Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Biyo la`aan ka taagan deegaanka Ceelhuur ee Mudug

Radio Ergo by Radio Ergo
June 6, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
Biyo la`aan ka taagan deegaanka Ceelhuur ee Mudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank06 June, 2012 MUDUG

Inkasta oo ay da`een roobabkii guga islamarkaasina gobollada qaar ay ka soo doogsadeen abaarihii ku dhuftay dadka iyo duunyada, ayaa haddana waxaa jira deegaanno lagu diimay dhibic roobaadkii laba xilli oo is xigtay islamarkaana aysan ka di`in roobabku.

Deegaanka Ceelhuur wuxuu ka mid yahay deegaannada gobolka Mudug islamarkaana hoos taga Degmada Xarardheere ee gobolkaas, waxayna dhanka bari kaga beegan tahay Magaalada Cadaado qiyaastii 270 KM. Dadka deegaankaas oo ay la xiriirtay idaacadda Ergo ayaa sheegay in dhibaatooyin badan oo bini`aadannimo oo ay ugu weyn tahay biyo la`aan iyo in aanay jirin xarumo si ku meel gaar ah u sii qaban karaya howlaha caafimaadka ee ay u baahan yihiin dadka deggan deegaankaas.

Shire Cali Xalane wuxuu ka mid yahay maamulka deegaankaasi wuxuuna Raadiyo Ergo u sheegay inay ka jiraan xilligani biyo la`aan baahsan oo saameeysay dhammaan qoysaskii danyarta ahaa iyo kuwii kale ee ku dhaqnaa deegaanka Ceelhuur.

Shire ayaa intaa ku daray in ceelka kaliya ee ku yiillay deegaanaka Ceelhuur uu biyo keeni jiray markii togogga dhaadheer ay xilli roobaadka biyo soo rogaan.

 

Shire Cali Xalane ayaa Raadiyo Ergo u xaqiijiyay meesha ugu dhow ee uu roob ka da`ay inay u jirto deegaankaas illaa iyo 50 KM, iyo in ka badan taasi oo sababtay in dadka xoolo dhaqatada ah inta uga badbaaday abaarihii dhowaan ku dhuftay Soomaaliya ay daaqsin ula raadsadaan goobaha ay roobabka ka da`een.

Ugu dambeyn ayuu ka warbixiyay Shire Cali Xalane illaa 40 qoys in biyo la`aan darteed ay uga barakaceen deegaanka Ceelhuur islamarkaana ay jiraan qoysas kale oo ku dhibaataysan.

Dadka deggan deegaanka Ceelhuur ayaa haatan waxay ku tiirsan yihiin biyo loogu keeno gawaarida booyadaha, oo si dhib leh ku soo mara bacaadka xiray waddooyinka qaarkood, oo aysan u suurta galeynin in gawaarida qaar ay maraan.

 

Cumar Xabeeb Nuur /MG/FM

Previous Post

UNOCHA oo kormeertay guryo loo dhisay barakacayaasha

Next Post

Warbixin UNHCR; Xaaladda qaxootiga Soomaalida ee Geeska Afrika

Related Posts

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
Next Post
Warbixin UNHCR; Xaaladda qaxootiga Soomaalida ee Geeska Afrika

Warbixin UNHCR; Xaaladda qaxootiga Soomaalida ee Geeska Afrika

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo