfadaha kalluumaysiga ay wax badan ka tari karto saboolnimada ba`an ee haysata bulshada Soomaaliyeed.

Daraasaddan ayaa u kala qaybsanayd, baadhitaan lagu sameeyey siday u jilaabtaan kalluumaysatadu, nolosha bulshooyinka xeebaha ku nool, deegaan ahaan iyo asaaskooda nololeed gaar ahaan degmooyinka Lughaya iyo Bulaxar

Ruta Nimkar oo ah madaxa fulinta ee Cesvi Somaliland oo Raadiyo Ergo u warramysay ayaa sheegtay, “Waxaan ka shaqaynaynaa waa sidii loo dersi lahaa hannaan sugan oo dhinaca deegaanka ah, laguna horumarin lahaa nolosha, waxaana shaqadaan u qabannay sidaan u xaqiijin lahayn sidii lagu heli lahaa xaqiiqda jirta taasoo dhiirri gelin karta wax soo saarka dhinaca kalluumaysiga, looguna gudbin lahaa deeq bixiyayaasha inay ka caawiyaan kalluumaysatada dhinaca qalabka, helitaanka hannaan wanaagsan oo suuq geyn ay uga helaan waddamada deriska ah.”

Paolo Tosselli oo ururka midowga Yurub u qaabilsan maaraynta haqabeelka cuntada ayaa isaguna goobta ka sheegay in bulshada caalamka la yaab ku tahay Soomaaliya oo xeebta ugu dheer Afrika leh, haddana sanadkasta macaluul ay u dhintaan boqollaal qof, loona yaboohiyo gargaar dibadeed tanoo ah arrin aan marna la qaadan karin.

CESVI ayaa sheegtay in 10-kii sano ee ugu dambaysay xoogaa kor u kac laga dareemayo dhinac wax soo saarka kalluumaysiga, iyadoo noocyada kalluun ee ugu caansan degmooyinka Lughaya iyo Buuloxaar ku sheegay, Sabadin, Saynuud, Suubaan, Qardabo, Gaxash, Laba gadhle, Bayaad, Carabi, Sakhlad, Caydi, Dareeg, Shirwo, Faras Libaas, Baalalay, Aargoosato, Gaanberi, Sanaani iyo Subal baxa.

Dr. Muuse Gaboobe Xasan oo ah khabiir dhinaca kallumaysiga ah kana tirsan Hay`adda cuntada iyo beeraha qaramada midoobay ee FAO ayaa isaguna Raadiyo Ergo u sheegay in saddexdaan qodob ee warbixintu ka hadashay ay ka badan yihiin dhibaatooyinka haysta kalluumaysatada, loona baahan yahay in dhinaca kalluumaysiga laga dhigo tiir la mid ah kan xoolaha iyo beeruhu kaga jiraan nolosha Soomaalida, si haddii buu yiri abaari u saamayso labada dhinac kalluumaysigu u noqdo arrin lagu badbaado.

Kalluumaysatada Soomaalida ayaa lagu tiriyaa inay yihiin kuwa yar yar (Smal scale fishing) mana lahan awood jillaabasho, taas waxaa ka sii daran ma jirto hannaan suuq geyn ama awood iibsi oo bulshada dhexdeeda taasoo u fududayn lahayd inay wax soo saarkooda u helaan goob ay geeyaan, waana mid ka mid ah arrimaha hor taagan in si wanaagsan  looga faa`iidaysto wax soo saarka kalluumaysiga Soomaaliya.

Mohamed Hassan/FM

Previous Post

Qoysas hor leh oo ku barakacay dagaallo ka dhacay Gedo oo dalbaday in la gargaaro

Next Post

ICRC OO SHEEGTAY IN WELI NAFAQO DARRO IYO CUNTO YARAAN AY KA JIRTO SOOMAALIYA

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
Next Post
ICRC OO SHEEGTAY IN WELI NAFAQO DARRO IYO CUNTO YARAAN AY KA JIRTO SOOMAALIYA

ICRC OO SHEEGTAY IN WELI NAFAQO DARRO IYO CUNTO YARAAN AY KA JIRTO SOOMAALIYA

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-MAY-2026

IDAACADDA 15-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-MAY-2026
May 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-MAY-2025
May 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo