Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

UNOCHA oo kormeertay guryo loo dhisay barakacayaasha

Radio Ergo by Radio Ergo
June 5, 2012
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga
0
UNOCHA oo kormeertay guryo loo dhisay barakacayaasha
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

blank05 June, 2012 BOOSAASO

Hay`adda isku dubaridka arrimaha bani`aadannimada QM ee UNOCHA ayaa kormeer ku sameysay 1,641 guri oo jiingad ah oo loo dhisay dadka barakacayaasha ee ku nool kaamka bariga magaalada Boosaaso, oo ay ku mideysan yihiin kaamam fara badan oo laga soo raray daafaha magaaladaasi. Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu aheyd u kuurgalidda sida ay uga
faa`ideysteen dadka baracayaasha guryahani loo dhisay.

Mashruucaan oo loo soo gaabiyay C.G.I, ayaa waxaa iska kaashanaya hay`adaha UNHCR, CHF,ECHO iyo NMFA, waxaana Mashruucan la soo mariyey hay`adda UNOCHA, iyadoo ay fulineyso hay`ada NRC.

Cabdiraxmaan Hiirad Maxamed, waa sarkaal ka tirsan NRC wuxuuna uga warbixyay Raadiyo Ergo sida ay uga faa`iideysteen guryahan dadka barakacayaasha loo dhisay “Mashruucaan waxaa loogu tala galay in loogu beddelo dadka guryihii horey ay ugu noolaayeen guryo kuwaasi ka wanaagsan, waxaana ka faa`iideystay guryahan 1,641 qoys oo ka mid ah dadka barakacayaasha ah.”

Qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ah ee ku nool kaamka bariga Boosaaso ayaa si weyn usoo dhoweeyay guryahan jiingadaha ah ee loo dhisay, waxaana ay inoo sheegeen in hadda ay aad u wanaagsan tahay noloshooda marka loo fiiriyo markii ay degganaayeen buushash yar yar oo ka sameysnaa baco iyo baakado “Magaceygu waa Xaliima markii aan buushka degganaa waxaan ka walwali jiray goormuu dab ka kici doonaa kaamka oo uu gurigaaga guban doonaa? Goormaase habeenkii tuug uu kuu soo dhici doonaa, runtii guryahan jiingadaha ah wax weyn bey na tareen.”

Dhinaca kale dadka ku nool Kaamka bariga Boosaaso ee aan helin fursaddan guryaha loogu dhisayo ayaa ka dalbaday hay`adaha samafalka in loo dhiso guryo “Magaceygu waa Khadiijo Muriidi, habeenkii fooraha kama seexanno, guryaha ayuu naga dumiyaa, waxaan ka cabsannaa dab, tuugada iney soo duleeliyaan guriga ayey kuugu soo galayaan waxay doonaan ayey kuugu sameynayaan,alaabtaadana way kaa qaadanayaan.”

 

Dadka barakacayaasha ee hoyga u ah guryaha ka sameysan bacaha iyo cooshadaha ayaa had iyo jeer ka cabsi qaba waxyeello ka soo gaarta dabka ka kaca xilliyada xagaaga magaalada Boosaaso.

Warbixin sanadle ah oo ay soo saartey hay`adda UNOCHA ayaa lagu sheegay in
tirada dadka barakacayaasha ee ku nool magaalada Boosaaso ay gaarayaan 50
illaa 55,000 oo barakacayaal ah, oo u badan dumar, carruur iyo waayeel.

Axmed Nuur Soomaali/FM

Previous Post

Tanzania iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay siidaynta maxaabiis

Next Post

Biyo la`aan ka taagan deegaanka Ceelhuur ee Mudug

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku xarooday xeryaha Baardheere oo la il-daran nolol xumo ka dhalatay dhaqaale la’aan

March 27, 2026
Next Post
Biyo la`aan ka taagan deegaanka Ceelhuur ee Mudug

Biyo la`aan ka taagan deegaanka Ceelhuur ee Mudug

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo