
Sanadkii hore bishii June ayaa waxaa sii kordhay mawjadaha dadka Soomaalida ah ee u soo tallaabaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ee waqooyi bari Kenya, kuwaasoo ay soo barakiciyeen abaarihii ba`naa ee waddanka ku dhuftay xilligaas, tanoo ka mid ah dhibaatooyin is xigxigay oo muddo 20 sano ka badan haystay dadka Soomaaliyeed.
Xasaradaha iyo macaluusha ayaa tobnaan kun oo qof ku qasbay inay raadiyaan goobo ay ku badbaadaan, waxaana badankood ay dadkaasi maciin bideen xeryaha qaxootiga ee ku yaalla gobolka waqooyi bari Kenya, iyagoo maalmo badan soo dhex lugaynayey dhul oomane ah ayaa waxaa warbixin ay soo saartay hay`dda UNHCR lagu sheegay inay yimaadaan xeryahaas oo horay u buux dhaafay.
UNHCR ayaa sheegtay in dadka soo gaaraya xeryaha Dhadhaab ay ku jiraan dad qaba xanuunno iyo bukaanno jirkooduna waydoobay, iyagoo sita carruur aad caato u ah oo qaarkood jidka ay kaga soo dhinteen iyo wax aan badnayn oo ay ka soo qaateen guryahoodii.
Hadda oo la joogo bisha June 2012, sanadka ka dib ayaa waxaa wali jira duruufo badan oo adag oo weli ku xeeran dadka Soomaaliyeed, waxaa socda isku dhacyadii hubeysnaa, sidoo kale gobollada koonfurta badi waxaa ku yaraaday robabkii guga kuwaasoo weli ku sii qasbaya inay dad badani ka barakacaan waddanka inkastoo ay ka yar yihiin kuwii sanadkii hore, marka loo eego tirada gaaraysa xeryaha qaxootiga.
UNHCR ayaa sheegtay in afartii bilood ee sanadkaan ay diiwaangelisay 20,000 kun oo qof –kuwaasoo gaaray waddamo ay ka mid yihiin Kenya, Ethiopia, Djibouti iyo Yemen.
Bishii aanu soo dhaafnay xerada Doolow Caddoow ee waddanka Ethiopia oo ay hadda ku jiraan 150,000 oo qof ayaa dadka soo gelaya ay aad kor ugu sii kacayaan tan iyo billowgii bishaas, dadka xeradaas imanayaa ayaa sheegaya inay soo barakiciyeen ammaan darro iyo cunto la`aan, gaar ahaan inay badhtanka u galaan hawlgallada ciidan ee iska soo horjeeda.
Hay`adda UNHCR ayaa sheegtay inay kala shaqaynayso dowladda Ethiopia sidii xeryo ku filan loogu heli lahaa dadkaas.
Dhinaca xeryaha Dhadhaab ayey UNHCR sheegtay inay hadda ku jiraan 460,000 oo qof, waxayna hadda ku sugan yihiin xaalado ammaankoodu uusan wanaagsanayn, qaraxyo dhacaya, toogashooyin, afduub iyo budhcadnimada kale ayaa aad ugu sii kordhaysa, iyadoo hawlihii gargaar ee xeryuhuna ay gaabis ka dhigeen arrimahaasi, waxaana badi dadka cusub gacan siinaya qaxootigii horay muddada dheer u degganaa xerada iyo bulshada deegaanka.
Sanadkii tegay ayaa UNHCR iyo hay`adaha kale ee gargaarka kana hawlgala xeryaha waxaa muhiimaddoodu ay ahayd sidii loo yarayn lahaa dhimashada iyo nafaqa darrida ba`an ee haysatay dadka cusub ee imaanaya xeryahaas, inkastoo ay jiraan barnaamijyo quudin iyo howlaha cafimaad ee xeryaha Dhadhaab iyo Doolow Caddoow haddana waxaa waqtigan la helayaa carruur badan oo uusan gaarin gargaarku kuwaasoo dhimanaya maalmaha ama saacadaha ugu horreeya ee ay yimaadaan taasoo hadda kor u sii kacaysa.
Xasaradaha ka taagan Soomaaliya ayaa saameeyay dhammaan gobolka Geeska Afrika, si arrintaan wax looga qabtana waa in bulshada caalamku ay sii waddaa taageerada ay ka geysanayso gobolka, 300,000 oo qof ayaa sanadkii tegay ka qaxay Soomaaliya, iyadoo xilligaanna ay 980,000 oo qaxooti Soomaali ah ay ku nool yihiin waddamada Kenya, Ethiopia, Yemen iyo Djibouti.
Maxamed Xasan/MG/FM









